Roobab xooggan oo sababay daadad oo xalay ka da’ay magaalada Muqdisho

by A M | Friday, May 19, 2017 | 4582 views

May 19 (Jowhar)— Roobab xooggan oo sababay daadad ayaa xalay ka da’ay magaalada Muqdisho, kaasoo saameeyay shacabka ku nool inta badan xaafadaha Muqdisho.

Roobabkan oo muddo saacado socday ayaa watay dabeylo, waxaana waddooyinka waa weyn ay noqdeen kuwo biyo badan ay xireen.

Waddooyinka qaar ayaa la sheegay in gaadiid marayay inay daadad, waxaana meelaha qaar la soo sheegayaan inay dad ku dhaawacmeen guryo ku soo dumay.

Xaafada Buulo Xuubey ee degmada Wadajir ayaa ka mid ah meelaha ay saameeyeen roobabka, waxaana war ay biyaha galaan ay noqotay mid aad u buuxsantay, taasoo keentay inuu ku soo fataho xaafadaha oo guryo badan ay biyo galeen

Dad badan ayaa ka barakacay guryahooda oo ay biyo ugu soo galeen, waxaana ay aadeen xaafado kale.

Sidoo kale roobabka ayaa saameyn ku yeeshay dadka barakacayaasha ee degan duleedyada Muqdisho, kuwaasoo aqaladooda ay biyo ugu soo galeen, maadaama aqaladooda ay ka sameysan yihiin baco iyo cooshado.

 

Like it? Share it!