Galmudug oo beeniyay hadal ka soo yeeray Jen. Maxamed Nuur Galaal

by A M | Wednesday, Aug 23, 2017 | 6735 views

August 23 (Jowhar)— Maamulka Galmudug ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal maanta ka soo yeeray Jen. Maxamed Nuur Galaal oo ahaa inuu wada hadal ka dhex wado Galmudug iyo Ahlusuna.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan (Messagaway) ayaa sheegay in xalay Jen, Galaal uu xarunta Madaxtooyada ku soo booqday Madaxweyne Xaaf, balse aanay jirin wax wakiil ama damaanad uu ka heysto.

 

“Kulan xalay dhex maray Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Xaaf iyo Jeneraal Galaal, oo ku soo booqday xarunta madaxtooyada, kaddib waxay ka wada hadleen oo jeneraal Galaal la yimid waxyaabihii awal website-yada ku qori jiray oo ah sida uu u arko xal laga gaaro muranka Ahlusuna iyo Galmudug, hase ahaatee Jeneraal Galaal, markii uu ka tagay meesha, wuxuu wareysi siiyay BBC-da isagoo sheeganaya in labada Madaxweynaha uu wada hadal ka dhex wado, taasoo beenisay Ahlusuna in aysan wax wada hadal ah cid uga wakiil aysan jirin, inkastoo aysan magaciisa xigan”ayuu yiri Wasiir Messagaway.

Waxaa uu sheegay in waqtigan xaadirkan uusan Jeneraal Galaal damaanad ka heysan labada dhinac uu sheeganayo inuu dhex dhexaadinayo.

“Jen, Galaal waa oday Soomaaliyeed oo sama jecel, waqti xaadirkan wax damaanad kama heysto labada dhinac oo uu sheeganayo inuu dhex dhexaadinayo, wax alla wixii uu ka hadlay waa aragtidiisa qofnimo”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Galmudug.

Jen. Maxamed Nuur Galaal ayaa wareysi uu siiyay Idaacada BBC-da ku sheegay inuu wada hadal ka dhex wado Ahlusuna iyo Galmudug, isla markaana ay jiraan qodobo lagu heshiiyay oo ah in la mideeyo labada maamul iyo xarumaha ay yeelanayaan maamulka.

Like it? Share it!