Sheekadii: Nasiibka waa sad Nabsigana waa Halkiisa Qeybtii 9aad

by hanad | Friday, Jun 23, 2017 | 4813 views

Reerkeyga Dalka Ethiopia ayaa ay u guureen haddiiba aad I saacideyso meel aan ku nasto I sii ilaa aan ka gaarayo meesha ay reerkeyga ku sugan yihiin.

 

Liibaan qof naxariis badana ayaa uu ahaayee markiiba wiil u shaqeeya ayaa ku yiri Hotel gey maqaayadna kala hadal oo xisaabta aniga ha la igu qoro

 

C/raxmaan farxad ayaa soo gashay iyo rajo yar inta uu Liibaan fiiryey ayaa uu ku yiri

 

C/raxmaan:

 

Waan mahadsan tahay walaal

 

Liibaan:

 

Dhib malaha adigaba waad ii qaban lahayd iska naso galabta ayaan kuu imaan doonaa oo aan isla meel dhigeynaa sida ugu sahalan ee aad reerkaaga ku gaari kartid balse magacaaga muxuu ahaa aniga liibaan ayaa la ii yiraahdaa.

 

C/raxmaan:

 

Aboowe magaceyga waa C/raxmaan

 

Liibaan naxariista waa mid uu u dhashay galabtii wax fursad uma helin oo gurigiisa ayaa uu toos u aaday kadib markii uu ku daahay xisaabtii maalintaa, markii uu guriga tagay ayaa uu xaaskiisa ugu sheegay qofka uu manta la kulmay markaasuu ku yiri

 

Liibaan:

 

Manta wiil dhallinyaro ah ayaa ii ymid oo dalka Sacuudiga laga keenay oo raadinayo ninka aan qolka kala wareegay ee Xaaji Muqtaar wallaahi miskiinka aad ayaa uu dhibaateysnaa

 

Deeqo:

 

Liibaanoow waan ku aqanaa qof kasta oo baahi ayaa I heysa ku tiraahdo waad ii keeni jirtay qof ha ii keenin aniga dhib ilmaheyga ayaa igu filan waxaanba ka baqayaa sida aad maalin walba aad ii leedahay qof dhibtoonayo ayaan la kulmay in Tuug albaabka noogu soo gelisid

 

Liibaan inta uu qoslay ayaa uu yiri

 

Liibaan:

 

Maya Macaanta Hotel ayaan dejiyey reerkiisa oo dalkaba ka guuray ayaa uu raadinaayey magaciisa waa uu ii sheegay laakiin hadda maba xassuusto baahida ka muuqato haddaad arki lahayd waad u garaabi lahayd Xabiibi

 

Deeqo marnaba shaki ma gelin in qofka laga hadlaayo uu yahay kii iyada mudada dhibka baday ee maskaxdeeda jahwareerka ku riday maxaa yeelay qalbigaba kagama qorneyd oo xataa ma aysan is xassusin jirin in Liibaan hortiisa iyada nolosha ay qof kale ay la qeybsatay

 

Subaxii xigay ayaa uu Liibaan abaaray Hotelkii la dejiyey C/raxmaan waxayna isla meel dhigeen in la saaro Baabuurta aado magaalada Godey halkaas uu kaga sii gudbo xagaa iyo magaalada Dhagax Buur oo ah meesha uu ku tabayo reerkiisa C/raxmaan aad ayaa uu ugu mahad celiyey Liibaan waxaana loo sheegay in maalinta sabtida ay baxaan baabuurtaas oo iminkaba loo soo diyaarin doono, xermo lacag ah inta uu soo bixiyey ayaa u dhiibay oo uu ku yiri Dhar ku soo gado  berito oo Jimco ahna gurigeyga ayaad qado ku leeyahay, C/raxmaan si uu ugu mahad celiyo ayaa uu garan waayey markaasuu ku yiri ma aqaan waxaan ku iraahdo Liibaan oo gartay waxa uu damacsan yahay ayaa yiri

 

Liibaan:

 

Maya C/raxmaan dhalinyaro ayaan nahay waan isku leenahay adiga sow iima qaban laheyn haddii aad booskeyga joogto

 

C/raxmaan:

 

Haa walaal qof fiican ayaa tahay xaas ayaad leedahay ayaan filayaa

 

Liibaan:

 

Haa walaal labo carruur ayaa ii joogto xaaskeyga waa qof fiican oo bani’aadanimada taqaan soo dhaweyn waad ka helaysaa

 

C/raxmaan:

 

Maxay u fiicnaaweysay adiga oo sidaan oo dhan u fiican ayaa qabee

 

Sidaas ayaana lagu kala tagay Liibaan galabtii markii uu guriga tagay ayaa uu xaaskiisa u sheegay in berito uu wiilkii u ugu sheekeeyey la qadeyn doono Deeqo ninkeeda waa ay u taqaanay in uu JImcaha marti uu keeno markaasey ku tiri

 

Deeqo:

 

Kan waa uu mudan yahay waa nin magaalada aad ehel u joogin sida aad ii sheegtay horaba dad magaalada degan ayaa keeni jirtay aniga waan caadeystay in aan Jimcaha qadada Badiyo maxaa yeelay martida adiga maba kaa dhamaado

 

Liibaan:

 

Xabiibi waxaa la yiri Weji furan ayaa la galaa ee guri furan lama galo marka aniga asxaabteyda ayaa iska badan ee adiga dulqaad muuji

Deeqo:

 

Maya macaanka adiga qofkaad rabto aniga waan rabaa maxaa yeelay waxaaba ii tahay daawadii qalbigeyga ma anaa diidi kara waxaad wado

 

Liibaan oo kaftamayo ayaa yiri

 

Liibaan:

 

Kaalay galabta hadalo macaan oo aan mudooyinkaan aan kaa helin ayaa kaa dhacayo

 

Deeqo:

 

Weligeyba hadal macaan ayaan ku hadlaa malaha adigaa maalmahaan I dhageysan

 

Kaftankii ayaa lasii guda galay ilaa salaadii maqrib adaankiisa uu dhaco oo xagaa iyo misaajidka uu qabto

 

Deeqo subaxii ayaa ay sida caadada u ahayed suuqii u kalafday si ay waqti hore u qadada diyaariso maalintaa oo dhan qado diyaarin ayaa ay ku mashquulsaneyd wallow dhinaca kale ay guryaha diyaarintiisana ay ku mashquulsaneyd gabadha Jaariyada ah ee guirga kaga shaqeysa

 

Markii salaadii Qudbada laga soo baxay ayaa ay Liibaan & C/raxmaan ay soo abaareen guriga,

 

Deeqo qofka manta loo soo wado ma aysan ogeyn qofka uu yahay xataa uma sawirneyn inuu yahay qofkey ogeyd uu noqon karo

 

Sidoo kale C/raxmaan ma fileynin in qofka sidaan oo dhan isaga ula walwaalayo uu yahay Xaaskiisa hore ninka ay iminka u dhaxdo

 

Sidoo kale Liibaan ma fileynin in qofka uu gurigiisa ku sii wado inuu yahay kii hore xaaskiisa jahwareerka ugu abuuray ee nolosha ku cidleeyey

 

Xaalka ayaa u muuqday mid jahwareersan Liibaan oo ganjeelka guriga Furo uu sidey ku soo furay ayaa C/raxmaan ku yiri hore u soo gudub markii uu qolkii saloonka ah uu geeyey ayaa uu xaaskiisa Kushiinka ugu soo galay u sheegay in ay yimaadeen markaasey garaafo cabbitaan ku jira inta ay u soo dhiibtay ku tiri biyahaan sii geey qadada waan soo diyaarinayaayee

 

Liibaan cabbitaankii ayaa uu qolkuu C/raxmaan ku jiray dib ugu noqday waxaana u soo galay isagoo ay la joogaan carruurtisa markaasuu C/raxmaan yiri

 

C/raxmaan:

 

Carruurtaada aad ayaa u qurux badan yihiin MAASHAA ALAAH

 

Liibaan:

 

Haa Hooyadood ayaa qurux badan

 

C/raxmaan:

 

Sow ma wada joogtaan

 

Liibaan:

 

Xaas kale ma aanan guursan waa midaan ku billwaaday illaaheyna waa igu nimceeyey

 

C/raxmaan oo tiiraanyo laga dareemayo ayaa yiri

 

C/raxmaan:

 

Intaad adduunyada ku nooshahay xaaskaaga dhibaato ka ilaali

 

Inta uusan liibaan hadalka celin ayaa waxaa u yeertay Xaaskiisa oo aan caadi ahayn Deeqo iyadoo dariishada saloonka taagan oo xarig meesha ku xernaa ka doontay istiraashooyin ayaa ay mar kaliya hadalka C/raxmaan maqashay oo ay durbadiiba ay garatay in qofka manta loo keenay inuu yahay C/raxmaan inta ay shakiday ayaa Dariishada ka fiirisay misana waa isaga Deeqo oo cod dheer ku tiri Liibaan ayaa markii uu soo baxay ku yiri INAA LILLAAH WAA INAA ILLEYHI RAAJUCUUN  maxaa ku helay, Deeqo oo indha gaduuteen ayaa tiri

 

Deeqo:

Nasiibka waa sad Nabsigana waa Halkiisa waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah. Penned by Hali Hassan (XAALKOOS) Mail: xaalkoos@hotmail.com
Like it? Share it!