Habeenkii ay cadaatay walaaltinimadeena waarta: By Olgan Bekar

by A M | Monday, Jul 17, 2017 | 5234 views

15 Luulyo, 2016, waxaa bilowday habeen xagaa qurux badan, inyar oo horumar ah wuxuu isku rogay qarow iyo fal naxdin ku ah dimoqraadiyadda Turkiga. xubnaha unug qarsoodi ah oo ku dhex milnaa hey’adaha dowladda waxa ay isku dayeen inay la soo banbaxaan afgembi dhagar huwanaa.

kuwa falkaasi dembiga ah geystay waxa ay ka tirsanaayeen Ururka argagaxisada ee Fetullah Gulen (FETTO), waa koox argagaxiso ah, waxa ay ku xadgudubtay shacabka Turkiga iyo hey’adihiisa dimoqraadiyadeed, iyaga oo si dhammeystiran oo xad ka bax ah iska indha tiray nolosha dadka rayidka ah ee habeenka 15 Luulyo.

Muwaadiniinta Turkiga waxa ay iskudaygaasi afgembi ee fashilmay ay uga jawaab celiyeen si firfircooni oo ka hortagid leh. iska caabintooda dhiiranaanta iyo ad adeegga laheyd waxa ay guul darro ka dhigtay qorshayaasha dhagreed ee rasmiga ahaa, waxa ayna badbaadisay dimoqraadiyadda Turkiga.

Isla waqtigii uu Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu ku laabtay gegidda diyaaradaha Atatürk ee Istanbul, boqolaal kun oo muwaadiniinta caadiga ah waxa ay soo buuxiyeen waddooyinka, waxa ay ka hortageen argagaxisada ku labisnayd dharka milatariga, kuna hubeysnayd madaafiicda culus, taangiyaasha iyo qoryaha darandooriga u dhaca, isla sidaas oo kale waxa ay si qurux badan oo milgo leh u xifdiyeen heeska qaranka ee Turkiga ” Xabadkaaga ka yeel sidii gaashaanka oo kale, jirkaaguna sidii dhufeys oo kale ! jooji dhaqaaqani ceebta leh!”.

Geesinimada iyo howlaha Ummadda Turkiga ay qabteen habeenkaasi waxa ay ka run sheegtay ereyadaasi ku suntan heesta qaranka Turkiga, cadeyneysana inay noqon karto gaari gaashaaman oo derbi adag leh, balse leh soohdinno uu ilaaliyo xabadkaasi weyn ee qofka mu’minka”.

Xilli dunidu ay daawaneysay difaaca halyeeynimo ee dimoqraadiyadda ee ay sameeyeen Shacabka Turkiga, tobaneeyo Soomaali ah ayaa isku soo baxay waddooyinka Caasimadda Muqdisho si ay u cambaareeyaan iskudayga afgembi ee Turkiga. Dadka banaanbaxayay waxa ay socod ku soo mareen magaalada, waxa ayna ku soo uruureen meel ku dhow Safaaradda Turkiga, halkaasi oo ay kaga dhawaaqayeen taageerada ay u hayaan Ummadda Turkiga, waa muuqaal gaar ah oo garab istaagid ah.

Masaajidda Soomaaliya waxaa buux dhaafiyay mu’miniin , waxa ay sare u taageen gacmahooda iyaga oo duceynayay, waxa ayna Allah ka baryeen inuu gacan siiyo walaalahooda Turkiga si ay uga guuleystaan, kana tanbadiyaan xadgudubka naxdinta ah ee lala bareeray dimoqraadiyadooda.

Waxa aan abaal gaar ah oo mahadnaq leh u heynaa Soomaaliya, mowqfikii adkaa ee ay qaadatay ee ka dhan ahaa FETÖ. dabargoynta si dhammeystiran jiritaanka FETO kadib iskudaygii afgembi ee fashilmay wuxuu cadeyn u ahaa walaalnimadeena iyo isbaheysigeena xooggan ee dagaalka ka dhan argagaxisanimada.

Waxa aanu hiigsanaynaa inaanu hore u soconno, waxa aanu awood ka helnay guushaasi gaarka ah ee ee ay ku dhaqaaqday Ummadda Turkiga, waxaa na dhiirigeliyay naxariista qalbi-taabadka leh iyo isbaheysiga xoogan ee ay noo muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed.

Soomaaliya xilliga waxa ay ku sugan tahay waddo isgoys ah, waxa ayna u baahan tahay xasilooni siyaasadeed , ammaan iyo horumar inkabadan intii hore u jirtay. si kastaba ha ahaatee,  dhacdooyinkii soo banbaxay 15 Luulyo sanadkii kore waxa ay si cad u muujiyeen in aanu jiri karin caqabad weyn marka ay hor is taagto rabitaanka shacabka oo aan laga sara mari karin.

Waxaan jeclahay oo aan si adag u sheegayaa in Turkiya ay aaminsan tahay mustaqbalka iftiinka badan ee Soomaaliya. sidoo kale waanu idin wehlin doonnaa inta lagu gudajiro safarkaasi halista badan ee hore loogu soconayo, si la mid ah sida aad noo garab istaagteen habeenkaasi gaarka ahaa.

Ugu dambeyntii, aniga oo ku hadlaya magaca qarankayga, waxa aan jeclahay inaan u mahadceliyo markale Ummadda Soomaaliyeed ee mudan inbadan oo mahadnaq ah oo aan awoodi karno inaan u gudbinno.

 

Olgan Bekar

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Like it? Share it!