Jowhar: Jowharadii Dalkaay Jowharee Muxuu Jinkaa ku dhaafay!

by hanad | Saturday, May 20, 2017 | 3047 views

Magaalada Jowhar ayaa ah magaalo fac weyn isla markaana magaalo madax u ah Gobolka baaxada weyn ee Shabeelaha Dhexe oo dhaqashada xoolaha iyo beeraha ku caan ah  Ma Jowharadaa Mise waa Joog oo Har.

Jowhar waa magaalo uu bartanka ka maro webiga shabeele waana mida ay ku kasbatay in sanadii 1917kii uu magaalada Yimaado nin ka socday boqortooyadii talyaaniga oo baadigoob ugu jiray dhul beereed baaxad weyn oo ku haboon in dalagyo kala duwan ay ka bixi karaan kaa oo ugu dambeyn maalgashi ay ku sameysteen dhulka beeraha ee ay magaalada laheyd iyada 1919kii ay ka howlgashay magaalada Jowhar shirkad magaceedu ahaa S.A.I.S (SOCIETA AGRICOLA ITALO SOMALO)oo ay ku mideysnaayeen in ka 60 saamiley oo Talyaani ah oo dhamaantood ay soo jiitaday dhulbareed waraabka ah ee webiga ka sareeya kaa oo aan u baahneyn in matoor loo adeegsado waraabkiisa.

Tijaabadii ugu horeysay ee dalaga Qasabka lagu tacbo magaalada ayaa noqday mid guuleysto keentayna in dhidhibada loo taago 1926kii warashadii Sonkorta ee SNAI oo iyada aheyd warshad dadka deegaanka ay ku faa’ideen iyada oo ay shaqo ku heysteen shaqaalo badan waxayna aheyd warshadii ugu weyneyd ee Bariga Afrika ee Sokor soo saarta xilligaas.

Warshadaan ayaa soo saari jirtay Sokor cad oo loo iib geyn jiray meelo badan oo dalka ah tacabkii qasabka markii uu kordhay ayaa keentay in qaab kale loo adeegsado walxihii ka soo haray sifeynta sokorta iyadoo tiina ay keentay in warashadii Barfuunka iyo Alkolada ee Biyaso ay abuuranto oo iyada soo saari jirtay walxo badan oo ay ka mid ahaayeen Barfuuno Cataro, iyo Alkolo oo labo nuuc oo mid ka mid d ah dibada loo dhoofin jiray sidoo kale ayay warashadii SNAI BIASA ay soo saari jirtay Kabooyin caag ka sameysan iyo alaab maacuun oo noocyo kala duwan ahaa oo caagag ka sameysnaa waxayna warashada Barafuunka ee BIASA ay kaga duwaneyd warashada Sokorta ee SNAI in tirade ugu badan shaqaalaheeda aya ahaayeen Dumar oo fursad fiican halkaa ka helay.

Jowhar: Jowharadii Dalkaay Jowharee Muxuu Jinkaa ku dhaafay! jowhar.com

Jowhar: Jowharadii Dalkaay Jowharee Muxuu Jinkaa ku dhaafay!

Magaalada ayaa caan ku ah tacabka bariiska iyada oo aheyd meeshii laga hirgeliyey mashruucii bariiska ee BAAROW WEYNE kaa oo noqday tacabkiisa mid lagu guuleysta oo si wanaagsan kaga baxay magaalada Jowhar ilaa iyo xilligaan waa magaalada kaliya ee dalka uu bariiska ka baxo taa oo ugu dambeyntiina ay magaalada ku kasbatay magacii caanka baxay ee ahaa ADDUUNYO JOWHAR KA JOOG AAQIRINA JANNO.

Magaalada ayaa aheyd mid kulmisey soomaali oo dhan waana dad aan marnaba qabiil isku faquuqin oo aad isu jecel oo dad nabadeed ah magaalada ayaa ka mid aheyd magaalooyinkii faratariska ahaa ee ay ka how galeen iskuuladii Mission loo yaqaanay ee ay maraykanka lahaayeen kaa oo meelo badan looga soo waxbarasho doonan jiray waxayna aheyd magaalo hal abaaur leh.

Jowhar: Jowharadii Dalkaay Jowharee Muxuu Jinkaa ku dhaafay!

Jowhar: Jowharadii Dalkaay Jowharee Muxuu Jinkaa ku dhaafay!

Waxayna magaaladaan dadkeeda ay kaalin wanaagsan ku lahaayeen halgankii Gobinodoonka ahaa ee gumeystihii Talyaaniga laga xoreynayey dalka iyada si xoogan magaaladaan looga taageeri jiray xisbigii SYL ama LEEGO oo uu ku lahaa dhalinyaro badan oo wiilalal iyo gabdho isugu jiray oo ay ka mid ahaayeen Makaay Garaare, Cabdulle Bahgeri, Katiin Yarow, C/llaahi Qaamdheri, Odoway Jimcaale. Khadija Isaaq Baaley, Aamow Warey, Faaduma Xaaji Caamir, AlQamar, Faay Juuni, Faarax Ducaale, Xassan Farey, Xaaji Danan iyo Xasan Dhagey, iyo kuwa kale oo badan.

Waxaase ayaandaro ahayd in dalka markii uu xurnimadiisa helay calan soomaalina la taagay in degmadaan aan marnaba laga xusin dhalaintii u soo halgantay waxaana taa ugu wacnaa iyada oo maamuladii soo maray ay ahaayeen kuwa loo soo magacaabo oo kor looga keeno hubanti ayay ahaan laheyd haddii ay magaaladaan heli laheyd mid iyada ku dhashayoo ku tacliin bartay ay dhici kartay in xilli hore wadooyin ama iskoolo lagu xusi lahaa magacyadii halgamayaashaas soo maray magaaladaan waana mida aan u leeyahay Jowhar waa CARUUSAD AAN CALMASHO LAHEYN!!!!!!

Xurnimada1960kii 1st Luulyo ilaa burburkii dowladii dhexe Magaalada Jowhar ma aysan baxsan codkeeda kumana soo xulan kii iyada u qalmay ee dariiqa wanaagsan ee horumarka u aabaha ahaa ku hagi lahaa waana tan ay qeyrkeed ku dhaafeen welina u tahay CIDLA CIIRSI LA’.

Jowhar: Jowharadii Dalkaay Jowharee Muxuu Jinkaa ku dhaafay!

Jowhar: Jowharadii Dalkaay Jowharee Muxuu Jinkaa ku dhaafay!

Markii uu dalka galay Jaantaa Rogan oo cid kasta awood iyo xoog wax ku raadisay ku qabsoo ku qadi meysidna ay timid ayaa magaalada waxaa soo caga dhigteen rag aan la garan magaaladiina nala sheegtay oo xoog nagu qamuuniyey waxayna magaalada gashay mid la is heyb sooco iyadoo dadkii walaalaha soo ahaa boqolaalkii sano ayaa la kala soocay oo reer Qansax iyo reer Qurac u kala baxay waxayna magaalada magan u noqotay burbur iyo dagaal kuwii yimid ayaa isku dagaalay oo anaa kaa sad badan iyo anigaa kaaga sad badan ayaa laisku dilay waxayna taa na dhaxal siisay in diiwaanka nalaga tiro oo dhaxalkeena uu cid kale qaado waxa uuna xaalkii dadkii magaalada loogu yimid noqday ILLAAH AYAA JOOGO balse waxaan manta carabka aan ku adkeynayaa sidoo kale aan u sheegayaa kuwii magaalada Jowhar loogu yimid ee codkoodii la daboolay in Alle uu markasta joogay balse maareynta xaqaada adiga lagaaga baahan yahay in aad raadsado ileyn xaqu mar kasta raadin ayaa uu rabaa.

27 sanno ayay cadaalada tahay mid weli maqan iyadoo manta magaalada Jowhar ay caasimadu tahay maamul goboleedka HIRSHABELLE ooo sagaal bilood oo isjiijiid ah kadib lagu soo dhisay hadana waa magaalo weli ehelkeeda ay maqan yihiin kuwa yimid ay yihiin kuwa lagu soo doortay qaabka qabiliga bedelkii lagu soo xulan lahaa aqoon, Karti, iyo ka go’aanansho horu u socod.

Magaalada Jowhar ayaa la oran jiray JOWHARAD iyadoo ay jirtay magacyo kale oo ay laheyd isla markaana xilliyo kala duwan la bixiyey waxaana la isku raacsan yahay in magaalada xilli hore la degay sida taariikhaha qaar ay xusayaan waala degaana ka hor 1880kii balse waxaa ayaandaro ah in taariikhdeeda fog aan la qorin isla markaana aysan ku jirin taariikhda magaalooyinka dalka oo qaarkood taariikhahooda ay ahaayeen kuwa ka mid ahaa manhajkii uu dalka lahaa ee iskuulada lagu baran jiray waana tan igu dhalisay in taarrikhda magaaladaan aan wax badan ka aruuriyo mustaqbalkana aan buug ahaan u soo saaro Inshah allah.

Xaali Xassan Xaalkoos
xaalkoos@hotmail.com

Like it? Share it!