Real Madrid oo ku guuleysatay koobka UEFA Super Cup (Sawiro)

by mahad | Tuesday, Aug 8, 2017 | 2197 views

August 08 (Jowhar)— Kooxda Real Madrid ee ka dhisan dalka Spain ayaa  ayaa ku guuleysatay koobka UEFA Super Cup kadib markii ay 2-1 uga badisay kooxda Manchester United.

Casemiro iyo Isco ayaa labada gool u dhaliyay kooxda Real Madrid halka Lukaku uu goolka ay keensatay Man United u saxiixay Lukaku.

Ciyaaryahanka weerarka uga ciyaara Real Madrid Ronaldo ayaan bilowga ciyaarta soo gelin dhaawac uu qabo awgeed balse qeybtii dambe ee ciyaarta ayuu ciyaaray.

Labada koox ayaa qeybtii hore waxa ay ahaayeen kuwo firfircooni ku ciyaarayay iyadoo labada goolba la weerarayay waxaana Casemiro uu garaacay birta halka kubbad kalana dul mariyay birta.

Hase yeeshee Casemiro ayaa daqiiqadii 24aad kubbad uu u soo dhex bixiyay Dani Carvajal meel cidlo ah ka helay waxana uu u dhaliyay kooxdiisii gool balse goolkaa ayaa shaki weyn abuuray waxayna kooxda United ku dooday inuu ahaa offside.

Soddon daqiiqo  markii ay ciyaartu socotay ayaa la hakiyay si ciyaartoyda iyo garsoorayaasha fursad loo siiyo inay biyo cabaan maadaaa uu kuleyl ka jirey garoonka lagu ciyaarayay.

Qeybtii hore ayaa lagu kala nastay 1-0 hase ahaatee tababare Mourinho ayaa isbedel ku sameeyay kooxdiisa waxana uu soo geliyay Rashford isagoo bedelay Lingard.

Naadiga Man United ayaa looga naxsaday gool labaad daqiiqadii 52aad kadib markii uu mid ka mid ah daafacyadeeda uu qalad galay waxaana goolka labaad u dhaliyay naadiga Real Madrid Isco.

Man United ayaa bilowday dadaal kadib markii ay is aragtay in meel banaan loogaga tagayo waxayna keensatay gool daqiiqadii 62aad  kaasoo uu  u dhaliyay weeraryahanka ay dhowaan keensatay ee Lukaku kadib markii uu kubbad soo tufay goolhaye Navas.

Naadiga Man United ayaa weeraro ku qaaday goolka Real Madrid waxaana gool la fishay ka qasaariyay Rashford. Daqiiqadii 83aad ayuu tababaraha Real Madrid garoonka soo geliyay Ronaldo waxana uu ku bedelay Benzema oo ciyaarta aan ka muuqan.

Gabagabadii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1 ay Real Madrid ku garaacday Manchester United iyada oo Zidane iyo kooxdiisa Madrid ay sii difaacdeen UEFA Super Cup waana koobkii labaad ee UEFA Super Cup ah ee uu Zidane la qaaday Real Madrid. Los Blancos ayaa markii afraad k u guulaysatay koobkan waxaana ka horeeya Barcelona iyo AC Milan oo min shan jeer hore ugu guuleystay.

 

Like it? Share it!