Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ku baaqay in dib loogu laabto doorashadii 8 Kursi

by A M | Monday, Jul 17, 2017 | 3493 views

July 17 (Jowhar)— Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Dahir ayaa taageeray go’aankii bishii May ay gaartay Maxakamdda sare ee dalka, kaasoo ahaa in dib loogu laabto doorashada 8 kursi oo ka mid ahaa kuraastii lagu muransanaa ee ay horay u laaleen Guddigii xalinta khilaafaadka.

Axmed Cali Dahir ayaa sheegay inay muhiim tahay in la dhaqan geliyo go’aanka Maxkamadda sare soo saartay, waxaana uu xusay in Guddoonka Baarlamaanka laga doonayo inay tixgeliyaan oo ay dhageystaan amarka Maxkamadda.

“Waxaan taageerayaa go’aanka Maxkamadda sare ka soo baxay, anaga ma doonayo inaan u kala safano Xildhibaanada, balse waxaa muhiim ah in laga shaqeeyo Cadaaladda, si xalaal ah dib doorasho loogu celiyo kuraasta aan saxneyn ee Baarlamaanka ku jira”ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Qaranka.

Maxkamadda sare ee dalka ayaa bishii May soo saartay go’aan ay ku amreyso in dib loogu laabto doorashada 8 kursi oo ka mid ahaa kuraastii 11 ahaa ee ay horay u laaleen Guddiga xalinta khilaafaadka, hase ahaatee markii dambe Madashii Hoggaanka Qaranka ay amreen in la fasaxo.

 

Like it? Share it!