Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 4aad

by hanad | Friday, Sep 1, 2017 | 3965 views

September 01 (Jowhar)— Mursal naftiisa ayaa uu hiifay oo eeda isa saaray in cabaar ah wax badan naftiisa ka dhaadhiciyey in Falis ay u deyso cida ay xulatay oo ay farxadeeda kula farxo ileyn waa naf wax jeclaatay taa waa ay ka dhaadhici weyday bal aan aragno sida uu u wajaho jaceylkiisaan arxanka loo heyn.

 

Inta uu Mursal dhibaatada jaceyl la daalaa dhacayo Falis waxa ay ku jirtay farxad mar haddii midkii ay xulatay la xadreyso waxayna ku kulmi jireen xaafada ina habreedeeda Fartuun oo ay aaminsaneyn in halkaas uu yahay meesha kaliya ee ay kaga badbaadi karto walaalkeed Qadar oo iyada si gaar u daba socday.

 

Mursal habeenkii sida caadada ayaa uu soo fadhiisan banaanka guriga Falis oo inta badan la isugu imaan jiray waa uu ogaa in Falis uusan heleynin balse waxa uuna naftiisa ku samirsiin jiray in ay dheehato oo kaliya cida ay xulatay,

Yaasmiin ayaa aheyd cida kaliya uu halkaas kula kulmi jiray Falis waxa ay ku mashquulsaneyn qancinta saxiibkeed Yaasiin oo habeenadaan kulankooda joogto ahaa.

Mursal waxaad mooday inuu rajada naaawilaayo kama raaga inuu habeenkii tago illinka guriga Falis waxa uuna caawa ay meel wada fadhiyaan Yaasmiin kaligeed iyadoo hablihii kale ee goobta imaan jiray aysan caawa imaan sidoo kalana Adam waxa uu jiray asxaab kale oo uu habeenkaa la soo casheynayaa Mursal iyo Yaasmiin oo aan ereyna is oraneynin oo in ay isa salaameen oo kaliya ereyba iu dhaafsaday isla markaana aamusnaantaas ku jira ayaa Falis oo buubeysa u timid markii ay goobta timid ayay walaasheed ku tiri.

Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 4aad jowhar.com

Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 4aad jowhar.com

 

Falis:

Yaasmiiney yaa kula fadhiya

 

Yaasmiin:

Waad soo dahday waa Mursal oo laf ahaantiisa ku cabaaray halkaan

 

Falis:

Waaw Mursal ii waran aboowe haddii lagu arko

 

Mursal:

Aniga maaha cida la waayey ee waa adiga haye Yaasmiiney immisa habeen ayaan halkaan kugu imid

 

Yaasmiin:

Tiro malaha taa

 

Falis:

Waa runtaa aniga waaye cida dabeysha la heysa oo la la yahay Aadam aaway

 

Mursal:

Walaahi asxaab ayaa uu jiraa cida aan asxaab magaaladaan ku laheyn waa aniga

 

Falis:

Sidaa ha dhihin sow annaga kuma joogno

 

Mursal:

Adiga horta dhulka soo deg Falisey

 

Falis:

Waxba ha ila yaabin Mursalow waxaan ku jiraa jaceylkii igu horeeyey koolkoolin ayaan ku jiraa laakiin dhib malaha Yaasmiin ayaa joogto oo aad u imaan kareyso xilli kasta.

 

Mursal:

Illaahay ha kuu saqiro waan sii baxayaa habeen wanaagsan

 

Mar qura ayay Yaasmiin iyo Falis ay wada yiraahdeen Wanaagsan markii uu dhaqaaqay ayay Falis ku tiri Yaasmiin

 

Falis:

Habeen kasta miyuu imaan jiray

 

Yaasmiin:

Haa walaahi waa wiil aan war badneyd Adam habeenkii uu la socdo ayaa uuba roon yahay oo mar mar sheekada wax ku soo darsadaa

Falis:

Waan ogahay waa wiil degan oo af gaaban Qadar ma yimid

 

Yaasmiin:

Maya weli ma uusan imaan

 

Falis:

Haye waa war fiican waan galaynaa waa uu soo dhow yahay

Sidii ayay ku caroodeen oo cid kasta danaheeda gaarka qabsaday kadib qolkii ay jiifsanayey ayaya sheeko ku camirteen Falis waxa ay ahayd qof ku faraxsan dooqeeda uma arkaysay Yaasiin inuu yahay shaqsi ku haboon oo iyada nolol siin kara.

 

Yaasiin waa wiil la nool waalidkiisa oo nolol dhexe ku jira waxa uuna yahay wiil xarago iyo lebis badan waana mida uu ku soo jiitay Falis oo xaragadiisa u aheyd ilbaxnimo heerkeeda sareysa.

 

Mursal murugta adduunka ayaa madaxa loo saaray nafta yare e ku jirta waa ay ka diiday in ay quusato oo ay aaminto in naftii ay la heysay ee ay cid kale ay yeelatay kama daala in uu habeen kasta uu tiigsado halkii uu ku arki lahaa  oo ay mar walba Yaasmiin la kulmi jiray oo iyada mar kasta sheeko mashquulka maskaxdiisa ku furfuri jirtay waxayna noqdeen labo ruux oo si weyn u sheekeysta.

 

Falis waxay heysatay fursad ay mudo ku maqnaan karto habeenadaan maadaama uu walaalkeed Qadar uu ku maqan yahay Nayroobi oo aabahiis u diray maadaama halkaas ay ku leeyihiin ganacsi weyn walow uusan wax badan maqnaan doonin haddaba mudada usbuuca uu maqnaanayo waxay u aheyd dariishad yar oo leer ka qaadaneyso.

Libin Jaceyl waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah. Penned by Hali Hassan (XAALKOOS) Mail: xaalkoos@hotmail.com/   Libin Jaceyl belongs to jowhar.com   copyright Jowharcom@gmail.com
Like it? Share it!