Manchester United oo ku guuleysatay Koobka Europe League (Sawirro)

by A M | Thursday, May 25, 2017 | 3760 views

May 25 (Jowhar)— Kooxda Kubadda Cagta ee Manchester United ayaa ku guuleysatay Koobka Europe League, kaddib markii ay 2-0 uga badisay Kooxda Ajax ee ka dhisan dalka Holland.

Ciyaarta Finalka oo xalay ka dhacday garoonka Stockholm ee dalka Sweden ayaa Manchester waxay ugu suura gelisay inay ka mid noqoto kooxaha ka qeyb galaya Tartanka Champions League.

Goolasha ay ku badisay Manchester United ayaa waxaa u kala dhaliyay ciyaaryahanada Paul Pogba iyo Henrikh Mkhitaryan, kuwaasoo goolasha kala dhaliyay labada qeyb ee ciyaarta.

Manchester ayaa noqotay kooxdii shanaad ee qaada koobka Europe League iyo Champions League, waxaa horay rikoorkan u dhigay kooxaha Juventus, Bayern Munich, Liverpool iyo Ajax.

 

Like it? Share it!