Mucaarad Siyaasadeed (Political Opposition)

by A M | Wednesday, Jun 7, 2017 | 824 views

Mucaarad siyaasadeed waa marka koox mideysan ay ka soo horjeedaan siyaasada dowlad markaa jirta, waxay doonayaan in ay saxaan ama abuuraan is bedel, iyagoo u maraya in ay diidaan, ka codeeyaan, dhaleeceyaan ama falanqeeyaan siyaasada iyo go’aamada dowlada.

Mucaarad siyaasadeed waxa uu lama huraan u yahay siyaasad caafimaad qabta si dowladda aysan ugu takrifalin awoodeeda. Sidoo kale si dimuqraadiyadu u shqeyso waa in mucaaradku mideysan yahay oo leeyahay hadaf cad.

Mucaaradnimadu marna waa mid dhib badan marna waa mid xiiso badan. Waa mid dhib badan oo waxaa dhacda in wax kasta oo aad sameyso aysan horseedin wax isbedel ah. Marna waa mid xiiso badan maxaa yeelay waxaa jirta fursad ah in aad is bedel sameyn karto.

Wadankan aan ku noolahay ee Sweden hada waxaa mucaarad ah xisbiyada midigta oo Afar ah oo la isu yiraahdo Alliansen iyo xisbiga midig xagjirka ah ee cunsuriga ah. Xisbiyadaas waxay leeyihiin Hay’ado u soo saara qiimeyn iyo warbixino ay ku dhaqmaan kuna dagaal galaan xiliyada ay doodaha la galayaan dolwada talada wadanka haysa oo ah Bidix.

Mucaradnimada siyaasadeed ee ka jirta soomaaliya waa mid ka duwan tan dunida ka jirta. Waxaa la dhihi karaa waa wadan dimuqraadi ah marka loo eeego mucaaradka faraha badan maxaa yeelay mar walba waxaa ka jira mucaarad dowladeed balse hadii dib loo milicsado taariikhda intii aan dowlad ahayn badankeed xukunka waxaa hayey kaligii talis kaasoo daaqada ka saaray dhamaan wixii mucaarad ahaa ilaa ay markii dambe mucaaradkii is hubeeyeen oo ay xoog kaga tuureen kursiga.

Dowladihii kumeelgaarka  ahaa ee ka dambeeyey madaxweyne Siyad Barre iyo dowladii federaalka e madaxweyne Xasan sheikh intuba waxay lahaayeen mucaarad kuwaasoo si toos ah iyo si dadban dowlada wax uga sheegi jiray. Dowlada hada jirta oo ay u dhamaatay 100-kii maalin ee ugu horeeyey durbaba waxay leedahay mucaarad.

Maxaa lagu qiyaasaa ama lagu saleeyaa mucaaradnimada iyo muxaafidnimada soomaaliya?

Maadaama soomaaliya aysan ka jirin nidaam xisbiyo kuwaas oo mucaarad noqonaya markii doorasho looga guuleysto hadane waxaa jira laba hab-dhaqan oo u gooni ah soomaalida kaliya oo lagu saleeyo mucaaradnimada iyo muxaafidnimada:

  1. Qaabka qabiilka: Qabiilkii markaas taladda hayaa waa muxaafid kuwa kalena waa mucaarad. Waxaad arkaysaa qof mucaarad ahaa maalmo yar ka hor oo muxaafid ah, marka aad u dhaba gasho sababta is bedelka waxaad ogaanaysaa in qof qabiilkiisa jago sare loo magacaabay taasoo qofka ka dhigaysa inuu bedelo dhamaan fikradii uu ka haystay dowlada. Arintan waa mida ugu saameynta badan siyaasada soomaalida ee ay ku hardamayaan labada qabiil ee Hawiye iyo Darood oo ka dhigan marka midkood loo doorto jagada ugu sareysa ee wadanka in midka kale noqdo mucaarad. Tusaale: Xiligii uu madaxweyne ahaa Xasan Sheikh waxaa dhici jirtay in madaxweynaha maamulka Puntland uu magaalada Muqdisho la iman jiray ciidan isaga u qaas ah taasoo uu kula xifaaltamayey madaxweynaha marrkaas jiray. Balse hada markii uu Farmaajo madaxweyne noqday waxaa dhacday in Gaas uu xamar imaaday isagoo aan wadan wax ciidan ah. Taas badalkeeda waxaa isagana ciidan la imaaday Muqdisho madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug. Hore uma dhicin in madaxweyne Galmudug uu ciidan qaas ah la yimaado xamar.
  2. Qaabka danta shaqsiga ah: Soomaaliya kama jiraan dad mideysan oo mucaarad ah ama kuwa mideysan oo muxaafid ah sidaas daraadeed waxaad arkaysaa qof markii uu ku hungoobo xil uu doonayey ama laga qaado mid uu hayey u xuubsiibanaya mucaarad taasoo ka dhigan qof caaynaya dowlad uu ka tirsanaa ama doonayey in uu ka mid noqdo. Waxaa jira shaqsiyaad badan oo ku caan baxay mucaardnimo ama muxaafidnimo balse maanta ah taas badalkeeda markii aad si hoose u weydiiso waxa ku kalifay waxay kuu sheegayaan in ay dowlada ka waayeen faa’iidadii ay ku qabeen ama ay faa’iido ku qabaan dowlada markaas waxaad ogaanaysaa in qaabkan ah danta shaqsiga uu yahay mid dowr weyn ka cayaara mucaardnimada iyo muxaafidnimada siyaasada soomaalida.

Si arintan looga gudbo waxaan u baahan nahay in dowlada jirtaa ay dardar geliso taabo gelinta xisbiyada siyaasadeed ee wadanka iyo in si dhaqsi ah loo dhameystiro dastuurka.

Waxaan sidoo kale u baahan nahay mucaarad iyo muxaafad leh indho iyo dhago kuwaas oo si cilmiyeysan u taageera ama uga soo horjeeda siyaasada xukuumada markaas jirta. Marka la helo Hawiye taageersan dowlad uu madax ka yahay Daarood iyo Darrood taageersan dowlad uu madax ka yahay Hawiye waa marka aan bilownay inaan si toos ah u isticmaalno maskaxdeena.

U fiirso mucaarad kasta waxay diirada saaraan in la rido xukuumada markaas jirto iyagoo wadanka dibadiisa culeys ka soo saaro, sababtuna waxay tahay in ay rajeynayaa in ay xilal wasiiro  ka qabanayaan dowlada la soo dhisayo.

Waxaa la joogaa xiligii laga gudbi lahaa mucaardnimada iyo muxaafidnimada ku dhisan indha la’aanta oo loo gudbi lahaa mid cilmiyeysan. Waxaan doonaynaa mucaarad ka hadla dhaqaalaha wadanka, miisaaniyada iyo dejinta siyaasadaha ee ka hadlin kaliya mooshin ka dhan ah xukuumada.

Qof walba oo soomaali ah meel ha fadhiisto kaligiis ka dibna ha is weydiiyo su’aalahan soo socda iasagoo iska fiirinaya in jawaabtiisu ku saleysantahay qodobada qor ku xusan:

  • Hadaad tahay taageero dowlada hada jirtaa maxay ku saleysantahay taageeranimadaada? Dowladii tan ka horeysay taageero ma u ahayd ?
  • Hadaad mucaarid ku tahay dowlada hada jirta maxay ku saleysantahay mucaaridnimadaada? Dowladii tan ka horeysay mucaarid mak u ahayd?
  • Hadii aad taageero u ahayd dowladii hore welina aad u tahay tan hada sabab?
  • Hadii aad mucaarid ku ahayd dowladii hore welina aad ku tahay tan hada sabab?

By Abdi Addow

Like it? Share it!