Guddoomiyaha Taabid oo sheegay in maalmaha soo socda ay furayaan waddooyin halbowle u ah Muqdisho

by A M | Saturday, Aug 12, 2017 | 2813 views

August 12 (Jowhar)— Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay dib u furi doonaan waddooyin halbowle u ah isu socodka magaalada Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ku guuleystay inuu dib u furo Wadada Laamiga ee ka leexata Wadada Maka Al-Mukarama ee Isgoyska Shaqaalaha illaa Isgoyska KPP ee degmada Hodan, taasoo sababo ammaan u xirneyd.

Wadadan ayaa u xirneyd Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, maadaama dhismaha ay ku shaqeyso ee laga bixiyo Baasaboorada ay ku dhinac taalo, taasna ay sabab u noqotay in amni darteed loo xiro wadada.

Guddoomiye Taabid ayaa sheegay in furitaanka wadadan ay muhiim u tahay isu socodka iyo ganacsiga magaalada Muqdisho.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray Guddoomiye Taabid ayuu ku sheegay in maalmaha soo socda ay furi doonaan waddooyin halbowle u ah magaalada Muqdisho.

“Waxaan dib u furnay wadadii shaqaalaha oo muhiim u ah isu-socodka & ganacsiga magaalada Muqdisho. Maalmaha soo socda wadooyin halbowle u ah magaalada ayaan dib u furidoonaa inshallah”ayuu yiri Guddoomiye Taabid.

Dad badan oo isticmaala baraha bulshada ayaa tallaabadan ku bogaadiyay Maamulka Banaadir, iyagoo qaarkood ugu baaqay Maamulka Gobolka Banaadir in la furo Wadada KM4 ka leexata ee aadda Tarabuunka, taasoo hor marta Madaxtooyadii C/qaasim, wadadan ayaa u xirneyd Safaaradda Turkiga oo horay u deganeyd dhismo ijaar ahaa oo wadadaas ku taalla, iyadoo sababo ammaan loogu xiray, hase ahaatee Safaaradda Turkiga ayaa sanad ka hor dhismo casri ah oo aad u weyn ka dhisatay degmada C/casiis, halkaasoo ay guurtay.

Shacabka Muqdisho ayaa muddooyinkii u dambeeyay dhibaato ku qabay xirnaanshaha waddooyinka qaar ee magaalada, waxaana xaafadaha qaar ee magaalada oo dhagxaan iyo carro lagu gooyay, kuwaasoo yeeshay muuqaal aagg dagaal oo kale.

Like it? Share it!