Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 3aad

by hanad | Friday, Aug 25, 2017 | 3518 views

Augosti 25 (Jowhar)—Sheeko labo labo ah ayaa la galay in cabaar ah ayay lamaane kasta geestooda sheeko ugu camirteen iyadoo cid kasta ay doneysay in ay meesha mudo sii joogto ayaa Falis ka cudur daaratay una sheegtay gacaliyaheeda in ay sii joogi Karin,

Qasabna ay tahay in ay xaafada ku laabato sidii ayaana lagu soo baxay iyada balamo la dhigtay sidoo kalana la isku raacay in la joogteeyo cashooyinka noocaan ah Falis waxaa la keenay xaafadii ay ka baxday oo ah halkii ay ku sugeysay Yaasmiin oo iyada cabsi xoogan ku jirtay cidii irida soo garaacdana Falis mooda.

Yaasmiin markii ay aragtay Falis oo timid ayay inta ay ku booday ku tiri.

 

Yaasmiin:

Abaayo ma timid oo ma nabad qabtaa.

 

Falis:

Waan ogahay walaal in aad iga welweleyso ma aragtay waa imid waana nabad qabaa cabsida iska saar.

 

Fartuun:

Ma fahmin Falisey cabsida ay Yaasmiin qabtay caawa labo jeer ayaa shah loo shubay iyada aan fiiqsan ayuu mar kasta ka qaboobayey adiga uun ayay kaa fikireysay waa Mahad alle hadaad u timid.

 

Yaasmiin:

Heeeeee Fartuun haka badbadin hee waa xilli xun intaas ayaa cabsida iga keentay

 

Falis:

Aniga Yaasmiin mataanteyda ayay ii tahay si dhab ah waan u jeclahay wana qofta kaliya ee aan u warama marka waa in aan isu walwalnaa

 

Yaasmiin:

Falisey ha fadhiisan walaal waaba mahad haddii aan nala soo wicin ee soo bax

 

Falis:

Side Fartuun maba wareysan bal I sug aan cabaar gabadha u sheekeeyee

 

Yaasmiin:

War sheeko ma rabtee xaajigeeda xataa waa joogaa naa soo bax maalin kale u soo muraad haddii aad doonto

Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 3aad Jowhar.com

Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 3aad

Sidii ayaa lagu soo baxay oo xaafadii lagu yimid habeenkaas labadooda markii ay qolkeeda galeen sheeko ilaa waabarigii ayaa lagu gaaray Falis oo aheyd cida sheekada waday oo habeenkaas mooday in qoorteeda kooro dahab la suray farxada ka muuqato, Yaasmiin waa ku qanacsaneyd farxada walaasheed hadana waxa ay ka cabsi qabtay in xiriirkaan uu dhib kale abuuro oo waalid ay ka soo horjeestaan waxayna aad u cabsi qabtay Qadar oo ay ogeyd inuusan dab yar shideynin isla markaana ay dhalinta xaafada u soo aqbaari doonaan.

 

Falis xiriirkeedii curdan ahaa ayaa ay ku qanacsaneyd meel xaafadooda ka mid ah ayaa uuna ugu imaan jiray Yaasiin oo ay ku wada sheekeysan jireen.

 

Mursal oo ka mid ahaa labada wiil ee xaafada Falis ku cusub isla markaana aad kaga helay Falis oo aheyd cidii ugu horeysay ee uu ka bartay xaafada waxaana xiisahiisa sii labo jibaaray dabeecada furfuran ee ay Falis rabiga ku maneystay waxaana jirtay in galabtii ay xaafadooda ku soo waqti qaadan jirtay walow Mursal uusan marna kala hadlan Falis dareenka ku sii labo jibaarmayo ee uu dareemayo hadana waxa uu ahaa mid uu xilli kasta saaxiibkii uu u sheegi jiray in gabadha uu ka helay qalbigiisa uu la dhacay Adam waxa uu saaxiibkii ku oran jiray hala daahin dareenkaaga ee gabadha u sheego. Mursal mar walba waxa uu la goobayey Falis in waqti ku haboon uu dareenkiisa u sheegto balse yaa u sheega in maalmahaan ay xilli wanaagsan ku jirto oo waa hore nafteeda xulashada la sameysay isla markaana wehelkeeda ay xulatay.

 

Waa galab ka mid ah galabyada ay Falis timaado guriga Mursal iyo saaxiibkiisa degan yihiin waxayna la soo kulantay iyada oo la shaaheynayo markaas ayay tiri.

 

Falis:

Alla maxay sodohdee I jeceshay oo aan imid iyada oo la shaaheynayo

 

Mursal:

Alla waa Falis ma digaa jirta sodoh ku nici karta qof wanaagsan ayaa tahay

 

Falis:

Maaasha allah Mursalow qalbigaa ii dhiseysaa ii waran Adam ii waran maxaad sheegtay

 

Adan:

Waa kuu fiicanahay walaashey beryahaan malagu haayee halkee qabatay

 

Falis:

Waa joogay walaal kolay xaafada kama fogeyn walow arrimo badan ay soo siyaadeen ka warama haddii aan caawa idiin casuumo

 

Mursal:

Casuumad sdee ah

 

Falis:

Wax kala maaha cake faraxadeed ayaan caawa jarayaa idiinkana waxaa ii tihiin asxaabta aan tirsado

Adam isaga oo Mursal fiirinayo ayaa uu yiri.

Adam:

Farxad noocee Falisey

 

Falis:

Waa cake faraxadeed oo aan ugu talagalay in aad ila wadaagtaan maadaama aan wehel nafteyda u yeelay.

 

Mursal kalmadaas markii uu maqlay ayaa qalbiga loo dhaafay koob shaah oo uu haayey ayuu miiska saaray Adam oo aan jecleysan sida uu xaalka yahay ayaa yiri.

 

Adam:

Falisey ma is tiri xilli hore ayaa xeebta gashay miyeysan aheyn inta aadan qalbigaaga dhiibin in aad wax badan barato cida aad ku kalsoonaaneysa.

 

Falis:

Adamow haddii aad arki laheyd Yaasiin shaki maba aadan dareenteen maxaa yeelay daacadnimada waa nin wejiga ku sida

 

Adam:

Xaflada halkee ku qabaneyso

 

Falis:

Xaflad sidaa u sii weyn maaha maadaama uu Yaasiin caawa ii imaanayo ayaan doonayey in aan idiin baro isla markaana aan halkaas cake aan gacanteyda ku diyaariyey ku cuno oo aan farxada ila wadagtaan.

 

Mursal oo tan iyo markii uu kalmadaas maqlay maqanaan ku jirtay maskaxdiisa ayaa la soo booday.

 

Mursal:

Waan ka xun nahay Falisey caawa xafladaas kulama wadaagi karno

 

Falis:

Maxaa jira Mursal miyaan waqtigaaga habeen qura I siin Karin

 

Mursal:

Sidaa maaha waxaan ku soconaa xaflad kale

 

Falis:

Haye balse Adiga iska bax Adam ayaa ila wadaagayo farxada halkaas aan ku bari doonaa nolosheyda Yaasiin waana hubaa maalin in aad baran doonto adigana.

 

Adam oo ka warhaaya in aysan jirin xaflada ay ku socdaan isaga iyo saaxiibkkis ayaa yiri

 

Adam:

Dhib malaha Falisey aniga ayaa kaala qeyb galayo saxiibkayna xaflada kale ayaa uu tagayaa

Falis:

Waa xal wanaagsan haye caawa 7:30 ayaan ku sugayaa Adam haye waan sii baxay nabadey

 

Falis markii ay baxday ayaa Adam saxiibkiis ku yiri

 

Adam:

Mursalow imisaan ku lahaa dareenkaaga sheego waa tan Falis nin kale xulatay

 

Mursal isaga oo aan erey oran ayaa uu qolkiisa galay oo sariirtiisa tagay Adam oo dareemay inuu xilli adag ku jiro ayaa go’aaansaday inuusan wax war ah ku soo qaadin markiibna banaanka ayuu u soo baxay.

Libin Jaceyl waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah. Penned by Hali Hassan (XAALKOOS) Mail: xaalkoos@hotmail.com/   Libin Jaceyl belongs to jowhar.com   copyright Jowharcom@gmail.com
Like it? Share it!