Sheekadii: Nasiibka waa sad Nabsigana waa Halkiisa Qeybtii 7aad

by hanad | Friday, Jun 9, 2017 | 3932 views

C/raxmaan: Maxaa dhacay sow iguma qanacsanid caawa miyaadan caadi ahaynLuul oo fahamtay in C/raxmaan uusan garan biya dhaca hadalkeeda ayaa tiri.

 

Luul:

 

Sideee Xabiibi sida aad u fahamtay uma dhigin hadalka ee arrin kale ayaa jirta

 

C/raxaan oo neef ka soo foqday ayaa yiri

 

 

C/raxmaan:

 

Ok ee ii sheeg sida aad hadalkaaga u wado

 

Luul oo inta ay xabbiibkeeda u soo dhawaatay ayaa inta ay faraheeda gacmaha saartay wejigiisa ayaa ay ku tiri

 

Luul:

 

Faraheyga waxaa jira qaar aan faraanti qabin ka waran anigoo Xaajigaan xaaskiisa ah haddana aan marka aan aroosyada tagayo in qaar faraheyga ka tirsan ay marnaadaan.

 

C/raxmaan ayaa inta uu qosol la dhacay ku yiri

 

C/raxmaan:

 

Waxaanba is lahaa maxay sheegi doontaa

 

Markii uu intaa yiri ayaa inta uu gacanteeda soo qabtay oo uu dhunkaday ayaa yiri

 

C/raxmaan:

 

Quruxdaada wax kasta oo sii kordhanayo waan kuu ogolahay waxba haka walwalin adiga ayaan kuu noolahay macaanta

 

Luul oo gaanjibanimada ku qalin jebisay iyo sida raga loo sasabto ayaa inta ay ku soo booday afka afka u gelisay oo baashi uusan weligii ilaawi Karin u dhiibtay.

 

Miskiin C/raxmaan muxuu fahamayaa waxayba la tahay xuural ceyn isaga loo soo diray yaa u sheega in isaga oo kaliya ay u tashatay oo xataa aysan Rabin in ay ilmihiisa caloosheeda ku qaato waana sababta ay kaniiniyaasha u isticmaasho, C/raxmaan baaba’iisa buriska loo heysto maba arko balse aqristoo ma moodaa in tani ay tahay wuxuu hore u galabsaday.

 

C/raxmaan markuu noloshaas dabada gadoonka leh uu jiro dhinaca kale reerkiisa waxay ka hub qaadeen magaaladii uu ku dhashay kadib markii ay ku adkaatay aabahiis inuu nolosha reerkiisa uu daboolo wuxuuna afka saaray halkaas iyo magaalada Dhagax Buur oo ah goobtuu ku dhashay.

 

Dhinaca kale Deeqo illaahey waa uu nimceeyey waxay farxad kula nooshahay odoygeeda Liibaan oo ahaa nin illaahey qadarin iyo Xushmad u dhaliyey oo xaaskiisa aad u daryeela waxayna Deeqo hooyo u noqotay cunugeedii labaad oo ahaa gabar ay ugu magic dartay Nasteexo oo ay la jeclaatay in ay magac wadaag kala dhigto Nasteexo oo Dumaashideed ah isla markaana ay hooyo ahaan u aaminsan tahay.

 

Farxada ay reerkaan ku jiraan waxay ahayd mid qofkii u yimaada ama la deris ah uu ogaan karay sida ay isu qiimaayaan waxay ahaayeen kuwa aan daqiiqad qura la maqlin buuqooda.

 

Luul oo dalka Sacuudiga caan ka ah ayaa markaan dhalin badan waxa ay go’aansadeen in wiilkaan manta iyada u xareysan la dareen siiyo in gabadhaan aysan ahayn gabar fiican oo lacagtiisa oo kaliya dan ka leh wiilal dhowr ah oo soo ogaaday in C/raxmaan uu yahay mid dalka ku cusub aqoonna aan u laheyn Luul ayaa dhacday in loo sheego laakiin maxay jawaabtiisa noqotay miyaad iga maseyrsan tihiin war I dhaafa arrinteyda shaqo kuma lihidin wiilashii oo aad ugu carooday ayaa halkaas isaga soo huleelay iyagoo ka xun arrinka ay kala kulmeen. C/raxmaan

 

C/raxmaan godkiisii bahala galeenka ahaa ee ay u qoday Luul ayaa mudo kale ku sii jiray isagoo aan fahmin sida ay gabadhaan caddowga ugu tahay lacagtiisa oo aysan ugu fikirin mustaqbalkooda C/raxmaan lacagiisa ma ahaato kuwa ku raagto waa ay ka sii baxaan isaga isma weydiiyo sababta uusan keyd u yeelaneynin wuxuuna aaminsanaa maadaama farsamo dalka Sacuudiga qaali ah uu soo bartay uusan lacag la’aani ku imaan Karin inta uu nool yahay waana sababa uu lacago fara badan u qarash gareeyo.

 

Waa maalin Jimco ah oo sida caadada ah aan laga shaqeyn dalka Sacuudiga C/raxmaan weli ma uusan toosin waa amin ku dhow salaadii Duhurka buuq aan caadi ahayn ayaa uu maqlay guriga inta uu qolkiisa ka soo baxay ayaa uu soo galay halka uu buuqa ka socday mise waa saloonka markii uu hore u soo galay ayaa uu arkay koox uusan weligiiba arkin oo rag u badan wallow ay hablana ay ku jireen inta uu gadaal u noqday ayaa uu Luul wacay, Luul iyada oo qosol aan jirin iska raadineysa ayaa ay u timid markaasuu ku yiri.

 

C/raxmaan:

 

Ragaan yeey yihiin maxayse ka soo doodeen halkaan

 

Luul oo baratay sida xanaaqiisa loo dejiya ayaa tiri

 

Luul:

 

AASIF Xabiib!!!! Waxaan mooday in aan xalay kuu sheegay manta kooxdaan aniga ayaa Marti qaaday waa kooxdii dalkaan markaan imid 10 sano ka hor I gacan qabtay.

 

C/raxmaan:

 

Waayahay haddii uu Marti qaad oo kaliya uu ku siman yahay.

 

Luul oo weli dareensan inuusan raali ka aheyn ayaa inta ay dhexda ka soo qabsaday qolka soo gelisay oo asxaabtii fadhiday bartay markii isbarashada dhamaaday ayaa uu C/raxmaan qolkiisa ku soo noqday maalintaas si wada jir inta loo qadeeyey ayaa qadadii ka dib jaad ay wadeen la baraxday qaar iyaga ka tirsan ayaa calaq gasado ku waday C/raxaam luul waxay wadado ma uusan diidi Karinee dhinaciisa ayaa uu ka fadhiyey.

 

Luul been kama ay sheegin in kooxdaan ay ahaayeen kooxdii iyada dalka Sacuudiga ku soo dhaweeyey waxay ahaayeen qolo in badan la raadinaayey oo boliska dalkaas uu ku daba joogay dhaqaaqooda in muda ah waa ay hakiyeen si aan loo helin qof waliba meesha uu ku badbaadi karo ayaa ku sugnaa maantana waxay u tahay farxad maadaama mudo 3 sanno ah aysan meel ku wada geerishin.

 

Geerisheyntii ayaa ku dheeraaday mar ay saacada aheyd lixdii saac ee habeenimo ayaa C/raxmaan oo ahaa qof berito shaqo laga rabo ayaa asxaabta ka codsaday in la fasaxo maadaama uu berri shaqo u kalahay waana laga oglaaday xaaskiisa oo iyada aad moodo in weli uusan qaraarka gaarin ayaa tiri Xabiibi caawa isku day in aad keligaa seexato maxaa yeelay asxaabtii ayaa joogto oo waqtiga la dilayaa inta uu madaxa lulay ayaa qolkiisa aaday.

 

Luul oo diidaneyd in C/raxmaan ay agtiisa ay ku cabto bahasha oo ay aad ugu hamuun qabtay mudooyinkaan aan cabin ayaa markii ay ku hubsaday mar kaliya la soo baxday qeybteeda oo billaawday in ay cabto C/raxmaan waxaas oo idil lama socon oo waa hurdayey waxaase mar kaliya hurdada ka kiciyey markii albaabka guriga si xoogan lagu soo furay oo gudaha guriga ay u soo dhaadhaceen ciidamo lebisan oo mar kaliya qabtay intii wada fadhisay C/raxmaan markii uu arkay in gudaha guriga la soo galay ayaa uu qolkiisa isku celiyey laakiin in lagu dhaafo ma noqon waana la soo saaray isagoo Bijaamo oo kaliya qaba markii uu yiri ii ogolaada in aan dhar xerto waana laga diiday oo laad ayaaba loogu daray.

 

C/raxmaan ma uusan fahmin sababta ay tani u timid waxayna la aheyd in kooxdii tarxiilka ay yihiin waxayse xaalka uu ku weynaaday markii la dhigay Saldhigii oo su’aalo uusan jawaabtooda garan la weydiiyey wuxuu ku jawaabo ayuu garan waayey qofuu xaalka weydiiyo uma jeedo haddii uu luul wax weydiin lahaa ma garanayo meesha iyada la geeyey markii uu weydiiyey ayaa loo sheegay in xabsiga qeybta dumarka ay ku xeran tahay dadka uu la joogana ay yihiin koox muda la raadinaayey oo xataa ay ka mid tahay gabadha uu sheegayo in ay xaaskiisa tahay, C/raxmaan waa ayaa ku baryey aniga kama mid ihi ayaa uu galay maxayse dartaa taas waxaana ugu dambeyn lagu xukumay lix bilood oo xabsi kadib marka uu dhameystay waxaa loo sheegay in loo musaafiri doono dalkiisa cataaw iyo ooyin ayaa uu la dhacay sidaana ma ii dambeysay ayaa afkiisa laga saari waayey.

 

C/raxmaan waxay xabsiga ay ku saaxiibeen wiil Guuleed la yiraahdo oo isaga 2 sanno oo la xukumay ay kaga harsan tahay 2 bilood oo qura Guuleed laf ahaantiisa waxaa debinkaan soo dhigtay gabar oo noloshiisa sidaan oo dhan inta ay u baabisay misana xabsiga dhigtay maalintii dambe waxaa dhex martay sheeko uu qof waliba kaga sheegeynayo qofka uu yahay wuxuuna C/raxmaan u sheegay in noloshii quruxda badneyd uu ka helay sacuudiga ay laaday xaaskiisa oo iyada ahayd qof duliyad ah markii uu C/raxmaan intaa yiri ayaa Guuleed la soo booday.

 

Guuleed:

 

Adigana ma naag ayaa debinkaan ku soo gelisay kaalay iyaga dhibkeena maa loo abuuray maxay jariimada na loo daba taagan yihiin

 

C/raxmaan:

 

Miyaadan ogeyn in hore loo yiri SIR NAAGEED LAGAMA SAL GAAARO

 

Guuleed:

 

Waa runtaa saaxiib tani waa jariimo in aan marno noo qorneyd aniga hooyadey oo ii ooyneysa ayaan ka soo soo dhaqaajiyey oo tahriib soo galay waxaan badda ka soo maray xataa kuma cirib qaadan seddex maalmood ayaan Koomo ku jiray waxaan ugu jiray isbitaal dalka Yemen ku yaala markaan ladnaaday isma oran dhib kii hore ha kuu ahaadee dalkaaga isaga noqo haddana dhib kale ayaan soo maray oo aan si dirqi ah aan kaga soo oo gudbay xadka Sacuudiga & Yemen sacuudiga markaan imidna waxaa nolosheyda baabi’say gabar quruxdeeda I sirtay laakiin kama xumi habaarkii aan hooyadey ka hoorsaday ayaa igu daadanayo maxaa yeelay hooyadey oo agoonimo igu korisay ayaan indhaeeda illin ka keenay.

 

Guuleed markii uu intaa maraayey ayaa uu ooyin la dhacay waxaana aamusiiyey C/raxmaan oo ahaa qofka kaliya ee ay isku dalka yihiin ee qolka kula jira oo ay is af fahmi karaan.

 

Guuleed markii samirsiinta uu qaatay ayaa uu C/raxmaan ku yiri ii sheeg saxiiboow sidee aya noloshaada aheyd C/raxmaan oo dhabarka derbiga ku santeecsanayo ayaa yiri.

 

C/raxmaan:

 

Koley sidaada oo kale ayaan dalkaan ku soo galay waliba waxaan ku dheerahay in aan dalkii xaas ku lahaa oo aan in ka yar 3 billod aan wada joogtay ayna aheyd gabar aan jaceyl ku guursaday laakiin markii Buufiska uu I galay aan furiin kaga naxsaday nabsiyo badan ayaa hore u galay Guuleedoow hooyadey iyo aabahey oo aan raali iga aheyn ayaan soo baxay waxaan xasuustaa maalintaan xaaskeyga furay aniga oo aan waliba u sheegin sababta aan u furayo iyadoo xilliaagaas qadadii aan cuni lahaa diyaarinteeda ku mashquulsan ayaa gabar aan walaalo nahay igu tiri gabadhaan nabsigeeda waad iska arki doontaa waliba waxay ii raacisay waxaan ka cabsi qabaa in nabsigaas uu annaga oo dhan na saameeyo, saaxiiboow waxaan rabbiga awooda leh aan ka baryayaa in nabsiga Deeqo aan ka galay inuusan reerkeyga saameyn.

 

Guuleed:

 

Reer muqdishu miyaad aheedeen

 

C/raxmaan:

 

Haaa reer Madiina ayaan ahayn saaxiib

 

Guuleed:

Nasiibka waa sad Nabsigana waa Halkiisa waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah. Penned by Hali Hassan (XAALKOOS) Mail: xaalkoos@hotmail.com
Like it? Share it!