Kooxda Barcelona oo ugu dambeyn fasaxday  Neymar isagoo ku biirey PSG (Sawiro)

by mahad | Thursday, Aug 3, 2017 | 3955 views

August 03 (Jowhar)—Naadiga Barcelona ee ka dhisan dalka Spain ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in garyaqaanada Neymar Jr ay xafiiska kooxdeeda ku bixiyeen lacagtii heshiiska laacibka reer Brazil lagu burburin karayay oo gaareysay €222 million.

Barcelona ayaa faahfaahinta heshiiskan u dirtay UEFA maadaama oo uu maamulka horyaalka La Liga diiday in uu lacagtan aqbalo, waxayna Barcelona lacagtan aqbashay kadib markii uu wada xaajood dhex maray kooxda PSG.

Hase yeeshee, saaka ayaa La Liga diiday inay aqbalaan lacagaha lagu jebinayo heshiiska Barcelona iyo Neymar xafiisyadeeda ku yaal magaalada Madrid,waxayna taas sababtay in xiriirka ciyaaraha ee Faransiiska uu ugu baaqo La Liga in ay u hogaansamaan sharciyada u yaal FIFA.

Barcelona ayaa hore Neymar jr iyo aabihii ugu sheegtay in ay bixiyaan lacagta heshiiskiisa cusub lagu burburin karayay wuxuuna xiddiga reer Brazil miiska soo saaray lacagta heshiiskiisa lagu burburin karo si uu xor uga noqdo heshiiska uu ku ahaa ciyaartoyda Barcelona wuxuuna hadda si xor ah ugu biiri karaa kooxda PSG isaga oo iibsaday heshiiskii uu Camp Nou ku joogay.

Qoraalka  rasmi ah oo ay Barcelona ku cadaysay in garyaqaanada Neymar bixiyeen lacagtii heshiiskiisa lagu burburin karayay ayaa lagu yiri: “Galinkii danbe ee khamiista wakiilada sharciga ee Neymar Jr waxay shaqsi ahaan u soo booqdeen xafiisyada kooxda waxayna bixiyeen 222 milyan euros iyaga oo ku bixiyay magaca ciyaartoyga iyaga oo tixraacaya burburinta dhinaca kaliya ee qandaraaskii labada dhinac midaynayay”.

Sidaa daraadeed, laga bilaabo hadda Neymar Jr ayaan ahayn ciyaartoy Barcelona ah wuxuuna noqday mid xor ah oo ku biiri kara kooxda uu doonayo ee PSG. Barcelona ayaa sidoo kale qoraalkan ku sheegtay in kiiskan ay isku dhaafisay xafiisyada UEFA.

Ku biirista Neymar kooxda PSG ayaa hadda u muuqata mid soo dhamaatay waxaana la sheegayaa in kooxda Ligue 1 uu diyaar u yahay inuu soo bandhigo Berri oo Jimce ah ciyaaryahankooda cusub ee Neymar.

Ciyaaryahanka Neymar ayaa la sheegay in uu tijaabadii caafimaadkaba maray waxaana la rumeysan yahay in uu subaxnimada Jimcaha uu gaari doono caasimada dalka Faransiiska.

Ku biirista Neymar kooxda PSG ayaa jebiyay rikoorkii hore ugu yiil caalamka ee ciyaartoyda kubbada cagta waxana hore rikoorka u haystay Paul Pogba oo sanadkii hore ay kooxda Manchester United ugaga soo iibsatay naadiga Juventus lacag gaareysa €105m.

Neymar ayaa lagu wadaa in uu kulankiisa ugu horeeyo u ciyaaro naadiga PSG ciyaarta ugu horeysay ee horyaalka Faransiiska maalinta Sabtida ah iyadoo kooxdu la ciyaari doonto naadigaAmiens.

 

Like it? Share it!