Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay raadinta xuquuqda Gobolka Banaadir (Daawo)

by A M | Friday, May 19, 2017 | 7811 views

May 19 (Jowhar)— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay raadinta xuquuqda Gobolka Banaadir, isagoo ugu baaqay shacabka reer banaadir in si wanaagsan ay ku raadiyaan xuquuqda ay tabanayaan inay ka maqan tahay.

Hadalkan ayuu Ra’iisul Wasaaraha ka jeediyay Munaasabad lagu taageerayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho oo shalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in shacabka reer Banaadir looga baahan yahay iyagoo isku duuban inay garab istaagaan Maamulka Gobolka Banaadir, fariinta ay qabaan ay u soo gudbiyaan, kaddibna madaxda dalka uu u soo gudbinayo.

“Waxaa balan qaadayaa aniga iyo Madaxweynaha inaan la shaqeyn doono Guddoomiyaha Gobolka Banaadir”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

 

Like it? Share it!