Doorashada Norway iyo Danta Soomaalida! (Ma dowgii hore mise mid ka duwan?)

by A M | Wednesday, Aug 23, 2017 | 485 views

Dalka Norway waxaa ku soo fool-leh doorasho madaxtinimo oo ay xisbiyada siyaasaddu u loolamayaan sidii ay codadka bulshada ugu kala guuleysan lahaayeen. Dadka loolanka adag ku jira waxaa ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida, kuwaas oo xusul-duub ugu jira in ay helaan codadka dadka Soomaaliyeed, si ay taas ugu suurtageliso in iyaga iyo xisbiyadooduba ay helaan codad u horseedi karo guul ay doorashada ka soo hooyaan. Bulshada Soomaaliyeed ayaa -si la mid ah bulshooyinka kale ee Norway, waxa ay ku jiraan diyaar-garow xoog leh oo ku wajahan doorashada iyo sidii saameyn loogu yeelan lahaa natiijadeeda. Waxa ay tan imaanaysaa iyada oo ay Soomaalidu sannadihii la soo dhaafay, gaar ahaan 4tii sano ee uu xisbiyada hadda talada haayo dalka maamulayay, la tiicayeen cadaadis-siyaasadeed ka soo wajahay xaga xisbiyad, si gaar ahna waxaa xusid mudan go’aannadii sharciyada loogala noqday dad Soomaaliyeed oo Norway ku noolaa.

Qormadan waxa ay ka warbixineysaa aragtiyaha kala duwan ee Soomaalida Norway ka qabto qaabka u diyaar-garowga doorashada, in ay bulshadu u diyaarsan tahay wax-ku-darsiga isbeddel lagu sameeyo hoggaanka dalka, iyo in ay weli u kala qaybsan tahay sidii ay markii hore u ahayd, taas oo sabab u ahayd in afartii sano ee la soo dhaafay iyo wixii ka horreeyayba ay Soomaalidu dhibbanayaal u noqdaan go’aannada ay xisbiyada siyaasaddu gaaraan, maadaama ay ahaayeen kuwa aan lahayn cod mideysan oo ay danahooda siyaasadeed iyo tooda nololeedba ku doonaan.

Soomaalidu waxa ay waqti badan la daalaa-dhacaysay  midnimo-xumo iyo qabyaalad ragaadisay masiirka Jaaliyadda dalkaas ku nool. Waxa ay dad badan oo aqoonyahan iyo waxgarad Soomaliyeedba leh is-tusaaleysiiyeen in arrinkaan uu sababay midnimo-la’aan iyo isafgaran-waa ka dhex jiray Jaaliyadda Soomaaliyeed gudaheeda.

Dhacdooyin badan oo culeys ku noqday Soomaalida, ayaa waxa ay dhaliyeen fursado muhiim ah oo ay dadku ku billaabeen in ay hoos u eegaan xiriirka ka dhex jira bulshada, waxaana billowday midnimo-doon oo ay hoggaaminayeen Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo ku kala jira xisbiyada wadanka qeybta loo yaqaan ‘Garabka bidix’; sida xisbiga  loogu badan yahay ee shaqaalaha “AP”, iyo xisbi-bulsheedka garabka bidix “SV”, kuwaas oo hadda Baarlamaanka ku matala Mucaaradka,, iyo Ururro-bulsheed Soomaaliyeed oo kala ujeedo duwan. Siyaasiyiintaasu waxa ay wax badan u kala loolami jireen inay helaan codadka Jaaliyadda, taas oo u ahayd midda kaliya ee ay miisaan kaga dhex yeelan karaan xisbiyada markaas ay  sheeganayan in ay u metalaan jaaliyadda dhinaca Siyaasadda.

Siyaasiyinta Soomaalidu ma aysan laheyn wadashaqeyn guud iyo mid gaar ah, iyaga iyo bulshada ay matalaanna waxa ay  is arki jireen waqtiga doorashada soo dhowaato, waana sababta loo tiirinaayo in ay Soomaalidu wax badan kaga qaribmeen la-jaan-qaadidda siyaasadda waddanka. Haddaba, su’aashu waxa ay tahay: hab-dhaqankaas ay bulshada Soomaalidu ku wajahaysay siyaasadda dalka, iyo doorashooyinkaba, ma sideedii ayaa ay weli u socotaa, mise waxaa jira baraarug iyo aragti-dheeri ay bulshadu ku eegayso mustaqbalka siyaasadda ee dalka, iyo kaalinta ay iyagu ka qaadan karaan?

Soomaalida waa dadka lagu tiriyo dabaqadda hoose ee nolosha dalka Norway. Xisbiga ‘AP’ waxa ay illaa waqti dheerba Soomaalidu u arkayeen xisbi ay ka dhex arki karaan baahidooda nololeed iyo dabaqadda ay kaga jiraan bulshada dalka ku nool. Waxay ay codkooda si hagar-la,aan ah u siin jireen xisbigaas. Waxaana aad loogu xasuustaa doorashadii degaanka ee ugu dambeysay 2015, oo Soomalidii ugu badnayd ee abid codeysa ay ka-qeybgaleen, taas oo ay Soomaalidu codkooda si xoog leh u siiyeen xisbiga ‘AP’, taas oo xisbiga u horseedday guul-siyaasadeed xoog leh oo ay kula wareegeen talada magaalooyin waaweyn oo ay ka mid yihiin Oslo iyo Bergan, kuwaas oo ay ka-talintooda xisbiga ugu dambeysay tobannaan sano.

Waxaa isweyddiin leh; sidii ay Soomaalidu ugu listay xisbga ‘AP’, si la eg xisbigu ma ugu hambeeyay bulshada Soomaaliyeed? Si aan isu dultaagno arrintaasna, waxa aan xusayaa saddex dhacdo oo aad muhiim u ah oo ay ku kaceen siyaasiyiinta xisbiga, waana dhacdooyin ay Soomaalidu u arkeen kuwa halis ku ah danahooda:

(a). 03-dii Diseember, 2015 ayaa ku-xigeenka xisbiga AP Hadia Tajik ku dhawaaqday u-ololeynta in la mamnuuco xijaabka loo xiro gabdhaha yaryar ee muslimiinta ee dhigta dugsiyada hoose, iyada oo ku doodday in xirashada xijaabku uu dhiirrigelin karo in dumar ahaan loo damco gabdhaha yaryar, ama waxa ay ugu magac-dartay ‘sexualisering”. Waxayna arrintaas lama-filaan ku noqotay muslimiinta, gaar ahaan Soomaalida oo xijaabka aad ugu ababiya carruurtooda gabdhaha ah. *

(b). 15-kii May, 2017, ayaa  Jan Bohler oo asigana ah xubin ka tirsan xisbiga ‘AP’, ahna xubin Baarlamaanka ku metela xisbiga, waxa uu sheegay in ciyaalka soo koraaya  Soomalida ay macaamiil ka noqo doonaan xafiisyada cayrta iyo caawinta ee loo yaqaan ‘Nav’, isaga oo taas u sababeeyey in dugsiyada Quraanka ee Soomalidu ay ilmahooda geystaan ay caqabad ku yihiin horumarka waxbarasho iyo luuqadeed ee caruurtaas, Soomaalidana ay aad ugu tiirsanyihiin in dugsiyadaas oo ay ilmahooda Qur’aanka ku baraan. *

 

(c). Xisbiga AP ayaa aad uga gaabsaday xaaladda cakiran ee Soomalida soo wajahday, ka dib markii dhalashoyinka iyo sharciyadii yaryaraa ee ay haysteen laga qaatay, iyada oo arrinkaas uu aha mid qowmiyadda lagu bartilmaamdsaday. Waxa ay Soomaalidu sugayeen in ‘AP’ oo xisbiga mucaaradka ugu weyn ah uu dadaal badan ka gali doono sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadaas. Taas beddelkeedase, AP waxa uu noqday xisbigii ugu dambeyey oo ka horyimaada arrintaas. Waxa ay tan caddeysay  in Soomaalidu codkeeda meel cidla ah ay ku shubto iyaga oo ka cararayo in xisbiyada garabka midig ay talada sii hayaan. Waana mida hadda aan u ololeyneyno.  Waxaan u maleynayaa in xisbiga AP uusan Soomalida sida ay ugu liseen uusan ugu hambeyn. In isla xisbiga weli loo sii ololeeyana waa ka-fiirsasho-la’aan iyo in aan la eegayn danta bulshada Soomaaliyeed.

 

Waxaan ka afeefanayaa in qormadan aan loo arkin mid ka soo horjeedda xisbiyada qaarkood, ama  kala dhantaaleyso Midnimada kumeelgaarka ah oo ay Soomaalidu maanta heysato, taas oo ka timid -sida muuqato- cadaadiska la gala kulmay dowladda hada jirto. Waa gaar qofkii muhiim u arka in la sii wado u-codeynta xisbiyada garabka ‘Bidix’; sida xisbiyada AP iyo SV, waxa aanse shaki ku jirin in codadkeennu ay ku socdaan meel cidlo ah, oo aanay jirin wax beddel ah oo aan ku helayno. Sidaas darteedna, waxa aan dhiirrigelinayaa in bulshada Soomaalidu ay yeeshaan cod mid ah oo ay kula gorgortamaan xisbiga ay u codeynayaan, si aan u noqono bulsho iyagu doorta cidda u adeegaysa xaqiijinta mustaqbal siyaasadeed iyo mid bulsheed horumarsan oo ay Soomaalidu ka helaan dalka Norway.

Soo-jeedinta xalka

Anigu xaggeyga, xalka waxa aan u arkaa in aan lagu sii jiri karin iinaan ahaanno dad aanan laheyn hadaf nololeed. Waxaa hubaal ah in waddankaan aan sii joogi doono 4 sano oo soo socoto iyo ka badan. Soomalidu waxa ay tiraahdaaa “Buur ahoow ama Buur ku tiirsanoow”. Wixii dhacay way dhaceen, waxaase hadda loo baahan yahay in aan ka tashanno doorashada ku xigta tan hadda dhacaysa, si aan ugu diyaargarowno gaarista go’aan saxan oo waxtar u leh nolosha bulshadeenna Soomaaliyeed ee Norway.

Si gaar ah waxa aan talooyin ugu soo jeedinayaa hormuudka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Norway, gaar ahaan kuwa soo socda:

  1. Waxgaradka:

Waxa aan soo jeedinayaa in magaalo kasta ay soo xulato waxgarad iyo aqoonyahan fahmi kara wadciga, ka dibna la yeesho kulamo qaas ah iyo kuwa guud, si loo dhiso guddiyo u gogol-xaara kaalin wax-ku-ool ah oo ay Soomaalidu ku yeeshaan doorashooyinka soo socda; sida doorashooyinka deegaanka ee dhacaya 2019-ka. iyo kaalinta ay Soomaalidu ku yeelan doonaan. Guddiyada la soo xulayo, waxa ay diyaarinayaan baahiyaha guud ee bulshada Soomaalida, si ay uga dhigtaan ajandooyin ay la hortagaan oo ugula gorgortamaan  xisbiyada siyaasadda iyo siyaasiyiinta Soomaalida ee codadka doonaya. Waxaa taas sii dheer in kulamada wada-tashiga ah ee ay guddiyada la soo xulayo yeelanayaan, laga ilaaliyo in ay saamayn ku yeeshaan siyaasiyiinta Soomaaliyed ee xisbiyada ka tirsan, maxaa yeelay ujeedka iyo bartilmaameedka guud ayay marin-habaabin karaan. Waa in la helaa guddi ka madaxbanaan siyaasadda oo arrkinkaas u fadhiista, siyaasina aan lagu casuumin kulamadaas, maxaa yeelay waa in siyaasiga Soomaliga la-xisaabtanka isaga laga billaabaa. Waxgaradkana waxa aan rajeynaa in uu wax ka beddelo dhaqanka danaysiga ku dhisan ee curyaamiyay nidaamka dowladeed ee Soomaaliya.

  1. Ururrada Bulshada

Ururrada bulshada ee magaca Soomaaliyeed xambaarsan waa in ay xaalka ka baddalaan sida ay hadda ku wadaan, taas oo ah u kala-ololeynta siyaasiyiinta guud ahaan iyo gaar ahaan, ayna noqdaan ururro ka tarjuma baahida ummadda iyo toodaba. Waxa ay taas saacideysaa in meel looga so jeesto siyaasiga codka qaata sannad kasta, ka dibna aan dib loo arkin illaa ay doorasho dambe ka imaaneyso. Hogaamiyeyaasha ururrada, waxa aan dhihi lahaa “awalbaa midnimo la idinka waayay e, waxaa habboonaan lahayd ina aad kala-duwanaanshihiina hadafyada aan cilmiga ku dhisneyn ee aad ururradaas ku waddaan aan lagu marin-habaabin masiirka ummadda iyo tiinaba. Dad badan waxa ay u arkaan ururrada wax aan cilmi ku dhisneyn oo ay shaqsiyaad dano qaas ah ku qabsadaan. Dad kalena wax a ay u arkaan ururrada, kuwa aragti-dheer oo waddanka xaalkiisa og. Qolada dambe ayaa tira badan, oo ah dhallinyaro waddanka ku cusub, waaqica aan wax badan kala socon, daacad ah; waxqabad iyo hoggaanna u baahan. Marka, dhallinyaradaas ma mudna in la marin-habaabiyo. Hoggaamiyeyaasha ururrada Soomaaliyed waxa ay ku fiicnaan lahaayeen in ay ka dheeraadaan ficillada lagu eedeeyo mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya qaarkood ee ah u-shaqeynta danahooda iyo marin-habaabinta bulshada. Ma garan karo in ay aqoon-darro waaqica jira ka tahay iyo in ayba si toos ah u marin-habaabinayaan dadka.

  1. Jiilka dambe

Waa in la soo saaro dhallinyaro Soomaaliyeed oo  jiilka labaad ah, kuwaas oo ku dhashay dalka, ama dugsiga hoose ku billaabay, si ay berrito u noqdaan kuwa siyaasadda ku metelaya bulshada Soomaaliyeed, bulshooyinka kale ee waddankanna codad ka heli karo. Dhallinyaradaas waxa ay ka fursad badan yihiin kuwa iyaga oo waaweyn soo galay dalka, oo loo haayo dhaliillo iyo dulduleelo sumcaddooda lagu weerari karo.

 

  1. La-xisaabtanka Siyaasiga

 

Haddiiba aan la hureyn in siyaasi weeynaan ku soo galay waddankaan uu bulshada metelo, waxay ku fiicnaan laheyd in Siyaasiga Soomaliyeed lagu la xisaabtamo in uu xisbigiisa ka soo gado qodobada ugu muhiimsan ee ay Soomalida u baahan tahay in dowlad ahaan iyo Baarlaman ahaan lagu ilaaliyo danahooda la isku afgartay. Haddii aysan siyaasiyiintu danaha Soomaalida ka soo gedi karin, oo uga dhex ololeyn karin xisbiyadooda iyo hay’adaha dowladdaba, waxaa habboon in aanay isku soo sharxin doorashooyinka iyaga oo ku tashanaya codadka Soomaalida. Waxaa muhiim ah in la-xisaabtan dhab ah lala yeesho siyaasiyiinta, oo lagu kala xusho kuwa awoodda u leh in ay bulshada Soomaaliyeed hor keenaan madaxda xisbiyada ay metelayaan, si loo hordhigo danaha Soomaalida, oo xisbigii ka jawaabi karana uu u noqdo midka xaqa u leh kalsoonida iyo codadka Soomaalida.

 

Gunnaanadka qormada, waxa aan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Norway u rejaynayaa in ay helaan midnimo xoog leh, oo ay ku ilaashadaan danahooda guud, si ay wax ula qaybsadaan ummadaha kale ee dalka kula nool.

 

Hashim Ahmed Baari (Hashimkov)

 

Email:hashimbaari84@gmail.com

 

Tix-raacyo:

*  https://www.aftenposten.no/norge/politikk/i/Wq92/Tajik-onsker-hijabforbud-i-barneskolen.

* http://www.tv2.no/a/9128612/

 

Like it? Share it!