Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 2aad

by hanad | Friday, Aug 18, 2017 | 4572 views

Augosti 18 (Jowhar)—Sidii ayaana qof kasta danteeda ku raacatay Falis qaati ayay ka joogtay cabsi gelinta joogtada ah ee kaga imaaneysay Qadar sidoo kale Yaasmiina marna ma ogoleyn in Falis ay gacanta Qadar sababsado waana tan ay xilli kasta u kale qariso.

 

Falis marna ma dooneynin in sidaan oo dhan nolosheeda loo xukuno waxayna caawa la balansan tahay wiilka ay habeenadaan sheeko wadaagi yihiin ee Yaasiin oo Casho ku casuumay sidii ay ku bixi laheyd waa mid ku adag qofta kaliya ee saacidi kartay waxa ay aheyd Yaasmiin waxayna ku tiri.

 

Falis:

Qofyey I maqal aniga caawa waxaa casha igu casuumay Yaasiin oo aan rabaa in aan raaco

 

Yaasmiin oo yaab ka soo haray ayaa tiri

 

Yaasmiin:

Falisay xawaarahaan aad ku socodo waxaan ku dhihi lahaa iska yarey waxa aad rabtana waa waxaan noqon Karin lugahaan kugu yaal haddii aad mudo ku sii socon karto adiga ha soo gababeyn cimrigooda yuusan Qadar ku jajabin ee iska ilow cashada aad ka hadleyso.

 

Falis:

Side baad u hadleysaa Yaasmiin miyaadan ogeyn in aan nafteyda aniga leeyahay go’aankeeda isla markaana aan xaq u yeelahay in aan  xulasho u sameeyo, Qadar iyo qeyrkiisana hamigayna marnaba ma hor istaagi karaan.

 

Yaasmiin:

Waxba ciyaal ha iska dhigin waad ogtahay in aan marnaba na loo diideynin in cid kasta ay daaradeena noogu imaan karto marka Yaasiinka baas ee ku waalayo u sheeg xaafada ha kugu yimaado.

 

Falis:

Fiiri Yaasmiin cashada waa mid asxaab badan ka soo qeyb geleyso isla markaana xiriirkeena bud-dhig loogu sameynayo ma fahamtay waxa aan kaa rabana waxa ay tahay in aad I daboosho inta aan maqan nahay.

 

Yaasmiin:

Ma kula tahay in aan Qadar kaa qarin karo waad ogtahay inuu qolka soo galayo marka sideen kuu dabooli karaa

 

Falis:

Xaafada Fartuun ayaan tageynaa waxaana u sheegeynaa in Fartuun ay xanuunsan tahay mana soo daahayo ilaa aan kaaga imaadana halkaas ayaan joogeysaa kadib waan iska soo raaceynaa.

Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 2aad Jowhar.com

Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 2aad Jowhar.com

Yaasmiin:

Walaahi waan cabsanayaa Fartuun ma la hadashay iyada

 

Falis:

Haa fiimka waan ka dhaadhiciyey waana ila fahmtay ee adiga cabsida iska saar

 

Yaasmiin:

Armaan na lagu fahmaa

 

Falis:

Cidna nama fahmeyso ee adiga xilli hore is diyaari hooyana aniga ayaa ku leh Fartuun ayaan aadeynaa oo xanuunsan

 

Yaasmiin iyada oo leh ILAAHAYOW CEEBTEENA ASTUR ayay sii baxday oo maalintaa howsha guriga ay lahayd ayay ku dhaqaaqaday

Wax walba sidii la rabay ayay u socdeen Hooyo Maryan waa ay ka ogolaaday hablaheeda in ay Fartuun oo walaasheed dhashay isla markaana dhowr bilood ka hor la guursaday ay aadeen maadaama loo sheegay in ay xanuunsan tahay wallow iyada laf ahaanteeda ay hore u maqashay in ay uur leedahay oo walac la xanuunsaneyso Falis waxaad mooday in ay wax walba u hagaagayaan markii salaadii Maqrib ay guriga Fartuun ku tukaday ayaa waxaa u yimid Yaasiin oo baabuur wada markii uu telka ka soo wacay ayay walaasheed Yaasmiin ku tiri.

 

Falis:

Yaassiin waa uu yimid ee Teelka ma qaadanayo ee hoo adiga haay

 

Yaasmiin:

Ilama wanaagsana in aad ka tagto wax kasta ayaa dhici kara qaado

 

Falis:

Haye cabsida iska saar xilli hore ayaan soo laabanaa

 

Yaasmiin:

Haye ee is ogow adiga

 

Falis markii ay Yaasmiin sidaa tiri ayay inta ay dib u laabatay labada dhaban ka dhunkaday ayay tiri

 

Falis:

Waxaad ka cabsado ma jirto macaanto Yaasiin waa wiil fiican mana I xumeynayo

 

Yaasmiin:

Sida aad daacad ugu tahay illaahay isagana ha ka yeelo

 

Falis iyada oo sii qosleysa ayay baxday oo halkii ka raacday baabuur uu Yaasiin waday waxaa baabuurka lagu sii baray saaxiibkiis Nuuradiin iyo lamaantiisa oo iyada cashada lagu casuumay markiiba waxaa afka la saaray halkii xeebta Liido oo habeenkaas ay ka shidneyd oo loo doortay in ay tahay meesha loogu soo gundhigi doono xiriirka curdan ah ee Yaasiin iyo Falis.

 

Markii la yimid meeshii loo socday ayaa durbadiiba qeybta sare ee Baarka loo gudbay waana halka miiskooda uu ka carbuunsanaa markii la fadhiistay ayaa la keenay cabitaan waxaana markiiba sheekada furay Yaasiin oo yiri.

 

Yaasiin:

Waxay caawa ahaan doontaa habeen xasuus ah oo wax badan qalbiyadeea ku jiri doonto waa habeen aan buddhig u sameyneyno jaceylka curdanka ah ee aniga iyo lamaantii nafteyda Falis aan salka u dhignay kaas oo aan ugu gol leenahay in Libintiisa bahweynta mucaashiqiinta aan la wadaagi doono haye Falis.

 

Falis:

Maasha allah waa sidaas macaane, caawa habeen qaas ayay xasuusteena u noqon doontaa sidoo kale saxiibadeena Nuuradiin iyo lamaantiisa Leylana waxa ay caawa madashaan ka ahaan doonaan marqaatiyaal noo marag furo guusha aad caawa u talaab qaadnay.

Mar kaliya ayaa bakeeriyaashii cabitaanka ugu jiray inta ay isku dhufteen ayaa farxad loo rajeeyey Lamaanahaan caawa xaflada gaaban qabay markiiba cashadii ayaa la dalbay oo la keenay inta cashada cunisteeda ayaa lagu jiray mid walba mataantiisa cuntada afka u gelinaayay o farxada lagu wada gudoomaayey.

 

Markii cashadii cunisteeda la dhameeyey oo alaabtii geegeeyaha qaaday ayaa Falis warkii qadatay oo tiri

 

Falis:

Runtii caawa si qaas ayay farxad igu tahay mar hadaan midkaan xushay ee ay nafteyda la dhacday qacdii ugu horeysay ee ay aragtay inuu nolosha ila fahmay isla markaana xiriir salkiisa adag yahay aan caawa halkaan u dhigeyno waa igu weyn walaahi.

 

Yaasiin:

Noloshaan u socono ee kalsoonida ku saleysan marnaba ma ahaan doonto mid nacabka u nugul waa balan macaanto in nolosha aan farxad ku wada qaadano.

 

Nuuradiin:

Aniga iyo mataanteydana waxaan marag ka nahay wacadkaan aad caawa wada dhigateen haye macaanto

 

Leylo:

Waa sidaas illaahay kuwii ku guuleysta ha idiinka yeelo

 

Mar kaliya ayaa la wada yiri aamiinnn

 

Sheeko labo labo ah ayaa la galay in cabaar ah ayay lamaane kasta geestooda sheeko ugu camirteen iyadoo cid kasta ay doneysay in ay meesha mudo sii joogto ayaa Falis ka cudur daaratay una sheegtay gacaliyaheeda in ay sii joogi Karin qasabna ay tahay in ay xaafada ku laabato sidii ayaana lagu soo baxay iyada balamo la dhigtay sidoo kalana la isku raacay in la joogteeyo cashooyinka noocaan ah Falis waxaa la keenay xaafadii ay ka baxday oo ah halkii ay ku sugeysay Yaasmiin oo iyada cabsi xoogan ku jirtay cidii irida soo garaacdana Falis mooda.

Libin Jaceyl waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah. Penned by Hali Hassan (XAALKOOS) Mail: xaalkoos@hotmail.com/   Libin Jaceyl belongs to jowhar.com   copyright Jowharcom@gmail.com
Like it? Share it!