Sheekadii: Nasiibka waa sad Nabsigana waa Halkiisa Qeybtii 4aad

by hanad | Friday, May 19, 2017 | 3220 views

I dhageyso kama helin in aad gurigeyga igu timaado fadlan waa ku baryaa shanigeyga ka bax.

 

Liibaan:

 

Horta aan is wareysano horta ogaaw sababta aan u socdo

 

Deeqo:

 

Sababtaada waan ka dheregsan nahay dhabtii boos igama bannaana waa ku baryaa wadadeyda ka bax fiiri adiga dartaa ayaan caawa Dumaashidey oo hooyadey camal ah aan isugu dhacnay waxaas oo dhan adiga dartaa ayaa ay ku dhacayaan

 

Liibaan oo aad ugu xumaatay ayaa yiri

 

Liibaan:

 

Waan ka xumahay waana kaa raali gelinayaa in dartey ay sidaan oo dhan ay ku dhaco balse mid ogaaw adiga naag kama weynid waana ku jeclaatay qofka bani’aadamka xaq ayaa u leeyahay inuu wax jelaado isagana la jeclaado aniga reer iyo raasumaal ayaan kula damacsan nahay waxaana diyaar u ahay in aan qalbigaaga ka tiritiro xumaanta hore ee lagu aasay

 

Deeqo inta ay qosol hariifo jebis ah qososhay ayaa ay tiri

 

Deeqo:

 

Waad riyooneysaa ee riyada ka bax aniga adiga saacidaad kaagama baahni walaalow gurigeena noo dhaaf ee nabadey

 

Liibaan inta uu labo tallaabo hore u soo qaaday ayaa uu yiri

 

Liibaan:

 

In aan guul dareystay kama xumi laakiin sida aad ila dhaqantay ayaa aad ugu xumahay kuma rabo si edaab ku jirto waad igu dhihi kartay laakiin ma aqaan sababta aad xumaantaan oo dhan igu geysaneysid laakiin dhib malaha wax walba waxa ay leeyihiin Positive & Negative kamana xumaanayo nasiibkeyga manta meesha uu I dhigay

 

Markii uu intaa yiri ayaa uu iska baxay daashka ayaa isku dayey inuu ka raadiyo Nasteexo si ugu raali geliyo dhibka madaxiisa ku gaaray balse ma uusan la kulmin waxaana uu albaabka kula kulmay Colaad oo xilligaas soo hooyanaayey inta uu salaamay ayaa ka sii gudbay

Colaad markii uu guriga soo galay ayaa waxa uu arkay Deeqo oo illinka qolkeeda taagan waxa uu weydiiyey ninka sii baxaayey markaasey ku tiri waa wiil aan suuqa dersi ka nahay oo dukaan ku leh Colaad oo aan aheyn qof sidaa u war badan ayaa qolkiisa u gudbay.

 

Liibaan habeenkaas waxa ay u ahayed habeenkii ugu xumaa noloshiisa isagoo weli xaaladii ku jira ayaa uu guriga tagay markii uu guriga hore u galay ayaa waxaa barantada fadhiday hooyadiisa isagoo aan la hadlin ayaa uu ka gudbay oo uu qolkiisa galay hooyadiisa oo habeenkaas aad ula yaabtay sida uu wiilkeeda caawa yahay ayaa qolka ugu soo gashay waxayna la kulantay isagoo sariirta la koray kabahiisa markaasey ku tiri

Sheekadii: Nasiibka waa sad Nabsigana waa Halkiisa Qeybtii 4aad jowhar.com

Sheekadii: Nasiibka waa sad Nabsigana waa Halkiisa Qeybtii 4aad

Nuuro:

 

Liibaanow caawa maxaa ku helay hooyo waa adigaan caadiga aheyn

 

Liibaan:

 

Hooyo weligaa waxaan I Oran jirtay guurso si aan owlaadaada u arko anigana waxaan ku Oran jiray gabar I qancisa weli ima hor imaan hooyo gabadhii aan weligey ku hamin jiray ayaa markii ay I hortimidna aan ku guul dareystay hooyo sow nolosheyda oo dhan ma qasaarin

 

Nuuro:

 

Inaa Lillaah maxay tahay qasaaraha aad sheegeysid iyada gabadhaas maxay dheer tahay gabdhaha iyadaana qasaartay haddii adiga oo liibaan oo aan aniga ku dhalay ay ku diiday wiil kaa fiican aan aragno haddii ay keeneyso hana isku wareerin iyadaa dib u shallaay doonto oo ka qoomameyn doono go’ aankeeda ay kugu diiday

 

Liibaan:

 

Hooyo raga in ay isku mid yihiin ayaa ay moodaa maxaa yeelay hore ayaa guurkeedii hore u hallaabay

 

Nuurto:

 

Oo kaalay gabar ma aha ma qof hore loo guursadaa war garoob maad sidaan ugu cataaweyso xataa haddii ay ku ogolaan laheyn anigaaba ka soo horjeeda

 

Liibaan:

 

Maya hooyo gabarnimadeeda iyo garoobnimadeeda aniga ma guursan laheyn ee iyada iyo dhaqankeeda ayaan guursan lahaa gabarnima wax weyn ma aha

 

Hooyo nuuro oo ah soo dabacday ayaa tiri

 

Nuurto:

 

Laakiin hooyo maxay kuu diiday adigoo dhibtoonayo kuma arkin karo waxaad jeceshahay ayaan kula jeclahay

 

Liibaan:

 

Waad mahadsan tahay hooyo laakiin waan qasaaray

 

Hooyo Nuuro inta ay wiilkeeda xabadka saartay ayaa ay ku tiri waxba ha is xumeyn mid la mid oo uu sedrigaaga ku dego ayaan kugu duceynayaa Liibaan ooyin ayaa uu la dhacay markii ay hooyadiis u soo dhawdaaay Hooyo Nuuro aad ayaa ay habeenkaas wiilkeeda ula kurbootay balse subaxii Liibaan isagoo sidii hore ka yara degan ayaa uu hurdada ka soo toosay inta uu quraacday ayaa uu shaqadiisa aaday balse waxa uu aad ula yaabay Deeqo oo suuqa kaga soo horeyn jirtay oo saaka aan furin murug kale ayaa taa u ahayd wuxuuna isku cannaantay reer degnaa ayaa col gelisay.

 

Deeqo iyada subaxaas maba ay soo toosin waxayna habeenkii oo dhan ay la murugsaneyd sida ay dumaashideed ula dhaqantay  waxayna subaxii ka welwelsaneyd sida ay dumaashideed wejiga u hor keeni lahayd taa darted ayaana ay sariirta isugu dhejisay, balse Nasteexo oo aan wax cuqdad ah aan u qaadan aaminsaneyd in ay wanaageeda oo kaliya ay ka shaqeyneysay ayaa inta ay yaabtay albaabka ku garaacday ku tiri maad toostid, deeqo oo awalba soo jeeday ayaa albaabkii furtay markii ay albaabka furtay ee ay soo baxday ayaa nasteexo ku tiri

 

Nasteexo:

 

Maxaa ku helay saaka waadigaan iska jiifo miyaadan suuqa aadeynin mise waad xannuunsan tahay

 

Deeqo:

 

Maya dumaashi ee xishood ayaan qolka kula jiray wixii aan xalay falay ayaan ka shalaaynaayey waa ku baryaa iga raali ahaaw ma aqaan xalay sida ay iga noqoday

 

Nasteexo:

 

Dhib malaha aniga gabdheyda ayaa tahay kaamana xumi raali gelin uma baahni laakiin Liibaan ayaa raali gelin kaaga baahan

 

Deeqo:

 

Iga daa kaa isagaa wixii dhacay ka dambeeyey mana rabo xataa in aan la kulmo

 

Nasteexo:

 

Haddaba mid ogaaw haddii aadan isaga raali gelin anigana raali kaama ihi

 

Deeqo:

 

Waa ku baryaa dumaashi sidaa ha dhihin liibaan ha I hoosgeyn xataa ma rabo in aan arko

 

Nasteexo:

 

Maxaad sidaan oo dhan ugu nacday bal ii sheeg muxuu xumaan ah oo uu leeyahay

 

Deeqo:

 

Xumaan aan ogahay oo aan ku asteynayo majirto waan ogahay inuu yahay wiil dhallinyaro ah oo firfircoon balse aniga nin iyo la haasaawidiisa uma soo jeedo isaga sanka ayaa uu iga galayaa

 

Nasteexo:

 

Mid ogaaw nasiibka qofka mar kaliya ayaa uu soo marayaa haddii markaa aadan ka faa’ideysan lagama yaaba inuu mar kale ku soo maro ee liibaan si kale u fiiri waxaan ka dareentana ii sheeg

 

Deeqo:

 

Dumaashi waa ku baryaa Liibaan sidaan oo dhan ha u buunbuunin aniga waxba uma arko

 

Markii ay intaa tiri ayaa waxaa soo gashay gabar yar oo u sheegtay in saaxiibteed Nimco Jaamac ay umushay inta ay musqusha gashay ayaa soo meyratay dharkana soo badalay ayaa ay dumaashideed ku tiri manta suuqa ma aadayo oo waxaan aadayaa Naciimo xageeda ee nabadey

 

Maqnaashaha ay manta suuqa ka maqan tahay Deeqo waxay murug u tahay Liibaan oo isaga arrinta u sarifanayo inuu guriga buuq ka jiro isla markaana sababta dhibka jira eedeeda uu isaga leeyahay

 

Liibaan maalintaa waxa uu shaqo ka dhigtay in uu mar walba uu qoorta inta uu soo baxsho oo uu fiirsho dukaanka Deeqo balse miskiinka ayaa aqbaarta u sheega in manta aysan Deeqo marnaba suuqa imaan doonin oo ay arrimaheeda gaarka ah ku maqan tahay

 

Deeqo xilli dambe oo habeenkii ah ayaa ay xaafada ku soo noqotay waxayna maalintaa oo dhan ay waqtiga la qaadatay saaxiibteed oo maalintaa nasiibkeeda ka dhigay hooyo

 

Deeqo subixii xigay ayaa ay sidii caadada u aheyd ku kalafday suuqa oo ay dukaankeeda furatay tani waxaad moodaa in xoogaa ay bareesharka ka yareynka doonto Liibaan oo dukaanka Deeqo furan u ahayd farxad markii uu suuqa soo galay oo uu arkay deeqo oo dukaanka horfadhisa isaga farxad uma dhinteen balse kuma uusan leexan waxaana uu ka gooyey luuq meesha ka dhawaa sidaasna uu kor u soo maray dukaankiisa.

 

Liibaan waxaad moodaa inuu go’aan ka qaatay deeqo wallow uu si aad u jeclaa haddana waxa uu is tusiyey in isaga uu yahay dhibane loona baahan yahay in loo yimaado waa tii la yiri Barow & Barey kala war la’ Deeqo xisaabta maba ugu jirta in ay lugaheeda ku raadiso Liibaan oo ay raali geliso isumana heysato in ay dembiile tahay kala war la’aantaas ayaa uuna maalintaa waqtiga ku dhamaaday oo lagu kala tagay suuqa

 

Deeqo habeenkii markii ay guriga tagtay ayaa waxaa arrinta liibaan kala hadashay dumaashideed

 

Nasteexo:

 

Deeqo ii waran manta liibaan mala kulantay

 

Deeqo:

 

Sidee dumaashi waad la socotaa in aan ninkasa rabin sideen ula kulmaa

 

Nasteexo:

 

Laakiin gurigaaga ayaa ku xumeysay rabid iyo rabid daro ma taagana sow taas in aad ka raali gelisa sow ma fiicana

 

Deeqo:

Nasiibka waa sad Nabsigana waa Halkiisa waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah. Penned by Hali Hassan (XAALKOOS) Mail: xaalkoos@hotmail.com
Like it? Share it!