Sheekadii: Nasiibka waa sad Nabsigana waa Halkiisa Qeybtii 5aad

by hanad | Friday, May 26, 2017 | 3784 views

Laakiin gurigaaga ayaa ku xumeysay rabid iyo rabid daro ma taagana sow taas in aad ka raali gelisa sow ma fiicana.

 

Deeqo:   

 

Iska illow dumaashi igana daa ninkaas.

 

Nasteexo:

 

Maya Deeqo waa qasab in aad wiilkaas raali geliso aniga isaga ma kugu qasbaayo laakiin mid samey la hadal oo dhageyso hadalkiisa waa Nin macquul ah waxaa laga yaabaa in hadaladiisa ay ku deeqaan.

 

Deeqo in ay qososhay ayaa ay tiri

 

Deeqo:

 

Waa tahay waan la kulmayaa waana raali gelinayaa

 

Nasteexo:

 

Haddana ballan miyaa midaas

 

Deeqo:

 

Haa dumaashi berito dukaankiisa ayaa ugu tagayaa waana raali gelinayaa laakiin ballan ma kaaga qaadayo in aad codsigiisa aqbalay

 

Nasteexo:

 

Xataa raali gelinta wax weyn ah kadib iyadaa waxa kale imaan doonaan

 

Nasteexo go’aanka dumaashideed aad ayaa ugu faraxday waxayna rajeyneysay in isfaham uu imaan doono

 

Deeqo subixii waa ay ku adkeed in ay dukaanka ka tagto oo ay liibaan xagiisa aado maxaa yeelay suuqa subaxii aad u buuq badan balse in ay u tagto waa ay ku weyneed

 

Mar ay salaadii duhurka laga soo baxay oo suuqana buugiisa yaraaday ayaa ay gabar agteeda miis ku laheyd ku tiri dukaanka ii sii fiiri meel inta ah ayaan gaarayaa waxayna toos u abaartay dukaankii Liibaan nasiib wanaag keligiis ayaa ku sugnaa inta ay gudaha u gashay Liibaan oo xilligaas sii jeeday ayaa ay ku tiri.

 

Deeqo:

 

Duhur wanaagsan Liibaan

 

Liibaan oo qadarinta lagu yaqiin ayaa markii uu soo jeestay aamani waayey qofka ay indhihiisa qabanayaan ayaa ku soo booday

 

Liibaan:

 

Waad soo dheraatay manta qof baa wadada ka soo dhuntay bal fadhiiso

 

Deeqo:

 

Waad mahadsan tahay waxaan filayaa waa markii igu horeysay ee aan dukaankaaga soo galo dhabtii aad ayaa uu qurux badan yahay sida aad u sharaxday waan ka helay.

Sheekadii: Nasiibka waa sad Nabsigana waa Halkiisa Jowhar.com

Sheekadii: Nasiibka waa sad Nabsigana waa Halkiisa

 

Liibaan:

 

Thanks qabow iyo kuleyl maxaad cabbeysaa

 

Deeqo:

 

Kuleyl waliba koob shah oo caddeys ah

 

Liibaan inta uu bannaanka u soo baxay ayaa uu gabar agtiisa fadhisay ka dalbay in ay u keentao labo koob oo shah caddeys ah markii shaahii la keenay ayaa hadalka waxaa furtay deeqo oo tiri.

 

Deeqo:

 

Dhabtii Liibaan aad ayaan ugu xumahay wixii aad sameeyey habeenkii aad gurigeena joogtay haddana aad ayaan kaga qoomameynayaa maxaa yeelay sida aad beydkaaga igu soo dhaweysay iyo waliba sida aan aniga kula dhaqmay fadlan iga raali ahaaw.

 

Liibaan:

 

Aniga waxay ila aheyd in wixii dhacay ay ahaayeen waxaan xaq u lahaa maxaa yeelay qalbigeyga doqonka ah ayaa intaa I dhigay

 

Deeqo:

 

Maya liibaan sidaa ha oran qalbigaaga wax ayaa uu jeclaaday adigaana hore u yiri in qofka bani’aadamka uu xaq u leeyahay inuu wax jeclaado ama isaga la jeclaado taa xaq waad u leedahay laakiin waa ku baryayaa aniga wadadeyda igu daa maxaa yeelay anigaaba rabo in aan sidaan ahaado.

 

Liibaan:

 

Haddii aad hal guuldaro aan dhadhamisid maxaa dhacay nolosha miyaad ka sabreysaa

 

Deeqo:

 

Maya nolosha oo idil Kama sabrayo laakiin waxaan u baahan nahay waqti aan ku fikiro

 

Liibaan:

 

Laakiin anigaba ma anigaan kuu diiday waqtiga waa ku baryaa qalbigaan ololayo xal u keen xataa ugu yaraan rajo

 

Deeqo:

 

Waa ku baryaa sidaa ha I dhihin aniga arriamahaas uma soo jeedo

 

Liibaan:

 

Waa yahay mid I samee in aan kula kulmo oo kaliya ii ogolaaw anigaa hubo in aad wadadeyda kugu soo ridayo

 

Deeqo:

 

Taasi waa waqti dhameys

 

LIibaan:

 

Laakiin aniga ilama aha ee ii ogolaaw in aan xaafada kugu imaado oo kula sheekeysto

 

Deeqo:

 

Laakiin aad ayaad u war badan tahay waana iga war badisay Ok waan ogolahay caawa xataa waad noo imaan kartaa maxaa yeelay dumaashi ayaa kuu codeyneysa u imaaw caawa iyada ha ogaado in aan ku raali geliyey.

 

Liibaan waaba sida uu rabay oo in muda ah oo uu raadinaayey waana ku kalsoonaa haddii uu u hor fadhiisto deeqo inuu guul ka keeni karo sidaas ayaana uu maalintaa farxad ugu noqday gurigiisa hooyadiis u sheegay in xaalkiisa uu billow wanaagsan iminka heysto hooyo Nuuro oo aad wiilkeeda u jecleyd ayaa habeenkii markii uu guriga ka soo baxayey ducada ku soo kabtay sidaas ayaana uu Liibaan u beegsaday xaafadii Deeqo habeenkaas soo dhaweyn fiican ayaa uu guriga ka helay oo inta badan ka imaaneysay Nasteexo oo xataa ku dhiira gelisay in uu hore u sii dhaqaaqo kana meel keeno Deeqo oo iyadaba aheyd mid aad u madax adag Liibaan waxaa uu u gudbay qolkii fadhiga wuxuuna habeenkaas uu fursad u helay arrimahiisa mid billaaw ilaa iyo dhamaad waxayna Deeqo u sheegtay in aysan tuureynin balse ay u baahan tahay waqti ay arrimahiisa kaga fikirto Liibaan oo arrinka aad ugu farxay ayaa ku yiri waqti intaan doonto ayaan ku siinayaa laakiin waa ku baryaa marka aad maskaxdaada go’aanka ka gaareysid fadlan dhageyso waxa uu qalbigaaga ku oronayo waayo lagama yaabo inuu qalbigaaga ku qiyaamo Deeqo oo habeenkaas aad ula dhacday sheekada Liibaan ayaa si ay farxadi ku jirto ku sagootisay.

 

 

Wixii habeenkaa ka dambeeyey sheekada u dhaxeysa Deeqo iyo liibaan waxa ay aheyd mid fiican oo inta badan marka ay shaqada ka yaraato Liibaan waxa uu u sheeko doonan jiray dukaanka Deeqo waana tan suuqa oo dhan ay u hadal hayaan arrimaha ka dhaxeeya Deeqo & Liibaan.

 

Deeqo mudooyinkaan dambe waxaa laga dareemayey rabitaan ay u qabto sheekada Liibaan haddii uu soo daaho waa ay ku adkeyd in ay sugto maalintii Jimacaha oo aysan inta badan suuqa tagin ayaa waxa ay arrinta nafteeda ku soo korodhay kala hadashay dumaashideed Nasteexo markii loo sheegay ayaa ay qosol la dhacday oo ay ku tiri.

 

Nasteexo:

 

Deeqooy sow kuma dhihin la kulan oo kaliya waan hubay inuu wadada kugu soo ridi doono Liibaan waa wiil debci wanaagsan oo wax garad ah isla markaana hadalka mudnaantiisa yaqaan oo heybadana ka muuqato.

 

Deeqo:

 

Dumaashi ma aqaan meesha aan hadalka ka billaabi lahaa liibaan waan ka helay dhabtii waa ceeb in aan aniga iraahdo waan ku jecelahay

 

Nasteexo:

 

Yaa ku yiri waa ceeb in ay gabari sheegato waxa ay tabeyso

 

Deeqo:

 

Sow kuma wanaagsana inuu isaga I yiraahdo

 

Nasteexo:

 

Mid ayaan kuu sheegayaa isaga sow hore rabitaankiisa sow kuguma sheegan adiga uma oran waan ka fiirsanayaa isagaba waa uu kaa dheraraayey tani ee adiga u sheeg in aad raali ka tahay in aad xiriirkaan curdanka aad wada riixaan waa intaas oo kaliya.

 

Deeqo:

 

Caawa ayaa uu imaanayaa bal ka waran hadaan ka faa’ideysto oo aan u sheego laakiin Dumaashi waan xishoonayaa.

 

Nasteexo:

 

Wax qalad ha u arkin u sheeg waxa uu qalbigaaga tabeyo

 

Deeqo maalintaa ilaa iyo habeenkii waxa ay ka fikireysay meesha ay hadalka ka bilaabi laheyd iyadoo intii ku jirta ayaa uuna waqtigii ku dhamaaday Liibaan qudhiisa habeenkaas waxaa u qorsheynaa inuu xaalkiisa meesha uu maraayo uu ka wareysta balse yaa u sheega in markaan isagaba laga daran yahay oo aad loogu hamuun qabo.

 

Liibaan habeenkaas si billacsan inta uu soo lebistay ayaa uu waqti hore guriga yimid Deeqo qudheeda mar hore ayaa ay is diyaarisay iyadoo ka fikirka arrintaan ku jirta ayaa loo sheegay inuu Liibaan yimid waxayna u sheegtay inuu gudaha hore u soo galo Liibaan markii uu soo gudbay ayaa uu aad ula dhacay sida wacan ee ay caawa u lebisan tahay markaasuu ku yiri.

 

Liibaan:

 

Waaw caawa si billicsan ayaad u lebisan tahay mid ma kuu sheegaa dharka noocaan oo kaliya ka qaado aad ayaad ugu jirtaa.

 

Deeqo:

 

Haddii aad sidaan u lebisto mar kasta sow kama cabsaneysid in la iiga kaa arko.

 

Liibaan:

 

Meel kasta oo aad adiga ku faraxan tahay aniga waa kugula faraxsan nahay maxaa yeelay farxadaada waa teyda.

 

Deeqo:

 

Taas waan kaaga mahadcelinayaa Macaanka.

Nasiibka waa sad Nabsigana waa Halkiisa waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah. Penned by Hali Hassan (XAALKOOS) Mail: xaalkoos@hotmail.com
Like it? Share it!