Kalluumeysato ajaaniib ah oo lagu qabtay xeebaha jasiirada Kudhaa (Sawiro)

by mahad | Monday, Jun 19, 2017 | 5039 views

June 19 (Jowhar)—Ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Jubaland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen rag ajaaniib  oo si sharci darro ah uga kalluumeeysanayeen xeebaha gobolka Jubbada hoose.

Kalluumeysatadan oo 2 ka mid ah ay u dhasheen dalka Iran lixna wadanka Hindiya ayaa doon ay wateen waxa ay ku soo caariday xeebta Jasiirada Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.

Guddoomiyaha degmada Badhaadhe Maxamuud Fanax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in raggan ay mudo afar bilood ah si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha gobolka Jubbada hoose, maanta ay soo qabteen kadib markii ay doon la soo caarisay.

Waxa uu xusay in ay sidoo kale gacanta ku dhigeen kalluun gaaraya 300 oo tan oo ay ka jallaabteen xeebaha gobolka Jubbada hoose.

Raggan ayaa lagu wareejiyay ciidamada booliska dowlad goboleedka Jubba waxana taliyaha   booliska gobolka Jubbada hoose uu sheegay in  lagu qaadi dono danbiga ay galeen ciqaabtiisa.

Like it? Share it!