Jaamacadda Jobkey oo tababar u qabatay ardayda ka qalin jebisay dugsiyada sare ee Jowhar(Sawiro)

by mahad | Friday, May 19, 2017 | 1387 views

May 19 (Jowhar)—Jaamacadda Jobkey oo ka mid ah jaamacadaha ka howl gala magaalda jowhar ayaa maanta waxa ay tababar u furtay ardayda ka qalin jebisay dugsiyada sare ee sanad dugsiyeedka 2016-2017 iyadoo munaasabad sagootin ah ugu qabatay magaalda jowhar.

Tababarkani ayaa waxaa soo xaadiray in kabadan 150 arday oo soo dhameystay waxbarashada dugsiga sare kuwaas oo jaamacaddu ay u diyaarisay barnaamijyo heer sare  ah oo ay ku dooranayaan kulliyadaha ay daneynayaan in ay ku biiraan .

Agaasimaha jaamacadda Jobkey Cali  Aadan Axmed oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in jaamacdda ay sameyneysa barnaamijyo  aqoon kororsi ah oo loogu talagalay ardayda soo qalin jebisay si ay u la qabsadaan jaamacadda .

Cabdiraxman Shuceyb Jeelle oo ah madaxa xiriirka iyo marketting–ka ee jaamacadda jobkey xarunteeda Jowhar oo isaga soo abaabulay munaasabaddani ayaa sheegay in barnaamijkani tababarka ah ay ugu gol leeyhiin sidii jaamacaddu ay kor ugu qaadi laheyd aqoonta dhalinyarada dhameysatay dugsiga sare ee ku biiri doono jaamacadda .

Ugu dambeyn waxaaa madasha tababrkan uu ka furmay ka hadlay madaxa maaliyadda ee jaamacadda jobkey kana mid ah masuuliyinta sare ee jaamacadda Cabdullaahi Caagane waxana uu tilmaamay in ay jaamacaddu nasiib u yeelatay arrimo faro badan islamarkaan ay si weyn u dabooshay baahiyada waxbarasho ee Gobolka sh/dhexe.

“Waxaan tababrkan u furnay ardayda dhameysatay dugsiyada sare si aan ugu caawino kulliyadaha ay dooranayaan iyo guud ahaan sare uqaadidda heerkooda aqooneed” ayuu yiri Cabdullahi Caagane .

Jaamacadda jobkey ayaa sanad kasta waxa ay ardayda u qabataa tababaro dhinacyo badan leh waxaana uu barnaamijkani maanta ku soo beegmayaa xilli maalinta berri ah ay ardaydu u fariisanayaan imtixaanadka shahaadiga ee ay Wasaarada Waxbarashada dowlada Federalka soo diyaarisay.

 

Like it? Share it!