Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 6aad

by hanad | Friday, Sep 15, 2017 | 3555 views

Waa subax Jimco ah saaka Aabe Warsame Nuur waxaa u casuuman asxaab ku dheer oo reer Dubay ahg Subaxaas si wadajir ayay Yaasmiin iyo Falis u wada galeen howshii adkeyd ee subaxaas u taalay iyada midba mida kale garab u noqotay oo qadadii iyo casriyadii si wadajir loo diyaariyey Hooyo Maryan ayaa maalintaa ka yaabaneyd hablahaeeda sida ay wax walba xilli hore u diyaariyeen.

 

Markii ay soo idlaatay casuumadii Aabe Warsame Nuur uu manta xafadiisa ugu sameeyey saxiibo isaga qaali ku ahaa markii ay martidii ay kala baxeen ayay Yaasmiin iyo Falis isku haleen fursad ay iskula hadleen Yaasmiin oo hadalka furtay ayaa tiri.

 

Yaasmiin:

Illaahay ayaa mahad leh oo howsha noo fududeeyey haye maxaa inoo xiga

 

Falis:

Maxaa xiga lahaa waa in aan arrimahaada aan meel saaro isla markaana an Mursal la soo hadlaa waan hubaa inuu kugu farxi doono

 

Yaasmiin:

Alla maxaad qalbi nadiif tahay oo aad qalbigana ii dhiseysaa

 

Falis:

Waxba ha ka cabsan abaayo Mursal ma filaayo inuu ku diidayo maxa yeelay gabadhaas edebta iyo xishoodka isku darsaday ayaa tahay yuu yahay ninka adiga ku diidayo.

 

Yaasmiin:

Inshah allah Qeyr ayay ahaan doontaa

 

Markiiba cid kasta in ay meeratay oo ay dhar badalato ayay ku dhaqaaqaday Falis oo mar kasta cabsi weyn ka qabtay Qadar ayaa in cabar ah guriga isku celisay halka Yaasmiin ay deerka guriga iska fadhiisatay. Falis markii ay ogaaday inuu Qadar baxay ayay soo baxday oo ay markiiba abaartay gurigii Mursal iyo saxiibkii Adam ay deganaayeen oo aan sidaa ugu fogeyn Khadija Yarey oo wiilasha guriga ka nadifiso aya illinka guriga isaga horyimaadeen oo u sheegay in wiilasha ay dhan yihiin  Falis oo furfurnaansho lagu yaqiin ayaa markii ay gudaha gashay oo ay aragtay iyada la wada casriyeynaya ayaa la soo booday.

Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 6aad jowhar.com

Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 6aad Jowjar.com

Falis:

Alla ma mar kale ayaan casriyada ku soo gaatay alla nasiib badniya

 

Mursal oo mar kasta aragtida Falis ku farxa ayaa yiri

Mursal:

Maash Allah soo Gudub Qabow iyo kuleyl maxaad cabeysaa

 

Falis:

Qabow manta ayaan shaqo ku daalay oonkaba igama go’o

 

Mursal:

Xaafada in manta ay si uun u mashquulsaneyn waan dareemayey

 

Falis:

Haa Aabe ayaa asxaabtiisa oo Dubey ka timid casuumayey manta ee adiga xaalkaada ii waran manta waa Jimco waad nasaneysaa

 

Mursal:

Haa balse maxay kugu taalaa waa taa dhamaaday berina la shaqo tagayo

 

Falis:

Maasha Allah shaqada waa midka uu aadanaha uu ku sharfan yahay I waran adiga xaalkaada hoose ka waran

 

Mursal:

Wallaahi waan kuu fiican nahay abaayo adaa soo haray

 

Falis:

Maasha allah mid ma ku su’aalaa Mursalow mudo waan is naqaan hadanaa wax badan kaama aqaan

 

Mursal:

Haa I weydii

 

Falis:

Horta gabar saaxiib ah ma leedahay oo naftaada ay nolosha la wadaagi laheyd ma xulatay

 

Mursal inta uu qoslay ayaa uu yiri

 

Mursal:

Falisey maxaad manta arrintan ku keentay waaba iga yaabineysaa

 

Falis:

Ii sheeg Mursal ma jirtaa

 

Mursal:

Maya

 

Falis:

Hore ma jirtaa gabar aad jeclaatay mise abid wax ma jeclaan adigase ma lagu jeclaatay oo jaceyl gabar ma kula timid

 

Mursal oo si markaan rajo isku gelinayo  ayaa la soo booday

Mursal:

Haa waa jirtaa gabar aan jecllaatay laakiin!

 

Falis:

Laakiin haye

 

Mursal:

Waxaan ogaaday in ay nin kale jeceshay sidaas ayaa ku daayey ileyn waxaan dareemay sida ay ugu faraxsan tahay waan u daayey

 

Falis:

Maasha allah nin wax fahmayo ayaa tahay gabadhii adiga ku hesho waan hubaa in nolosha wax dhibayo aysan la kulmi doonin ileyn adiga ayay ku heysataa

 

Mursal:

Maxaad ku keentay su’aalahaan manta

 

Falis:

Wax kale maaha ee waxaa jirta Mursalow in walaashay Yaasmiin ay kaa heshay oo ay ku jeceshahay isla markaana aysan kuu sheegan jirin waana sababta aan wax badan ku doonayo in aan noloshaada ku ogaado.

 

Mursal af kala tag ayaa ka soo haray Adam oo aan ka fogeyn isla markaana manta oo dhan sheekada la socday ayaa soo dhexgalay oo ku yiri

 

Adam:

Falisey waa ku side qof ilbaxna waa tahay miyeysan wanaagsaneyn in cida jaceylka haayo ay sheegato mida kalana ma is weydiisay in Mursal uu aqbali karo ama uu ka helay ileyn cid kasta dooq u gaar ah ayay leedahay.

 

Falis:

Waa runtaa Adam balse ma qabo in walaashey ay jirto cilad u gaar ah oo lagu qanci karin inta gabari lagu xulan lahaa waa ay leedahay

 

Adam:

Si kasta ilama wanaagsaneyn in aand afhayeen u noqoto Mursal qadarinta uu kuu haayo darteed noloshiisa adiga ha u go’aamin

 

Falis aamusnaan ayaa ka soo haray Mursal oo inta hadalka socday dhulka ku fooraayey ayaa yiri

 

Mursal:

Yaasmiin waa gabar fiican waana hubaa ninkii hela inuu ku qanci doono laakiin dhibtaan iminka qabo ayaan u aqbali Karin in ay nolosheyda jaceyl kale aan ku furo.

 

Falis:

Micnaha jaceylkii hore ayaa weli dareemeysaa

 

Mursal:

Haa maxaa yeelay ma sahlana in jaceylka kugu horeeyey aad si sahlna ku ilaawdo

 

Falis:

Waa runtaa balse Mursalow sidaad adiga u hungowday jaceylka walaasheyna sidaa ha ka dhigin waan hubaa in ay ku iloowsiin doonto

 

Adam:

Falis aniga waxaa ila wanaagsan in aan hadalka intaan aad ku goyso maxaa yeelay Mursal ma karo in xilligaan uu jacleyl sameeyo isagaaba kii hore la taahayo.

 

Falis:

Waa tahay Mursal waan sii baxayaa waana fahmi karaa jaceyl lagu hungoobo dhibta uu leeyahay balse mid ogow in aad tahay shaqsigii ugu horeeyey ee ay walaashey jeceyl u qaado si kasta qeyr ayaan u rajeynayaa.

 

Falis markiiba albaabka ayay abaartay balse Mursal ayaa ku yiri

 

Mursal:

Ma aqaan waxaan ku iraahdo Falisey si kataba waxaan siinayaa fursad intaas oo aan ku ilaawo noloshii hore

 

Falis:

Maasha Allah waad mahadsan tahay Mursal waxba ha ka cabsan waan hubaa waa ay ku cajabi doontaa

 

Mursal:

Balse ha u shegin in aan hore gabar u jeclaa una sheeg in caawa aan u imaan doono

 

Falis oo farxad la duuli rabta ayaa illinka ka baxday Adam oo ka xumaa sida uu arrinka u dhigay saaxiibkiis ayaa markii uu hubsaday in Falis ay baxday ayaa ku yiri saaxiibkiis.

 

Adan:

Mural walaalow maxaad sameysay

 

Mursal:

Maxaan kale oo aan yeeli lahaa Yaasmiin waa gabar fiican

 

Adan:

Laakiin ma jeclid

 

Mursal:

Laakiin iyada ayaa I jecel

 

Adan:

Aniga waan ku fahmayaa Falis ayaa la murugooday markii ay arrinta ay halkaan u timid manta ay ku guuldareystay balse ogow in dhinac aad naftaada jaxiimo geysay tanina ay tahay mid aad weligaa Falis ku heleynin.

 

Mursal:

Waan ogahay laakiin waa naf aan jecelahay waxa ay ila timidna kama diidi karo

 

Adam:

Jaceylow xaal qaado bal dacartaan aad qasataya aan arko sida aad u cabto

Mursal:

Inshah allah qeyr ayay ahaan doontaa

 

Adam isaga oo ka xanaaqsan saaxiibkiis ayaa uu ka baxay guriga Mursal halkiisa ayaa uu iska fadhiyey isaga naftiisa ka dalbay in ay adkeysi la timaado oo waayaha meesha uu dhigay ay aqbasho.

Libin Jaceyl waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah. Penned by Hali Hassan (XAALKOOS) Mail: xaalkoos@hotmail.com/   Libin Jaceyl belongs to jowhar.com   copyright Jowharcom@gmail.com
Like it? Share it!