Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 8aad

by hanad | Friday, Sep 29, 2017 | 3572 views

Mursal nin go’aansaday ayaa uu ahaa inuu wax badan noloshiisa ku riixo dhanka Yaasmiin oo is tusinayey in ay ilawsiin karta dareenka dhabta ee uu walaasheed u qaaday hadana marnaba kuma dhicin in wax ka badan xushmad iyo qadarin in ay naftiisa u heyso Yaasmiin,

Walow ilaa afar habeen uu u tagi jiray usbuuca waxayna inta badan ku sheekeyn jiray banaanka oo marnaba gudaha ma aysan gelin isagana ma yiraahdo maad guriga na gelisid walow uusan marnaba jecleysan in banaanka uu habeen kasta gabadha la fadhiya waxa auuna diidanaa in reerka qalad loo fahmo.

 

Falis ayaa aheyd qofta ay farxada la joogto waxayna iyada iyo saaxiibkeed Yaasiin ay ahaayeen kuwa isku faraxsan oo isla haaya nolosha ku go’aansaday in ay wada qaadaan oo waliba kalsooni ay saldhig ugu dhigaan xiriirkooda.

 

Qadar oo ah Falis walaalkeed ayaa isaga ahaa mid inta badan indhaha ku haaya Falis si ka badan Yaasmiin oo ay habro wadaag ahaayeen balse maalmahaan wax war kama haaya jaceylkaan walaashiis lalayo oo ay Yaasiin la heyso waxaana ugu wacnaa isaga oo markaan si buuxda ganacsiga aabahiis loogu wareejiyey waxa uuna ku mashquulnaa baqaar cusub oo gudaha Suuqa Bakaaro laga furay kaa oo ahaa mid bixiya alaabta Jumlada ee bagaashka loo yaqaan kaas oo ay shirkadooda soo dejiso wax badan kalama socon xaalka Falis oo uu inta badan ka wareysan jiray Saalax oo ay saxiibo isku dhow ahaayeen ciyaalka xaafada ay u yaqaanaan Saalaxey.

 

Saalaxey waxa uu ahaa saxiib ku dhow Qadar hadana waxaa jirtay inuu ka helay Falis balse uu awoodi waayey inuu jaceylkiisa u sheegto waxa uuna ka cabsi qabay in ay saaxiibkiis uu ku waayo arrinkaan waxaana Saalaxey arrinka ku sii cusleysiiyey markii uu arkay sida Qadar uu markasta ugu soo horjeedo in Falis uu nin ku arko.

Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 8aad jowhar.com

Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 8aad jowhar.com

Waa habeen Jimco ah sida caadada waxa ay ka mid tahay habeenada ay kulmaan Yaasiin iyo Falis waxayna sida caadada ah ku sheekeynayaan xaafada Fartuun oo habeenkaas ninkeeda joogay balse ku sheeko qaadanayo deerka guriga hortiisa ku yaal oo ay wada fadhiyaan habeenkaas waxaa xaafada ku jira walaalkeed Qadar oo caawa fursad uhelay in asxaabtiisa uu la qaado maqaayad laamiga ku taala ayaa uu habeenkaas dhamaan asxaabtiisa ka casha siiyey markii lasoo kala baxay cashada kadib ayaa Qadar waxay isku haray Saalaxey oo markii ay isku keliyoobeen ayaa uu Qadar ku yiri.

 

Qadar:

Ii waran Saalaxow maalmahaan isma maqal

 

Saalaxey:

Walaahi xaalkayga waa hagaag ee adiga xaalkaada ka waran

 

Qadar:

Waa kuu fiicanahay mashquul oo kaliya shaqada ayaa la igu wareejiyey oo aan kala wadaa

 

Saalaxey:

Maasha allah waa loo baahan yahay Aabe Warsame waa xilligii aad booskiisa buuxin laheyd

 

Qadar:

Ka waran gabadha walashey aheyd ee Falis maalmahaan waxba kaama wareysan

 

Saalaxey:

Walaahi sida aad mooda maaha Falis, Qadarow adiga waad daba dhigatay

 

Qadar:

Ma taqaanaa sababta aad u daba socdo Falis waa hubaa waa ay ka fududahaya Yaasmiin waxaana ka baqaa in wiil uu beenbeen ku kaxeysto

 

Saalaxey:

Is deji saaxiib

 

Qadar:

Waa sidaad tiriyee iiga waran asxaabta xaafada maxaa soo kordhay wax guursaday kuwa is raba maxaa ka cusub

 

Saalaxey:

Walaahi wax wlba waa sidaad ku ogeyd

 

Qadar:

Waa tahay waa sii seexanaa ee ii soo nabad ahaaw beri Dekada ayaan ku dheelmanayaa oo aan alaab ka soo bixinayaa

Sidii ayaa ay ku kala leexdeen Qadar iyo Saalaxey oo qof walba uu ku abaaray hoygiisa Saalaxey waa uu ka warhaayey arrinta Yaasiin iyo Falis hadana ma dooneynin in uu Qadar u sheego waana hubay in dhibaato ka soo gaareyso mar haddii uusan jaceylka Falis uusan nasiibka ku siman hadana nafta uu jeclaaday ayaa uu dhibta diidanaa balse Qadar waa dareemayey in Saalax uusan rabin in arrinta Falis uu u sheego hadana waxa uu is tusiyey in uu yeesho cid kale uu arrinka Falis ka wareysto balse waxa uu ahaa nin mashquul badan habeenkaas nasiibka kuma simin inuu wax ka ogaado arrinta Falis oo uu aad u daneynayaa.

 

Qadar markii uu xaafada ku soo laabtay nasiib wanaag Falis iyo Yaasmiin waxa ay joogeen guriga oo waxa ay ku wada jireenka qolka filimka oo film fiirsi ayaa mashquul lagu ahaa.

 

Falis maalmaihii macaana ee jaceylkeeda ayay ku jirtay waxayna gebi ahaan iska ilaawday cabsidii ay baid ka qabtay Qadar oo iyada xilli kasta daba gura maantaba Qadar ma uusan shaqo tagin oo hargab ayaa haayey waxa uuna helay fursad uu xaafada ku galo.

 

Waxaa xilli galab Qadar waxa uu fadhiyey deerka gurigooda waxaana meesha ku soo maray Qaasim oo ahaa asxaabta xaafada markiiba isa salaamed kadib ayaa uu ku yiri soo fadhiiso halkii ayaana lagu wada sheekeeyey waxaana in cabaar ah markii ay fadhiyeen ayaa guriga ka soo baxday Falis oo ay Saaxiibteed runaad ee ay xaafada ku laheyd oo Sureer la yiraahdo isla markaana 3 bil ka hor la guursadayla socoto Sureer waxa ay kalkaaliye caafimaad ka tahay isbitaalka banaadir ee magaalada Muqdishu Qadar ayaa markii ay hablaha dhaafeen ayaa uu Qaasim ku yiri.

 

Qadar:

Waxaan ku weydiinaa Sureer ninka guursaday muxuu qabtaa

 

Qaasim:

Walaahi isbitaalka ayaa uu kala shaqeeyaa ayaa la lahaa laakiin ma aqaan waxa uu qabto

 

Qadar:

Falis ka waran iyada ma jiraa wiil ay la socoto

 

Qaasim:

Falis wiilasha xaafadaan ma rabto balse maalhamaan waxaan ku arkaa wiil xaafad kale ka yimaado oo xilliyada habeenkii aan ku arko iyaga oo wada socdo

 

Qadar:

Yuu yahay kaas

 

Qaasim:

Walaahi ma aqaan laakiin Fartuun xaafadeeda ayaan ku arkaa

 

Qadar:

Ma jiraa habeeno u gaar ah oo ay kulmaan

 

Qaasim:

Walaahi ma aqaan laakiin waan isku arkaa habeenkii marka aaan xaafada ka soo baxayo iyaga oo deerka guriga fadhiya ama guriga galayo

 

Qadar:

Mid ma ii sameyn kartaa

Qaasim:

Maxay tahay

 

Qadar:

Markii aad isku hubsato in ay isla joogaan ayaad I soo waceysaa aniga si aan ugu kor imaado

 

Qaasiim oo ka yaabay sida uu u hadlayo ayaa yiri

 

Qaasim:

Oo maxaad sameyn laheyd

 

Qadar:

Sow xaq uma lihi in nin xun aan walaashey ka badbaadiyo

 

Qaasim:

Oo hadda yaa ku yiri waa xun yahay

 

Qadar:

Fiiri adiga arrinkaan wax dhib kaama soo gaareyso ee waa ku baryayaa ma ii soo sheegi kartaa markii aad isku aragtid

 

Qaasim isaga oo la yaaban ayaa ku yiri haye

 

Qadar waxayna tani u aheyd fursad oo uu Falis ku juujubi karo in aysan guriga ka soo bixin isaga oo arrinkaan dhowr jeeeer soo jeediyey oo uu aabahiis ka diiday oo ku tiri gabadhaha marnaba ma oglanayo in xuriyada laga qaado.

Libin Jaceyl waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah. Penned by Hali Hassan (XAALKOOS) Mail: xaalkoos@hotmail.com/   Libin Jaceyl belongs to jowhar.com   copyright Jowharcom@gmail.com
Like it? Share it!