Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 5aad

by hanad | Friday, Sep 8, 2017 | 2939 views

September 8 (Jowhar)—Waa xilli habeen ah Yaasmiin waxa ay ku jirtaa qolkeeda iyada howshii ay habeenkaas laheyd waa ay soo qadintay Falis oo mar kasta aheyd qofta howsha ay la taalo ayaa daashka guriga keligeed hadba dhinac u socotay Yaasmiin oo saacidi jirtay caawa,

iyada ayaaba moodaa in si uun loo haayo sariirteeda ayaa ay iska jiiftay waxaana mudo kadib u soo gashay Falis oo illaah u soo fududeeyey nadiifiintii ay habeenkaa laheyd markii ay soo gashay ayay sariirteeda isku tuurtay oo ay ku tiri.

 

Falis:

Yaaska waa kula yaaban nahay waa ogtahay in alaab dhaqid aan ka helin sowtu I caawin jirtay caawa maxaad iga soo xarootay

 

Yaasmiin:

Waxaan rabaa in walaashey ay noqoto gabar gurigeeda ku filan

 

Falis:

Waa runtaa haddii la ii guursado yaa ii dhaqayo waa in aan bartaa mahadsanid walaashayda qaaliga ah

 

In cabaar ah ayaa la kala aamusay falis ayaa tiri

 

Falis:

Yaaska caawa waad aamusan tahay miyaad huruday

 

Yaasmiin markiiba inta ay soo istaagtay ayay sariirtii ay jiiftay Falis la kortay oo gadaal ka martay isla markaana isku duubtay Falis oo yaaban ayaa tiri

Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 5aad Jowhar.com

Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 5aad Jowhar.com

Falis:

Waan fahmayaa mar haddii aad gadaal iga martay arrin ayaa jirta in aad ii sheegto waana xishooneysaa ii sheeg kolay lacag ima warsaneysid adiga ayaa biil haaya oo waad ogtahay adiga ayaa aniga bas raaca iga bixiya mararka qaar ii sheeg abaayo maxaa jira.

 

Yaasmiin oo kari la in ay hadasho ayaa mar kaliya la soo booday ANIGA JACEYL AYAA I HAAYA

Falis oo fudeydka lagu yaqaan ayaa mar kaliya la soo booday

 

Falis:

JACEYL AAAAAAA

 

Yaasmiin oo afka qabataya Falis ayaa ku tiri

 

Yaasmiin:

Naa iga aamus ha I naadin

In cabaar aha ayaa la kala aamusay Yaasmiin markii ay aragtay in ay aamusan tahay Falis ayay ku tiri

 

Yaasmiin:

Naa si hoose u hadal qof ayaa soo jeeda oo daashka dhex socota

 

Falis:

Wax kale maaha la yaab ayay ila tahay in Yaasmiin oo aan wax badan aqaan uu jaceyl galo

 

Yaasmiin:

Kaalay alwaax maan ahay miyaanan dareen laheyn oo aan wax jeclaan Karin waad I dulmineysaa walaahi

 

Falis:

Sidaa kama wado abaayo yuuse yahay wiilka aad ka heshay bal ii sheeg

 

Yaasmiin:

Yuu noqon karaa waa qof aad si fiican u taqaan

 

Falis:

Ma qof aan aqaan yuu noqon karaa Yaasmiiney adiga qofba kuguma arko waxay ila tahay suuqa wiilashada wax ku iibiya horta kan hilibka maaha

 

Yaasmiin:

Kaas waaba nacbadanahay mar kastaaan dagaalnaa

 

Falis:

Haye yuu noqon karaa kan baqaarka miyaa Cabdi yare waa isaga qof kale maaha

 

Yaasmiin:

Cabdi Yare xaas ayaa uu leeyahay isagaaba tiisa heysata oo mataamankii labaad loo dhalay korisna u yaal ma naag kale ayaa uu aadi karaa

 

Falis:

Ii sheeg hee yuu yahay waan ku daalay mana haayo

 

Yaasmiin:

Qof kale maaha meel dheer ha ka raadin waa Mursal cida aan ka helay

 

Falis mar kale ayaa ay inta ay sariirta ka booday ayay qeylo ku dhufatay iyada oo leh Maasha Allaah meel fiican ayaad usha ku tuuratay  

 

Hooyo Maryan oo ah cida weli daashka joogto ayaa inta ay maqashay qeylada Falis albaabka soo garaacday oo tiri

 

Hooyo Maryan:

Naayaa Falis maxaad la qeylineysaa ma Jinn baa ku helay maxay tahay waxa ku haaya

 

Falis:

Maya hooyo waan iska sheekeyneynaa

 

Hooyo Maryan:

Sheekadaa ma aqaanee ee seexda Yaasmiin tani yeysan ku salfan waad ogtahay in beri aabaha ay marti u imaanayaan oo suuqa lagaa rabo in aad xilli hore ka soo dhamaado seexo.

 

Yaasmiin:

Haye hooyo waan seexaneynaa

 

Ilaa ay hooyo Maryan ka dhaqaaqdo ayaa la sugay markii la hubsaday ayay Falis ku soo booday walaasheed kuna tiri

 

Falis:

Maasha Allah meel fiican ayaad abaartay aniga walaahi waan kaa murgaa waana ku faraxsan nahay in aad nolosha la wadaagto Mursal waa wiil fiican waana hubaa inuusan maalin uun ku xumeyn doonin.

 

Yaasmiin:

Mid ha ilaawin walaasheyda fudeydka badan ee qalbi madiifka ah ogow walaashaa jaceylka iyada uun ayaa uu ka kooban yahay xataa ugu yaraan ma sheegan waana awoodi waayey in aan qirto dareenka I lalayo.

 

Falis:

Taasi dhib malaha aniga igu daa

 

Yaasmiin:

Horta gabar armuu saxiib la yahay

 

Falis:

Ma filayo taa in ay meel kortay ka soo qaad ee waxaan ku weydiinayaa aabe yaa beri u imaanayo

 

Yaasmiin:

Ma aqaan qolo Dubey ka imaaneyso in ay yihiin ayaan ogahay

 

Falis:

Ma ogtahay in mar kasta oo Aabe martiqaad asxaabtiisa loo sameynayo in aan cabsi dareemo

 

Yaasmiin:

Waan ogahay laakiin sida aad wax u dareento uma jiraan

 

Falis:

Walaahi ma aqaan waxaan is iraahdaa armey nin kugu mehriyaan Qadar Aabe ayaa uu maskaxda ka heystaa waana hubaa inuu maalin Aabe igu diri doono

 

Yaasmiin:

Adiga oo aan laguu sheegin sidaa ma yeeli doonaan waxba ha cabsan abaayo

 

In cabaar ayaa sheeko la galay kadibna hurdo ayay cid kasta gashay iyada oo lagu balamay in xili hore qadada iyo casriyada la diyaariyo si arrinta Yaasmiin ay Falis soo dedejiso in illaaha qeyrka waafajiyo ayaa la iskugu duceeyey.

Libin Jaceyl waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah. Penned by Hali Hassan (XAALKOOS) Mail: xaalkoos@hotmail.com/   Libin Jaceyl belongs to jowhar.com   copyright Jowharcom@gmail.com
Like it? Share it!