Wariye ku dhaawacmay qaraxii Beledweyne oo geeriyooday

by A M | Wednesday, Sep 13, 2017 | 2448 views

September 13 (Jowhar)— Waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wariye C/llaahi Cismaan Macalin oo u shaqeynayay Telefishinka Jubbaland, kaasoo ku dhaawacmay qaraxii maalmo ka hor ka dhacay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Wariyahan oo dhaawiciisa aad u cuslaa ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho, waxaa la dhigay isbitaalka Recep Tayyib Erdogan Ex Digfeer.

Dhaqaatiirta Isbitaalka ayaa horay u sheegay in dhaawiciisa aan waxba looga qaban karin dalka, isla markaana ay bir ka mid aheyd firirkii qaraxa ay maskaxda ka fariisatay.

Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho, waxaana socda qaban qaabada aaskiisa.

Qaraxii ismiidaaminta ee ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku dhaawacmay wariyeyaal dhowr ah oo ka shaqeynayay Warbaahin kala duwan.

Like it? Share it!