Ururka SOMA oo soo gabagabeeyay Tababar ku saabsanaa wax soo saarka Raadiyaha

by A M | Monday, Jun 19, 2017 | 764 views

June 19 (Jowhar)— Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa xalay lagu soo xiray Tababarkii ku saabsanaa wax soo saarka Raadiyaha (Barnaamijka Wadaagga), kaasi oo uu soo qaban qaabiyay Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (Somali Media Association SOMA) oo ah Urur ay ku mideysan yihiin Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta.

Tababarkan oo socday mudo Saddex maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galay Wariyeyaal ka kala yimid 20 Idaacadood oo ku kala yaalla magaalooyinka Muqdisho, Garowe, Kismaayo, Gaalkacyo, Guriceel, Cadaado, Beledweyn, Baydhabo, Jowhar iyo Afgooye.

Munaasabad lagu soo xirayay Tababarkan oo Afur iyo Casho sharaf lagu sameeyay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Sheekh Yuusuf (Al-cadaala), Agaasimaha TV-ga Qaranka Liibaan Cabdi Cali, Qaar ka tirsan Agaasimeyaasha Idaacadaha Muqdisho ku yaalla, Madax ka socotay SOMA, Wariyeyaal iyo marti sharaf kale.

Xoghayaha Guud ee Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (Somali Media Association SOMA) Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo hordhac ka bixiyay ururka SOMA ayaa sheegay in SOMA la aas aasay 2013-kii, ayna ku mideysan yihiin ilaa 40 Idaacadood oo ku yaalla guud ahaan dalka Soomaaliya, waxaana ujeedada loo aas aasay ay aheyd in la sameeyo urur ay ku mideysan yihiin warbaahinta madaxa banaan, kana shaqeynaya danta iyo hormarka shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay ururkan sanadkii 2016-kii in uu bilaabay Barnaamij gaar ah oo wadaag ah, kaasi oo loogu tala galay in Idaacadaha ku mideysan SOMA ay wadaagaan xogaha iyo warbixinada, islamarkaana ay u gudbiyaan bulshada inteeda kale.

Ismaaciil Sheekh Khaliifa Xoghaya SOMA ayaa sidoo kale sheegay Idaacadaha ku mideysan SOMA go’aankooda in uu yahay ka shaqeynta hormarka dadka iyo dalka iyo in dadka wax lagu soo kordhiyo, ayna yihiin warbaahin wax dhista ee aan ka shaqeyn dhibaatada.

Agaasimaha TV-ga Qaranka Liibaan Cabdi Cali oo isna kulanka ka halday ayaa Wariyeyaasha ugu hambalyeeyay Tababarkan ay qaateen, wuxuuna sheegay in uu u rajeynayo guul iyo hormar.

C/raxmaan Sheekh Yuusuf (Al-cadaala) Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo kulanka soo xiray ayaa SOMA ku amaanay shaqada ay wadaan, wuxuuna ku dhiirageliyay in ay sii wadaan, si ay hormaro kale ugu talaabsadaan.

Sidoo kale Agaasime Al-cadaala ayaa sheegay bisha July ee sanadkan dhamaadkeeda in magaalada Garowe ay ku qaban doonaan Tababar weyn oo ay ka qeyb gali doonaan warbaahinta Soomaaliyeed oo dhan, kadibna laba bilood kasta kadib magaalooyinka maamul goboleedyada ay ku qaban doonaan Tababaro.

Ugu dambeyntii Wariyeyaashii ka qeyb galay Tababarkan ay qabatay SOMA ayaa waxaa la gudoonsiiyay shahaadooyin muujinaya in ay aqoon ka kororsadeen mudadii uu socday Tababarkan.

 

Like it? Share it!