Guddoomiye Jawaari oo Nairobi kula kulmay Deeq Bixiyaasha Caalamiga ah (Sawiro)

by mahad | Thursday, May 18, 2017 | 2641 views

May 18 (Jowhar)—Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa kula kulmay Hotel Southern Sun Mayfair ee magaalada Nairobi deeq bixiyeyaasha caalamka ee taageera Golaha Shacabka, iyadoo shirkaasina ay ka qeybgaleen xubnaha guddoonka Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Shirkan waxaa dhanka Golaha Shacabka wafdiga uga qeybgalay hogaaminayey Guddoomiyaha Golaha Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” waxaana wafdiga ka mid ah Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo maamulka Golaha Shacabka waxaana looga hadlay howlaha hor yaala Golaha Shacabka iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin.

Guddoonka Golaha Shacabka waxa ay shirka kusoo bandhigeen qorshaha sharci dejinta iyo kormeerka hay’adaha dowladda 2017-2020 ayadoo qorshahan ay ku wada cad yihiin sharuucda hortebinta u leh Golaha Shacabka iyo shaqooyinka ay qabanayaan guddiyada joogtada ah oo Golaha Shacabka u qaabilsan kormeeridda howlaha Wasaarradaha Xukuumadda.

Xubnaha ka socday deeq bixiyeyaasha Caalamka ee shirka kasoo qeybgalay ayaa aad ugu riyaaqay qorshaha diyaarsan ee ay soo bandhigeen Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana ay ballan qaadeen iney gacan ka geysan doonaan sida qorshayaashi loo hirgelin lahaa.

Like it? Share it!