Wasiirka Amniga oo sheegay inay gacanta ku dhigeen Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

by A M | Monday, Jun 19, 2017 | 3693 views

June 19 (Jowhar)— Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa goor dhow shaaca ka qaaday in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Madaxtooyada ayuu ku sheegay in Sarkaalkan uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhibaateynta shacabka Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada Xasilinta Caasimada ayaa Sarkaalkan oo lagu magacaabo C/wahaab Khaliif Axmed, oo loo yaqaano Ciise Tarabuun ku qabtay Suuqa Bakaaraha.

Wararka ayaa sheegaya in Sarkaalkan uu ahaa Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir.

Wixii faah faahin kala soco wararkeena dambe

Like it? Share it!