Go’aanka Masuuliyiinta Xukuumadda ee ka dhanka ah adeegsiga Wasiirrada ee warbaahintu waa khalad khalad lagu saxayo.

by A M | Sunday, Aug 27, 2017 | 481 views

Qoraal ka soo baxday xafiiska Raysul wasaare ku xigeenka oo u muuqda mid xukuumaddu uga fal celineyso sidii wasiirrada qaarkood ay uga hadleen dhacdadii 25-kii bishaan ka dhacday deegaanka Bariirre ee goboilka Shabeellaha hoose, taasoo lagu laayay dad rayid ah oo beeraley ah sida dowladdu ugu dambeyntii xaqiijisay ayaa wasiirrada looga mamnnuucay in ay wax xukuumaadda la xiriira uga hadlan qalabka warbaahinta oo dhan iyagoo aan oggolaansho ka heysan xafiiska Raysul-wasaaraha.

Ilaa seddex wasiir oo laga yaabo iney siyaabo kala duwan u khuseyso dhacdada Bariire, kuwaasoo kala ah wasiirka warfaafinta, C/raxmaan Cumar Yariisow, Wasiirka gaashaandhigga Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed iyo wasiirka arrimaha dibadda Yusuf Garaad Cumar ayaa arrintaan durba ka hadlay oo warbaahinta bulshada iyo idaacdaha ku faafiyay iyagoo siyaabo is khilaafsan uga hadlay arrinta, qaarkoodna ay warar is burrinaya ee haddana aan isi saxeyn soo saareen.

Waa iska caddahay in wasiirradu ay si aan munaasab ahayn ay arrin laga yaabo in heerka hadda ay gaartay aaney gaari lahayn ay ugu isticmaaleen warfaafinta, halkaasoo oo dadweynaha iyo cid kasta oo arrintani khuseyso ay ka fahmi karaan sida dowladdu ay ugu jahwareersantahay adeegsiga warbaahinta iyo gaarsaariinta dadweynaha xogta ay u baahanyihiin. Hasa yeeshee hadda yoolkeygu ma ahan inaan ka hadlo khaladaadka wasiirrada ka dhacay ee waxaan doonayaa inaan isla eegno arrintan u muuqata khalad khald ku sax oo ah warqadda xafiiska Raysul-wasaaraha ka soo baxday ee ahayd in “wasiirradu aaney arrimaha xukuumadda uga hadli karin qaybaha kala duwan ee qalabka warbaahinta [oo ay ku jiraan xisaabaadkooda karaka ah oo ay ku leeyihiin warbaahinta ama baraha bulshada]

Dabcan masuuliyiinta xukuumaddu waxay go’aankan u soo saareen iney ka fal celiyaan khaladaadkii la xirriray dhacdada Bariirre iyo kuwa kale oo laga yaabo in tan ay ka sii horreysay oo wasiirradu ku lug yeesheen, laakiin tani ma tahay waddadii saxada ahayd ee lagu sixi lahaa dhibaatada dowladda ka heysata adiigsaiga warbaahinta mise waa khalad khald ku sax?

Dhowrkaan qodob ee hoos ku xusan dartood haddaba waa khalad lagu saxayo ee ma ahan hannaankii saxda ahaa ee loo mari lahaa in xaaladdaan oo kale lagu wajaho, waxaabase aan dhihi karnaa labada khalad kan dambe aya weyn oo horseedi kara khaladaad kale oo aan la maamuli karin.

Khaladaad dastuurka laga galay.

 

  1. Ugu horreyn go’aankani waxaa uu si cad uga hor imaanayaa Dastuurka federaalka ah ee kumeel gaarka ah oo hadda dowladdu ku shaqeyso ayna ahayd iney u hoggaansanto iyo xeerka saxaafadda oo arrintan si gaar ah u khuseeya, sida ku cad qodobka 32aad ee Dastuurka Federaalka ah ee damaanad qaadaya xaqa dadweynuhu ay leeyihiin heist Macluumaadka dowladdu heyso, gaar ahaan faqrooyinka 1aad iyo 2aad oo sidan u qoaran. (1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu helo macluumaadka ay Dawladdu hayso. (2)  Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay helitaanka macluumaadka ay cid kale hayso oo loogu baahan yahay in lagu fuliyo ama lagu ilaaliyo xuquuq kastoo kale oo daw loo leeyahay.

Qodobka 37aad ee xeeraka saxaafadda oo isna ka hadlaya xorriyadda saxafiyiinta, gaar ahaan faqrada 2-aad, oo sheegeysa in wariye kasta ay waajib tahay inuu helo macluumad [oo ay ku jiraan macluumaadka dowoladda] si uu/ay dadweynaha ugu gudbiyo/gudbiso, haddii aaney jirin sabab sharci ah oo u diidaysa baahinta macluumaadkaas yaa go’aankani jabinayaa; waayo xaqii helista macluumaadka ayaa meesha ka baxaya.

Qodobadan dastuuriga ah ee aan xusnay, waxaa ay dowladda qasab uga dhigayaan in ay dadweynaha iyo warbaahinta macluumaadka dowladda la wadaagto. Si kastaba ha ahaatee masuuliyiinta xukuumaddu waxay ku doodi karaan in aanuu ujeedkoodu ahayn in ay dadka ay xogta dowladda u diidayaan am ay ka qariyaan, ee laakiin ay doonayaan in ay macluumaadka maamulaan, oo ay koontaroolaan, si looga fogaado isbarbar yaaca. Dooddaasi haddaba mid sax ah ma ahan, mana u noqon karto difaac qolada ku doodeysa.

  1. Macluumaadka dadweynuhu u baahanyihiin waxaa uu isugu jiraa, mid degdeg ah iyo mid aan degdeg ahyn oo muddo laga sugi karo dowladda. Macluumaadka waxaa ku jira, wararka degdegga ah ee marka ay dhacaan ay tahay in faahfaahin laga helo, dadweynahana waxaa taas masuul uga ah warbaahinta oo ay ka sugayaan iney warka u soo gudbiso marka uu dhacayo ama uu dhacay durba. Sidaa darteed, marka warka la daahiyo oo dadweynaha laga qariyo ama aan xilliga loo baahanyahay lala wadaagin waxaa la jabiyay qodobbada aan xusanay ee Dastuurku sheegayo.

 

  1. Go’aankan, waxaa uu sidoo kale meel uga dhacayaa xuquuqda gaarka ah ee wasiirradu ay mudaawdiniin ahaan u leeyihiin, taas oo dastuurku caddeynayo, sida ku cad qodobka 18aad ee Dastuurka Federaalka ee ku meel gaarka ah oo ka hadlaya xorriyadda ra’yiga iyo afkaarta, faqrooyinkiisa 1aad iyo 2aad oo sidan u qoran (1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu yeesho, soo bandhigo ra’yigiisa iyo in uu doono, inuu helo oo gudbiyo ra’yigiisa, xog ama afkaar si kastaba. (2)  Xorriyatu qoolka waxaa ka mid, xorriyadda hadalka, saxaafadda iyo wax walba oo soo gelaya warbaahinta elektaroonikada iyo internet-ka.

Marka laga soo tago iney wasiirradu warbaahinta la hadlaan iyagoo magaca xukuumadda ku hadlaya ama wasaaradda ay maamulaan, waxa ay xaq u leeyihiin iney aragtidooda gaarka ah ka dhiibtaan arrin taagan ama shaqadooda la xiriirta ama aan la xiriirin, iyo in ay fikad gaar ah ka qaatan waxa socda ka dibna mowqifkooda ka hadlaan. Hasa yeeshee, go’aanka uu soo saaray Raysul-wasaara ku xigeenku, arrinta kalama saarin ee waxyaaba xukuumadda ku saabsan kama hadli karaan ayuu ku soo koobay. Ugu yaraan, waxa ay ahayd inuu ku gaabsado in laga joojiyay faafin rasmi ah oo aan loo oggolaan, laakiin hadalka sidan uu u yiri haddii loo qaato waxaa soo gelaya wixii xitaa ay bogaggooda ku qoraan, marba haddii ay xukuumadda la xiriirto.

 

Khaladaad Farsamo

  1. Arrintani waxa ay xannibeysaa howlaha dowladda ee warfaafineed, waxaa ayna dhiirri galineysaa wararaka been abuurka ah ee marka war sax ah la waayo la sameysto; waayo haddii la yiraahdo wararka xukuumaddu faafineyso oggolaanshohooda waxaa laga sugayaa xafiiska Raysul-wasaaraha, waa iska caddahay waqtiga uu qaadan karo warkaasi, waayo sharciga u diidaya wasiirrada war aan xafiiska Raysul-wasaaruhu soo oggolaan waxaa uu qabanaya sidoo kale masuuliyiinta ka hooseeysa ee iyaga hoos yimaada, sida agaasimayaasha kala duwan, safiiiraada, madaxda ciidamada iyo afhayeennada kala duwan ee wasaaradaha; maxa yeelay kuwaasi waa iney soo maraan habka kala sarreynta oo qof walbaa qofka uu hoos tago uu arrinta la wadaago, kaasina uu la sii wadaago kan ka sii sarreeya ilaa ay xafiiska Raysul-wasaaraha ka gaarto ee laga soo oggolaado ama laga diido. Tusaale ahaan, haddii qarax meel ka dhaco oo afhayeenka wasaaradda amnigu uu warbaahinta inuu la wadago khasaaraha loo baahdo, waa inuu masuuliyiinta ka sarreysa ee wasaaradda la wadaago ka dibna wasiirka wasaaraddu uu la xiriiro xafiiska Raysul wasaaraha, ka dibna oggolaansho la soo siiyo ama loo soo diido, arrintaas oo ugu yaraan maalin qaadan karta ama ka badan, sidaasna waxaa ku micna belay warkii dadweynaha lala wadaagi lahaa, ama qolyo kale ayaa si ka faaiideysi ah dacaayad u faafin kara.

 

  1. Sidoo kale arrintani waa faafreeb lagu sameynayo masuuliyiinta dowladda, waxayna sidoo kale saameyn kartaa warbaahinta dowladda oo loo arko warka ay sheegto hadal rasmi ah oo ah mowqifka dowladda. Dhinaca kale marka la eego, waxaa warqaddani tusineysaa in wasiirrada aan masuuliyaddooda lagu aamini karin waayo qofka lagu aamini waayay masuuliyadda warka uu sheegayo macneheedu waxa ay noqoneysaa inaan sidoo kale lagu kalsoonaan karin go’aamada kale ee isagoo aan la tashi ka sameyn uu qaadan karo, maadaama uu yahay masuul xil sare haya oo ay tahay inuu gaaro go’aamo masiiri ah oo dowladda iyo muwadininiinta saameyn ku leh. Marka mar haddii la faafreebayo warkooda, waxaa loo baahanayaa in ficilladoodana la hubiyo ka hor inta aaney talaabo qaadin, taasina runtii waxay meel ka dhac ku tahay wasiirrada oo ah cidda gaarta go’aannada fulineed ee ugu badan maadaama ay yihiin masuuliyiinta laanta fulinta oo ay adagtahay iney la tashi ka sameeyaan dhamaan howlaha ay fulinayaan.

 

Waddada ay ahyad arrintaan in loo maro iyo xalkeeda

 

  1. Go’aankani waxaa uu u muuqdaa mid deg deg ah oo aan laga fiirsan, lana turxaan bixin, iyadoo lagu soo saaray xaalad kacsanaan ah oo dowladdu ay wajahayso jahwareer warfaafineed oo ay dhalleeceyn kala kulantay. Haddaba si xaalad noocaas ah loo hagaajiyo uma baahna degdeg caadifadeysan ee waxaa ay ahayd in si deggen looga fakaro ka hor inta aan dadweynaha lala wadaagin go’aanka dowladda. Waxa ay ahayd in sidoo kale wasiirrada laftooda laga tala galiyo oo shir loo qabto lagana doodo arrintaan muhiimka ah, taasina ma dhicin sida aan xogta ku heynno ee qaarkood ama intooda badan dadweynuhu markey ogaadeen ayey iyaguna ogaadeen.

 

  1. Haddiiba lagu qasbanaaday in go’ankaan la gaaro, habka loo maray marnaba sax ma ahayn; waayo waa arrin farsamo oo aan baahi loo qabin in dadweynaha lala wadaago. Wasiirada inta loo yeero ayaa loo sheegi karay iyadoo waliba arrintan la isla lafa guray oo xitaa laga codsanayo xuquuqdooda gaarka ah iney danta guud darteed uga tanaasulaan si jahwareerkan looga gudbo. Waxaa kaloo la awooday in xeerarka gaarka ah ee golaha wasiirrada lagu qoro arrinta, ama iimeel lagula wadaago ee marna looma baahneyn in wasiirrada dadweynaha hortooda lagu edbiyo iyadoo aan loo baahan arrinkaas.

 

  1. Xukuumaddu si ay u koontarooshu wararka ay faafineyso waxay aheed in marka wax weyn dhacaan wasiirradu ay isugu yimaadaan kulan aan caadi ahayn oo degdeg ah ka dibna halkaas lagu siiqeeyo qaabka arrinta looga hadlayo ama loo wajahayo, isla markaas waa iney jiraan afhayeenno rasmi ah oo warkoodu uu biyo kama dhibcaan yahay. Haddii wasiirka warfaafintu uu yahay afhayeenka xukuumadda, waxa uu ubaahanyahy inuu la xiriiro wasaaradda ama jihada warkaasi khuseeyo oo ka dibna uu mowqfika rasmiga ah ee dowladda la wadaago dadweynaha. Tusaale ahaan, dhacdadii Bariirre khaladkeedu ma ahayn in cid aaney khuseyni ay ka hadashay ee khaladkeedu waxaa uu ahaa in iyadoo aan xog la helin la degdegay oo xitaa taliska ciidanka milatariga la baal maray. Marka khaldkaas oo kale waxa ay ahayd in si gaar ah loogula xisaabtamo wasiirradii ku lug lahaa ee looma baahna in si khaladkaas loo saxo khalad Dastuuri ah oo aan laga fiirsan la galo.

 

  1. Xukuumaddu si ay koontraoosho macluumaadka ay la wadaageyso dadweynaha gaar ahaan kan baraha bulshada oo malaha ah kan ugu faafi og, ayna uga fogaato iney ku xad-gudubto xaqa gaarka ah ee wasaiirrada, waxa ay awooddaa iney si fudud dadweynaha ugu sheegto in wararka lagu qoro bogagga gaarka ah ee masuuliyiinta dowladdu aaney ka tarjumenin mowqifka dowladda ee rasmiga ah. Marka wasiirkii waxa khalad sheega isaga ayaa dadweynuhu eedeynayaan ee dowladdu beri ayey ka noqneysaa.

 

  1. Ugu dambeyn, xukuumaddu waxay u baahantahay iney go’aamadeeda iyo tilaabooyinkeeda ay si taxaddar leh u maamusho ee aaney deg degdegta tirade badan ee lagu eedeynayo go’aamo masiiri ah ku gaarin. Mar walba dhaliisha soo laablaabata ee dadweynuhu waa mid wax dhiseysa oo ay tahay in xukuumaddu casharro ka barato.

Details:

Cabdiqaasim Macalim Axmed

Saxafi/Falanqeeye
Twitter: @Abdikasimmoalim
Facebook: Abdikasim Moalim

 

Like it? Share it!