Daarasad aan ka samayeyey “LIKE” Samaynta ay ku leedahay dadka Facebook isticmaalo

by hanad | Thursday, Oct 5, 2017 | 743 views

October 05 (Jowhar)—Aalada facebook ayaa waxa ay ka mid  tahay kuwa ugu saamaynta badan technology xiligaan jirto. Marka laga soo tago soo bandhigista sawirada, qoraalada iyo videos,

waxaa jiro in dadka  isticmaalo FACEBOOK ay micno gaar ah u leedahay sawirka suulka taagan ee lagu mujiyo LIKE.

Waxaa soo badanayo tartanka loogu jiro helista LIKE ta, cida la siinayo iyo waliba in loo maro habab kala duwan in la helo LIKE. Online survey (questionnaire) waxaa lagu  invite garyay oo loo diray ilaa 1000 qofood, waxaana ka soo jawabaya ilaa 400 qof. Natiijada waxay yaabaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ahaa:-

 

NO Percentage Qeexis
1 83.3% waxa ay sheegeen in cosdi isu diraan si  LIKE loogu saaro post.
2 50% waxa ay sheegeen in LIKE ay ka dhigto saxiibo uso dhaw oo is jecel.
3  25% Waxaa ay sheegeen in ay  kala xanaqaan hadii LIKE la isu saari waayo oo xiriirka xumaado
4  88.9 Waxaa ay shegeen in ay LIKE ugu abaal gudaan qofki horay u siiyay kaliya
5  41.7% waxaa ay shegeen in ay sameestaan   gaashaan buuraysi ku salaysan in LIKE aan la isku diidin
6 16.7% waxa ay shegeen in qabiil dartiis ay LIKE ugu saraan qofki marka uu wax soo dhigo
7  75% Waxa ay shegeen in ay farxad iyo reen reen daremaan marka LIKE badan loo saaro post ay soo dhigaan
8 25% Waxa ay shegeen in ay murug iyo ciil daremaan marki LIKE la saari waayo post ay soo dhigeen facebook
9 36.1% waxa ay shegeen in loo soo hambalyeeyo marka ay helaan LIKE badan
10 55.6% Waxa ay shegeen in ay isugu faanaan aniga yaa kaa LIKE badan
11  27.8% Waxa ay shegeen in ay gadan lahayeen hadii qiimo jaban laga dhigi lahaa 1000 LIKE.
12 37.1% Waxaa ay shegeen in dadkale loo soo adeegsado si ay ugu qalqaaliyaan in LIKE uu saaro qof kale
13 17.1% Waxa ay shegeen in ay jeclaan lahayeen in ay guursadaan qof LIKE badan helo
14 42.9% Waxa ay shegeen qof xiriir guur ama jeceel kala dhaxeeyo hadii uu qof kale LIKE u saro in ay maseer dareemaan.
15 25% Waxaa ay shegeen in ay sawiro u soo galaan si ay LIKE badan u helaan
16 22.2% Waxaa ay shegeen in ay qariyaan ama ay ka saraan post hadii ay wayaan LIKE
17 33.3% Waxaa ay shegeen in ay jeclaan lahayeen in ay isticmalaan LIKE fake (been) ah si loo ogaado in ay LIKE badan helaan
18 37.1% Waxay ay shegeen in ay lakumeen qilaaf ka dhashay LIKE la isku qabqabsaday oo xal loo raadinayo
Daarasad aan ka samayeyey "LIKE" Samaynta ay ku leedahay dadka Facebook isticmaalo jowhar.com

Daarasad aan ka samayeyey “LIKE” Samaynta ay ku leedahay dadka Facebook isticmaalo jowhar.com

 

Aqristayaasha Jowhar.com waa u mihiim ay helaan xog la xiriirto arimaha bulshada. Waxaan jeclaan lahaa in aad page ka usoo publish garaysaan arintaan.

Mahadsanid.

Shafici Sharif Mohamed
fayosom@hotmail.com

Like it? Share it!