Sheekadii: Nasiibka waa sad Nabsigana waa Halkiisa Qeybtii 8aad

by hanad | Friday, Jun 16, 2017 | 3660 views

Gabadha aad furtay xaalka ay ku sugan tahay maka warantaa mudadii yareyd ee ay kula joogtay armey uur kuu qaaday.

 

C/raxmaan:

 

Saxiiboow iyada iskaba dhaafee xataa reerkeyga kama waramo 3 sanno iyo bar ayaan waddankii aan ka maqan nahay

 

Guuleed:

 

Gabadhaan baas ee aad nolosha sacuudiga aad ku baratay intee ayaa ay kaaga timid

 

C/raxmaan:

 

Saaxiib habeen baas ayaan bartay anigoo Qaad meel la iigu sheegay ka raadinaya ayaan habeenkaas wada fadhiisanay kadibna waxaan gaarnay in aan is guursano

 

Guuleed:

 

Saxiiboow weligaa ka fogaaw naag qayisha maxaa yeelay anigaba waxaa sidaan ii baabisay mid baas oo oo qayisha qaadkana iibisa oo aan quruxdeeda aan ku indha dharaan daray waxay ahayed mid baqti ah oo marar badan wiilal aan qaraabo nahay iga waaniyeen laakiin aan ka diiday markii ay lacagteyda guratay ayaa ay xabsiga I dhigtay.

 

C/raxmaan:

 

Saaxiiboow sidee xabsiga kuu dhigtay

 

Guuleed:

 

Waxay ahayd habeen aan ballansaneyn laakiin aniga lama socon in iyada ay Booliska raadinayaan markii aan guriga tagay ayaan ugu tagay iyada oo si uun u degdegsan markii aan weydiiyeey waxa ku dhacay ayaa igu tiri waxba iguma dhicin ee guriga sii jog waan soo noqoyaa markii ay iga maqneyd saacad ku dhawaad ayaa albaabka loo soo garaacay si xad dhaaf ah markaan furayna waxay ahaayeen booliska oo iyada magaceeda wada markaan damcay in aan la hadlo ayaa la ii dharbaaxay inta gacmaha katiinad la iiga xeray ayaa guriga hore loo galay markii iyada laga soo waayey ayaa laga soo saaray boorso ay ku jiraan jaadkii ay habeenkaas iibineysay sidaas ayaa xabsiga la iigu keenay oo 2 sannadoodna la iigu xukumay taasaa saxiib haddaaan arki lahaa waan dili lahaa kadib hala ii toogto xataa waan u qabaa Luul maan ilaawayaa waxa ay I baday.

 

C/raxmaan oo magaca Luul markii uu maqlay madaxa kor u soo qaadaya ayaa yiri

 

C/raxmaan:

Luul aa saaxiib luul ayo

 

Guuleed:

 

Ma aqaan wax loogu taro laakiin maxaad ii weydiineysaa maxaase sidaan magaceeda ugu soo booday

 

 

C/raxmaan:

 

Laakiin aniga gabadha godkaan aan darteed u galay waxaa la yiraahdaa Luul laakiin luusheyda qaad ma iibin weligeed

 

Guuleed:

 

Koley aniga ma aqaan in gabadhaha na qayaamay ay hal yihiin laakiin mid ayaan kuu sheegayaa gabadha aan ka hadlayo garabkeeda Midix waxay ku lahayd bar weyn oo aad moodo inuu dab yahay.

 

C/raxmaan markii intaas la yiri ayaa uu madaxa hoos geeyey oo ku yiri

 

 

C/raxmaan:

 

Saaxiiboow waa ayaan daro maxaa yeelay adiga iyo aniga manta hal gabar ayaa sidaan noo gashay oo aan xabsigaan dardeed u jiifnaa sow ma nihi ragg nacaso ah oo aan runta iyo beenta aan kala fahmeynin oo gabarlee ka aqli badisay oo fahmi waayaan qiyaanadeeda.

 

Guuleed oo aad ula yaabay xanaaqa ka muuqda C/raxmaan ayaa si uu dejiyo ku yiri

 

Guuleed:

 

Saxiiboow Relax sow adiga oronayey SIR NAAGEED LAGAMA SAL GAARO iska daa iskana ilaaw laakiin lagama yaabo in ay dumar mar kale na kediyaan

 

Sidaas ayaa ayna Guuleed iyo C/raxmaan ay isku samir siiyeen maxaa yeelay si kale ay xaalka u dhigaan ma aysan heyn waxayna ku duceysteen in illaahey u fudedeeyo xilliga xabsiga kaga dhiman.

 

C/raxmaan intaas dhib marka uu marayo dhinaca kale Deeqadii uu dhibka biday nasiibkeeda ayaa saaciday oo ay si farxad ah ayaa ay reerkeeda ku dhaqaneysay.

 

Wuxuu waqtiga is guraba C/raxmaan waxaa u dhamaaday mudadii lixda billood ee lagu xukumay waxaana loo sheegay in dalkii loo musaafurin doono tani C/raxmaan waxa ay la ahayd farxad weyn mar haddii uu ka baxayo afarta derbi uu in muda ah uu ku oodnaa wuxuuna iska dhaadhicinayey in uu Muqdishu uu dib ula midoobi doono reerkiisa dhinaca kale waxa uu qabay inuu raadiyo Deeqo oo uu qiyaasaayey in xilligaan ay weli bannaan tahay wuxuuna iska dhaadhicinaayey in ay si.

xad dhaaf ah ay u jeceshay aysan xilligaan weli aysan illaawin jaceylkiisa Alle yaa u sheego in Deeqo ay heshay nin dhibkuu baday ka masaxay

 

C/raxmaan subaxii dambe ayaa loo sheegay in xaggaa iyo Airporka loo kaxeyn doono farxad xad dhaaf ayaa uu dareemay sidaas ayaana uu ku soo gaaray Diyaaradii keeni laheyn dalkiisii hore ee uu hore ugu haajiray wuxuuna diyaarada ay kula sii kulmay dhalinyaro badan oo soomaali oo iyaga xagga iyo tarxiilka laga keenay C/raxmaan lix bilood kadib ayaa uu dareemayaa xurriyad waxaana uu aad ugu faraxsanaa reerkiisa oo uu la kulmayo balse isweydiinta ayaa ahayd farxada uu iminka dareemayo c/raxmaan ma ahaan doontaa mid sii jirta.

 

Wuxuu walaahoow iyo hillow ku soo jiraba waxa uu ugu dambeyn soo gaaray Garoonkii diyaaaradaha Ballidoogle halkaas oo ay ka soo qaadeen baabuurtii shirkada waxaana la keenay xaruntii Shirkada wuxuuna kaga sii gudbay halkii uu reerkiisa uu ku tabayey balse maxaa helay C/raxmaan maxayse dhegahiisa ay qabteen markii uu soo gaaray xaafadii uu ku soo koray ee Ceel Boocle.

 

Jahwareer uusan ku fikirin ayaa uu galay markii loo sheegay in reerkiisa ay xaafada ka guureen isla markaana ay qabteen xagga iyo dalka Ethiopia isla markaana ay hooyadiis geeriyooday meeluu afka saaro ayaa uu garan waayey mar ay uu xaalka ku xun yahay ayaa uu soo xasuustay in ay aabahiis qaraabo ahaayeen oo uu ku tabayey Suuqa Bakaaraha uu raadiyo meeshuu ayaa uu lug ka soo billaaway maxaa yeelay Kun uu BL ku raaco xataa jeebka uguna jirin markuu uu gaaray halkii uu tabayey odoygii uu raadinaayey ayaa waxaa loo sheegay inuusan meeshaan lahayn qofka uu raadiyana isla markaana aysan gareynin meesha uu ninkaas ku dambeeya mar dambe ayaa ragg dhallinyaro ah oo baqaarka ka shaqeeya ayaa ku yiraahdeen wax xoogaa sug ninka meesha iska kale ayaan weydiineynaa haddii uu xaajiga aad raadineyso uu garanayo meesha uu ku dambeeyo in muda markii uu fadhiyey ayaa waxaa yimid ninkii meesha lahaa ee milkiilaha ahaa misaba waa Liibaan gabadhuu furay ninkeeda Liibaan markii loo sheegay in wiil dhallinyara uu joogo oo uu raadinayo Xaaji Muqtaar markaasuu ku amaray in qolkiisa kore ee xafiiska ah loo soo gudbiyo markiiba C/raxmaan waxaa la faray in uu gudaha uu hore u soo galo loona tilmaamay qolka milkiilaha uu ku jiro markii uu gudbaya ayaa hadaladaan la si weydaarsday Liibaan hadalka billaabay ayaa yiri.

Liibaan:

 

Soo gudub walaal Xaaji Muktaar muxuu kuu ahaa goormaase kugu dambeysay

 

C/raxmaan oo hadalka xataa uu dhib ku yahay ayaa yiri

 

C/raxmaan:

 

Xaajiga mudo waan moogahay aabahey ayaa uu saxiib lahaa inuu I  kaalmeeyo ayaana u soo raadiyey

 

Liibaan oo naxariista u dhashay ayaa yiri

 

 

Liibaan:

 

Kaalmo noocee

 

C/raxmaan:

 

Walaal aniga iminka ayaan ka imid dalka Sacuudiga oo aan in muda ah xabsi ku jiray markaan reerkeyga soo raadiyeyna waxaa la ii sheegay in ay guureen qofka kaliya ee aan isku haleynayo waa xaajigaan ee fadlan meel aan ka heli karo ii tilmaam.

 

Liibaan:

 

Horta xaajiga aad sheekeyso mar hore ayaa uu dalka ka guuray oo ganacsigiisa Nairobi u wareegsaday anigana ayaa furaha ka gaday oo uu igu wareejiyey hadda aniga maxaan kuu qaban karaa ii sheeg reerkaaga intee u guureen.

 

C/raxmaan:

 

Reerkeyga Dalka Ethiopia ayaa ay u guureen haddiiba aad I saacideyso meel aan ku nasto I sii ilaa aan ka gaarayo meesha ay reerkeyga ku sugan yihiin.

Nasiibka waa sad Nabsigana waa Halkiisa waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah. Penned by Hali Hassan (XAALKOOS) Mail: xaalkoos@hotmail.com
Like it? Share it!