Ciyaarta finalka tartanka degmooyinka gobolka Banaadir oo lagu wado in xilli habeen ah la ciyaaro

by mahad | Thursday, Sep 7, 2017 | 2846 views

September 07 (Jowhar)—Maamulka Isboortiga gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay in uu baaqday kulankii Finalka oo ay wada ciyaari lahaayeen degmooyinka Hodan iyo Waabari.

Finalka ayaa loo qorsheeyay in uu dhaco xilli habeen iyadoo dib loo dhigey in habeen dambe la ciyaaro kulanka finalka kadib markii iftiinka garoonka la saluugay.

Si kasta ha ahaatee ciyaarta Finalka ayaa la ciyaari doonaa habeen dambe sida uu xaqiijiyay Xasan Wiish oo ah guddoomiyaha Isboortiga gobolka Banaadir.

Waa markii ugu horeysay muddo kabadan labaatan sano xilli habeen ah lagu ciyaaro garoonka kubbada cagta ee Koonis Stadium.

Hase yeeshee magaalada Muqdisho iyo magaalooyin badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah ayaa garoomo yaryar lagu ciyaaraa xilliyada habeenkii ah.

Like it? Share it!