Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 7aad

by hanad | Friday, Sep 22, 2017 | 3287 views

Falis iyada oo faraxsan ayay Yaasmiin ugu tagtay iyada oo deerka guriga fadhido Yaasmiin markii ay aragtay sida ay Falis u faraxsan tahay markiiba wax wanaagsan ayaya isu sheegtay waxayna soo wada galeen guriga oo ay u sheegtay in ay wax walba ay hagaag ku dhamaadeen,

Isla markaana uu Mursal caawa u imaan doono iyadana ay balan la leedahay Saaxiibkeed xaafada Fartuun sidii ayayna ku baxday Falis oo ay balanateeda ku aaday Yaasmiin oo aad moodo in murugi u soo hooyatay ayaa qolkii ku hartay oo inta ay armaajadii dharka furtay wixii dhar ahaana sariirta soo wada saartay oo marba mid is tusisaa inuu ku haboon yahay.

Hadana waa ay ka noqotaa oo mid kale ayaa la qurxoonaado iyada oo sidii ku jirta ayaa saaxiibteed Caasha Kiin u timid oo ku saaciday oo mid u doortay Yaasmiin markii ay salaada Maqribkii ay tukatay ayay banaanka u soo baxday oo ay iska xaadirisay halkii ay qabtay inuu Mursal ugu imaan doono in cabaar ah kadibna waa uu u yimid Mursal oo hadalka furay ayaa yiri.

 

Mursal:

Ii waran Yaasmiin ma fiican tahay

 

Yaasmiin:

Waa kuu fiican nahay Mursal adigana xaalkaada ka waran

 

Mursal:

Alxamdullaaahi waa xamdi alle Falis meeday mise halkii ay tagi jirtay ayay qabatay

Yaasmiin:

Haa caawa saaxiibkeed ayay la balansaneyd

 

Mursal:

Gartay aqbaartaada manta waa I soo gaartay runtiina ma jirin sabab aan kugu maanaco waxaan aaminsan nahay in aad tahay qof dhmaeystirin oo nolol la la wadaagi karo sidaa ayaana ku aqbalay

 

Yaasmiin:

Waad mahadsan tahay sida aad u aqbashay dareenkeyga laakiin mid ogow Mursal waxaa ii tahay qof aan si kasta u cabiray oo aan gareystay in dareenka aan u haayo aan la wadaago adigana kuma qasbanid in aad si fudud igu aqbalsho diyaar ayaan kuu ahay in aad fursad qaadato oo naftaada siiso waqti ay igu aqbasho.

Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 7aad

Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 7aad Jowhar.com

 

Mursal:

Ma filayo in taa loo baahan yahay qof nafta la siin kara waa tahay maxaa kale

 

Yaasmiin:

Maya Mursal waan ogahay in walaashey ay fududahay mana aqaan sida ay xaalkayga kugu sheegtay qadarinta iyo xushmada aad u heyso darteed sow lagama yaabo in aad igu aqbashay marka aniga qof ay nolosha daacad ka tahay ayaan ahay waana sababta aan ku leeyahay wax badan ka fikir oo si deg deg ah ha igu aqbalin oo ogow haddii ay naftaada i aqbaleyso

 

Mursal:

Ma aqaan waxa aad mudada u dheereyneyso si kastaba sida aad rabto ayaa uu xaalka ahaanayaa

 

Mursal nin is dhiibay ayaa uu ahaa oo arrinta ay Falis u keentayna si duuduub ah ayaa uu u qaaday balse Yaasmiin ayaa ay ka daadegi la dahay in sidaa ay ku qaadato aqbalaadiisa waxa ay is tusineysay maadaama uu iyada si wanaagsan u yaqaan sidoo kale ay saaxiibo isku dhow yihiin Falis uu arrinka u aqbalay waxayna si xoogan u aaminsaneyd in Falis ay wax ka qarineyso

 

Habeenkii sidii ayaa lagu kala tagay Yaasmiin xilli hore ayay sariirteeda tagtay oo arrinka wax badan ka fikirtay waxayna aad u dharareysay Falis oo habeenkaas ay iyada u arkeysay in ay soo daahday markii ay Falis guriga timid ayay qolkeedii abaartay markii ay aragtay Yaasmiin oo sariirta dhacdiida ayay ku tiri

 

Falis:

Maxaa ku helay oo aad la jiifatay

 

Yaasmiin:

Waad soo daahday maxaa jira wax badan ayaan ku dhowrayey

 

Falis:

Ma aanan soo daahnin adiga ayaa xilli hore soo xarooday Mursal miyuusan kuu imaan

 

Yaasmiin:

Waa yimid

 

Falis:

Haye

 

Yaasmiin:

Maxaa haye ah

 

Falis:

Arrimahiina sow islama meel dhigin

 

Yaasmiin:

Haa waliba waa u sheegay inuu wax badan ka fiirsado oo uusan degdeg igu aqbalin micnaha wax badan iga barto

 

Falis oo aad ula yaabtay ayaa ku tiri

 

Falis:

Mursal waa uu ku yaqaan maxay tahay waxa kale oo uu kaa baranayo ma isaga ayaa sidaa ku yiri

 

Yaasmiin:

Maya aniga ayaa fikirkaan keenay

 

Falis:

Maxaa jira ma inuu ku aqbalay ayaad la yaabeysaa qof wanaagsan ayaa tahay oo samaanteedana muuqata

 

Yaasmiin:

Falisey armaad wax iga qarineysaa

 

Falis:

Maxaan kaa qarinayaa maxayse kula tahay in aan kaa qarinayo

 

Yaasmiin:

Maya sidaa ayaa is iri miyaan ku qaldan nahay in aan Mursal ku iraahdo wax badan I baro

 

Falis iyada oo yaaban ayaa ay madaxa uun u ruxday oo jikada aaday si ay casho u raadsado kadibna qolkii filimka ayay iska gashay Halka Yaasmiin ay fikir sariirteeda la jiiftay Mursal hadalka ay tiri Yaasmiin marnaba maskaxdiisa kuma mashquulin inuu Yaasmiin aqbalo waa go’aankiisa Yaasmiin ayaaa aheyd cida shakiga qabtay oo u aragtay in Mursal ay Falis u soo jujuubtay.

Libin Jaceyl waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah. Penned by Hali Hassan (XAALKOOS) Mail: xaalkoos@hotmail.com/   Libin Jaceyl belongs to jowhar.com   copyright Jowharcom@gmail.com
Like it? Share it!