Sheekadii: Nasiibka waa sad Nabsigana waa Halkiisa Qeybtii 6aad

by hanad | Friday, Jun 2, 2017 | 3907 views

Meel kasta oo aad adiga ku faraxan tahay aniga waa kugula faraxsan nahay maxaa yeelay farxadaada waa teyda.

 

Deeqo:  

 

Taas waan kaaga mahadcelinayaa Macaanka

 

Liibaan:

 

Maxaa tiri ku soo celi

 

Deeqo:

 

Macaanka ayaan ku dahay sow xaq uma lihi taa

 

Liibaan oo dareenkiisa is badalay ayaa yiri

 

Liibaan:

 

Deeqo kalmadaan mar hore ayaan kaa sugaayey waana ku faraxsan nahay in caawa aan kalmadaas maqlo

 

Deeqo:

 

Liibaan wax badan waan ku fogeeyey laakiin qalbigeyga waan kaa saari waayey dhabtii wanaagaaga ma aha mid aan inkiri karo adigaana hore ii yiri go’aanka markaad qaadaneysid qalbigaaga waxa uu ku leeyahay dhageyso kadibna go’aanka gaar qalbigeyga adiga oo kaliya ayaa ku jira ee ma ii kaafin kartaa, ma I illowsiin kartaa dhibka uu waayaha I baday.

 

 

Liibaan markii intaa yiri ayaa uu fadhiga ka kacay oo inta uu hoosteeda fadhiistay ku yiri

 

Liibaan:

 

Ma ihi nin xun igu kalsoonaaw waxaana ku siin doonaa nolol aan hagar laheyn sidoo kale ayaan ku dareensiin doonaa nolosha dhadhanka ay leedahay

 

Deeqo markii intaa la yiri ayaa inta ay istaagtay Liibaan fadhiga ka kicisay ayaa xabadka saartay oo ay tiri

 

Deeqo:

 

Ii ballan qaad in aad dhibka iga dhowreysid

 

Liibaan:

 

Waa ballan taas gacaliso

 

Halkaas ayaa ay ka billaawaday sheeko wadaag heerkeeda sareeyo oo u dhaxeeya Liibaan & Deeqo iyadoo dhinaca kale ay xaalka soo dejdejineysay Liibaan hooyadiis oo aad u dhowreysay in arrinka guur lagu soo gababeeyo Deeqo oo iyada baqdani qabta ayaa aaminsaneyd in fursad la siiyo isfahamka oo aan loo hogaansanaanin maxabada ay isu qabaan. Arrinka ay soo jeedisay Deeqo gacaliyaheeda waa uu ku raacay waana uu gareystay.

 

C/raxmaan nasiibka markaan waa uu saaciday wuxuuna si dhib badan ugu gudbay xadka u dhaxeeya Dalalka Sacuudiga iyo Yemen oo ah xad aad loo ilaaliyo ah isla markaana ka gudubkiisa ay aad u dhib badan tahay markii uu u gudbay dalka Sacuudiga oo aheyd meeshii uu ku haminaayey inuu gaaro ayaa uu fursad oo uu ku shaqeysto oo uu helay wuxuuna ahaa nin hore u bartay farsamada Baabburta oo xagga dabka ayaa uu ku fiicnaa wuxuuna qaadan jiray lacag fiican oo u suura gelisay inuu kireysto guri oo uu waliba nolol fiican uu ku noolaado wallow uusan waalidiintiisa uusan soo xasuusan xilligaas ay u baahnaayeen gacantiisa maxaa yeelay hooyadiis Faaduma oo qoyska u shaqeyn jirtay ayaa dhimatay waxayna qoyska ay galeen nolol aad u adag Oday Cali gab waxaa ay danta biday inuu reerka dhabarka u xerto mana ka warheyn meesha uu wiilkiisa ku sugan yahay waana tan keentay in C/raxmaan uusan maqlin dhimashada hooyadiis.

 

Ugu dambeyn xiriirkii Deeqo iyo Liibaan waxa uu salkiisa noqday in ay is guursadaan waxaana guurka soo dejdejiyey Liibaan hooyadiis oo safar dalka Masar u soo baxay oo ay gabdheeda ku dooneysay in ay Hooyadeed la noolaado Mulki waa Liibaan walaashiisee waxay waxbarasho ka waday dalka Masar oo ay tagtay Horaantii 1990kii burburkii dalka ka dhacayna waa ay ka maqneyd kadib markii ay jaamacada Dhameysatay  ayaa ay is guursadeen wiil Masri oo ay jaamacada wada dhigan jireen waxayna in muda ah ay hooyadeed weydiisaneysay in ay halkaan timaado oo ay iyada la noolaado balse Hooyo Nuuro ayaa mar walba ku adkeysan jirtay in wiilkeeda uu iyada u baahan yahay sidaas dardeedna aysan ka tagi Karin  balse manta hooyo Nuuro laf ahaanteyda ayaa go;aansaday in ay dalabka gabadheeda ay ogolaado oo ay soo aragto carruurta ay ayeeyada u tahay ka hor inta aysan bixina ay guuriso wiilkeeda oo ay dooneysay isagoo xaas leh in ay ka tagto.

 

Guurka Deeqo waa uu dhacay waxaana loo guuriyey guriga odaygeeda markii usbuucii ay ka baxday arooska ayaa ay hanatay guriga ninkeeda waxaana firfircoonaanteeda aad ugu heshay Liibaan hooyadiis

 

Markii uu soo dhawaaday bixitaankii Hooyo Nuuro ayaa maalinJimco ah waxaa ay sheeko dhexmartay Hooyo Nuuro iyo Deeqo waxayna doodiina ay u dhacday sidaan

 

Hooyo Nuuro:

 

Gabadheydiyee sida aad la socoto aniga dhawaan waan baxayaa waana markii igu horeysay nolosheyda aan wiilkeeda aan ka fogaanayo dhabtii qof aan ku kalsoon nahay ayaa tahay oo liibaanna aan dhibaato badeynin waanana waad ka dhan tahay balse waxaa la yiri waanada qofka waxgaradka ah xasuusin ayaa ay u tahay hooyooy ii ballan qaad in aad Liibaan aadan cidla kaga tageynin.

 

Deeqo:

 

Hooyo Liibaan waa ninkeyga aan jecelahay mana laga yaabo in aan cidlo kaga tago

 

 

Hooyo Nuuro:

 

Waan ogahay dhabtii labadiina waad isku fiican tihiin illaahey ayaa isu kiin dooray laakiin gabadheyda seddexeeye iska dhowro bani’aadamka waxaa ku jira Sheydaan aan samaanta dooneynin xumahana ifiya ee kaas iska dhowra teeda kale Liibaan aad ayaa uu dabci fiican yahay haddana murugta uma dulqaadan karo ee gabadheyda Liibaan murugta ka ilaali.

 

Deeqo:

 

Waa balan taa Hooyo mana laga yaabo in aniga iyo Liibaan buuqeena leysugu soo baxo

 

Markii uu hadalka intaa marayo ayaa waxaa soo kacay Liibaan markaasuu yiri

 

Liibaan:

 

Manta hooyo iyo gabadheeda ayaa sheekeysanayo maxaa la sheegay

 

 

Hooyo Nuuro:

 

Wax kale kama aanan hadleyneyni maadaama aan baxayo labo maalmood ka dib ayaan adiga kaala dardaarmaayey Deeqo si ay kuu ogaado

 

Liibaan inta uu qoslay ayaa uu yiri

 

Liibaan:

 

Hooyo ma adigaa Deeqo igala dardaarmeysaa anigaaba iyada masuul ka ah

 

Hooyo Nuuro:

 

Hooyoo ragii

 

 

 

 

na masuuliyada ayaa idiin hor qaaday waxaan kaala dardaarmaayey daryeelkaaga iyo in aad isu samirtaan maxaa yeelay Bani’aadamka haddii ay meel isla joogaan isfaham daro dardeed xataa waa ay isugu dhici karaan.

 

Liibaan:

 

Waa runtaa hooyo laakiin annaga waan is badinaa mana filayo in isfaham daro uu na soo dhexgali karo illaaheyna hanaga haayo waxaan aniga iyo Deeqo aan kula tagno

 

Mar qura ayaa Hooyo Nuuro iyo Deeqo aaminta wada qabteen

 

Xilligii loo qorsheeyey ayaa ay Hooyo Nuura ay ku ambabaxday iyadoo ku soo jeeda magaalada Qaahira oo ay gabadheeda ay ku nooshahay waxayna transit ay ku sii aheyd Cimaarada Dubay.

 

Liibaan ganacsigiisa waa uu kordhay waxaana uu gaaray heer uu alaabta Cosmatics uu isaga soo jeediyo waxaana dhinaca uu gaaray heer uu aabo la yiraahdo oo xaaskiisa uu jecel yahay ay u umushay isla markaana loo dhalay wiilkiisa ugu horeeyey kaas oo loogu wan qalay Mohamed waxaana sidoo kale aad u korodhay farxada ay isu qabaan oo ay ku wada nool yihiin isaga iyo xaaskiisa farxada ka muuqata Deeqo iyo odaygeeda waxaa aad ugu faraxsaneyd Nasteexo oo Deeqo u aragta in ay tahay curadeeda waxayna mar walba Deeqo u sheegi jirtay inuu Eebe uu samirkeeda abaalkiisa siiyey mar haddii uu Xaas kaga dhigay Liibaan oo waxgarad ah isla markaana loo baahan yahay in labadeeda gacan ku qabsado nasiibkeeda.

 

Addunyada waa mid dhib badan isla markaana is badbadal badan haddii uu C/raxmaan uu sacuudiga sidoo doono ugu raaxeysanayo dhinaca kale qoyskooda waa mid aad ugu baaba’san dalkii waxayna danta biday in xaafada looga qaaraamo si ay ugu amabaxaan Kalinka Shanaad ee Is maamulka Soomaalida halkaas oo Duq Cali Gaab reerkiisa ay degan yihiin kaas oo uu isaga oo dhowr iyo toban jir uu ka soo tagay isla markaana uusan dib dambe ugu noqon maantase ay danta biday inuu dib u noqdo maxaa yeelay Hooyadii reerka u xamaali jirtay haddii uu Ilaahey oofsaday sidoo kale wiilkii curadkiisa ahaana uusan gareynin meel u raadiyo.

 

C/raxmaan nolosha xun uu reerkiisa ku sugan yahay wax kalama socon dabcan mana dooneynin inuu raadiyo siduu wax u taro iyadoo reerkiisa uu dhibkaas oo dhan uu marayo haddana isaga boqolaal Riyaal ayaa uu habeenkii lumiyaa maxaa yeelay waxa uu markaan noloshiisa uu ku dabaqay gabar mudo toban sano ka badan dalka Sacuudiga ku nooleyd isla markaana caan ku ah in ay raga Jilaafto oo ay ka shubato inta ay wadaan sidoo kale ayaa ay gabadhaan oo lagu magacaabo Luul ay ahayd gabar ka mid ah koox siku xeran oo Soomaali oo qamriga kariya isla markaana dhowr jeer oo hore gacanta Booliska ka baxsatay.

 

C/raxmaan maskiin waxaas oo dhan lama socda waxaana indha tiray quruxda ay gabadha Luul ah ay qabtay kaas oo ay sii kordhisay iyadoo maalintii 12 ka saac ku mashquulsan is qurxiinteeda C/raxmaan dhowr habeen oo ay wada fadhiisteen ayaa uu kaga codsaday inuu guursado Luul wadadii ay rabtay ayaa uu C/raxmaan si fudud ugu soo dhacay kamana ay diidan habeenkaas ayaana uu billaawday C/raxmaan oo lacagtiisa loo tashtay.

 

Wixii habeenkaas ka dambeeyey C/raxmaan waxaa uu dhex galay nolol baaba’iisa loogu tashanayo Luul waxayba isaga u arkeysay qof dhunsan oo manta wadadeeda ku soo dhacay waxayna la dooneysay in ay marsiiso wadadii ay qeyrkiisa hore u marsiisay.

 

Waxayna habeen walba u keeni jirtay Duumo ay lacag kaga qaato mar ay tiraahdo Hooyo ayaa soo cawaaday Aabe ayaa lug ka jabay Eedo ayaa geeriyooday balse beenta ay habeen walba Luul ku qaraabado C/raxmaan ma noqon mid uu ku fahmo oo uu iyada ku barto waxaana dhacday in habeenkii dambe ay la timaado xaalada uu ku qoslo oo ay lacag ku rabtay Luul iyo Odaygeeda waxa ay fadhiyeen qolka fadhiga oo dhowr Joodari ay yaalaan waana la wada qayilayey qaadka oo dalka Sacuudiga Mamnuuc ah ka ah isla markaana si qarsoodi ku soo galo haddana aad u qaali ah ayaa ay cunayeen caawa jawiga guriga waa uu ka duwanaa habeenada kale maxaa yeelay labadooda cid kale oo wehlisay ma aysan jirin Luul oo suuraha marka ay ninkeeda aragta billaawda ayaa tiri.

 

Luul:

 

Xabiibi reerkeyga baahidooda waad haqab tirtay balse waxaase jirta in Qeyb jirkeyga ka mid ah aadan weli haqabtirin.

 

C/raxmaan oo u qaaday in raganimadiisa la durayo ayaa la soo booday.

Nasiibka waa sad Nabsigana waa Halkiisa waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah. Penned by Hali Hassan (XAALKOOS) Mail: xaalkoos@hotmail.com
Like it? Share it!