Sheekadii: Nasiibka waa sad Nabsigana waa Halkiisa Qeybtii 10aad

by hanad | Friday, Jun 30, 2017 | 3990 views

Waan filaayey in maalin uun aad irida iga soo gelineysid qof xun maantana C/raxmaan Cali Gaab maad ii keentay Liibaan naxariis ma ah waxa kugu jiro ee waa dabaalnimo manta isla xilligaan waa in aad ninkaan gurigeyga ka saartaa mise aniga ayaa ka baxayo.

 

Liibaan oo yaaban ayaa yiri

 

Liibaan:

 

Maxaa ku helay muxuuse ninkaa yahay oo aad ku ogtahay in aan ninkaan manta casuumay hore ayaan kugu shegay xabbiibi is deji waa uu na maqlayaa

 

Deeqo:

 

Hana maqlo maxaa iga galay wallaahi aan gurigaan manta nabada lagu wada qadeyneynin

 

Liibaan:

 

Waa ku baryayaa ha dhaaran horta kaalay qolkeena na keen meesha ayaan ku hadleynaa aniga ma fahmin waxa aad ka hadleyso

 

Markii qolkooda jiifka ay soo galeen ayaa Deeqo arrinta oo dhan u sheegtay ninkeeda iyo in ninkaan uu yahay kii iyada hore u xumeeyey liibaan oo sidii hore ka degan xaalka meesha uu jirana fahmay ayaa yiri.

 

Liibaan:

 

Hadaan ku fahmay macaanta laakiin adiga iminka aniga ayaa ku qabo maxaad kaga baahan tahay ninkaan hore waa uu kuu xumeeyey laakiin manta fiiri isaga adiga ayaa uu kaa liitaa waa ku baryayaa sharafteyda Dhowr oo wax ha oran iskana illaaw dhibka uu ku baday.

 

Deeqo:

 

Liibaan in aad la hadlo ayaan rabaa oo aan dareensiiyo dhibka uu ku jiro inuu yahay nabsiguu iga galay sharaftaada waa teyda laakiin Xabiibi ii ogolow in aan la hadlo.

 

Liibaan waa kari waayey Deeqo ugu dambeynba waxa uu yiri

 

Liibaan:

 

La hadal ma diidani laakiin markii la qadeeyo ka dib

 

Deeqo:

 

Ok iska bax hadda mana is tusinayo ilaa qadada uu ka cuno

 

Sidaa ayaan qadadii lagu soo diyaariyey C/raxmaan lama socon buuqa dhacay waxna kama shakinin markii qadadii la cunay ayaa uu Liibaan ku yiri C/raxmaanoow xaaskeyga ayaan ku barayaa markaasuu C/raxmaan ku yiri Ok gabadha nasiibka leh ee adiga ku heshay in aan arko waan rabaa.

 

Liibaan inta uu irida qolka istaagay ayaa uu ku yiri Deeqo ku AAway markiibana Deeqo waa ay soo gashay maxaase helay C/raxmaan markii ay Deeqo guriga soo gashay inta uu istaagay ayaa uu afka kala qaaday hadalkiina gabay Deeqo oo markii ay aragtay firfircooni dareentay ayaa la soo booday.

 

Deeqo:

 

Adduunyooy xaalkaa Ba’a Liibaanoow qofka aad maalmahaan oo dhan aad ii sheegeysay ee dhibaatada heysata ma ninkaan ayaa uu ahaa

 

Liibaan oo qabar moog iska dhigaya ayaa la soo booday

 

Liibaan:

 

Oo kaalay ma taqaan qofkaan

 

Deeqo:

 

Haa Xabbiibi waa ninkii nolosha inta uu ii billaabay haddana iga seydhay oo cuqdad in aan ku noolaado I baday maanta adigana qofkaasaa ii keentay oo waliba sida qof fiican oo kale igu leedahay Marti qaas ayaa ii joogto oo martida aad ka hadleyso ma qofkaan miyuu ahaa haddaan ogaan lahaa maba aan ogolaan laheyn inuu gurigeyga cagtiisa soo dhigo.

 

C/raxmaan oo xoogaa miirka soo helay ayaa yiri

 

C/raxmaan:

 

Liibaanoow xaskaaga waxa ay ka hadleyso waa run nin xun ayaana ahay mana u qalmi in la ii cafiyo laakiin nin naafo ah ayaan ahay maxaa leyga aarsadaa koley waxaan qalabsaday waan helay.

 

C/raxmaan inta uu Deeqo u soo dhawaaday ayaa uu lugaheeda hoos fadhiistay oo ku yiri

 

C/raxmaan:

 

Manta waxa sidaan ii galay waa nabsigii aan kaa galay waa ku baryayaa I cafi anigoo og in aan u qalmin in la ii cafiyo fiiri nabsigaan kaa galay xataa rerkeyga waa uu saameeyey anigana sidoo kale oo manta ayaaba uu I keenay hoostaada.

 

Deeqo:

 

Dhib kasta oo aad I baday waan ka samata baxay qofkaan arkeysa ayaa inta uu gudcurkii aad I gelisay iga soo saaray oo nolosha mar kale I hor keenay oo macaanteeda I tusay cuqdadaa I gelisay ayaan mudo la taahay laakiin mid ogow NASIIBKA inuu sad yahay oo qofkuu illaahey u qoray uu sinayo aniga Liibaan ayaa uu illaahey nasiibkeyga ka dhigay adigana waxaan manta guraneysaa NABSIGAAD iga gashay.

 

C/raxmaan:

 

Waa runtaa Deeqo nabsigaan kaa galay mar hore ayaan dhibkiisa maray mudo lix billood ayaan dalka Sacuudiga aan ku xernaa oo aan waliba arrin aan shaqo ku lahayen la iigu xeray anigoo xubeyr ahna waa la ii soo musaafuriyey qaladkaan kaa galay gabar kale ayaa mudankiisa I marsiisay oo intaan shaqeystayna iga guratay xabsigana I dhigtay waa ku baryayaa dhib kale iima noqdo waa ku baryaa I Cafi.

 

Liibaan oo manta oo dhan hadalka uun dhageysanayo ayaa soo dhex galay oo xaaskiisa ku yiri

 

Liibaan:

 

Waad maqashaa Xabiibi sida uu u cataawayo iska cafi haddiiba uu gareystay qaladkiisa adiga nasiibkaaga ayaa ku saaciday isagana nabsiguu kaa galay mirahiisa waa uu gurtay ee iska Cafi Macaanta aniga darteey u cafi berito safar ayaa uu galayaa intaan ka xagga dhib kale ma geli karo.

 

Deeqo:

 

Liibaanoow macaane xaggeyga wax kasta ayaa ka goysaa oo xataa nafteyda waan kuu hibeyn karaa maantana ninkaan C/raxmaan ah madaxaaga ayaan ku cafiyey laakiin C/raxmaan mid ogow in.

NASIIBKA WAA SAD NABSIGANA WAA HALKIISA

 

C/raxmaan markii ay Deeqo intaa tiri ayaa uu ooyin kale la dhacay Deeqana inta ay qolkii ka baxday ayaa ay guriga gadaal ugu noqotay Liibaan oo qolka ku haray ayaa inta uu gacanta madaxa ka saaray yiri.

 

Liibaan:

 

Aamus wixii hadda ka dambeeya isku day in aad nin fiican aan noqoto.

 

C/raxmaan ballan ayaa uu taa ku maray waxaana uu dib ugu noqday Hotelkii uu deganaa oo habeenkaas waqtigiisa inta badan ku dhameystay fakir oo la yaabanaa sida uu kibirkiisa ku jabay iyo meesha uu waayaha dhigay.

 

Subaxii markii uu waagu baryay ayaa uu ka shiraacday magaaladii Muqdishu oo u ku dhashay oo uusan weligii ku firkin inuu ka tagayo wuxuuse subaxaas ku xaqiiqsaday in qof waliba waxa uu galabsaday uu filaayo isagana uu helay wixii uu falay.

 

Deeqo masquud ayaa ay ku aheyd sida ugu dambeyn C/raxmaan iyada u soo miciin baday waana ay ku riyaaqsaneyd nolosheeda iyo ninkeeda Liibaan oo Xurmo badan u heysay.

 

Dhamaad

PENNED BY YOUNG EDITOR OF MIDDLE SHABELLE REGION

Nasiibka waa sad Nabsigana waa Halkiisa waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah. Penned by Hali Hassan (XAALKOOS) Mail: xaalkoos@hotmail.com
Like it? Share it!