Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 9aad

by hanad | Friday, Oct 6, 2017 | 3142 views

October 06 (Jowhar)—Qadar habeenkii markii uu yimid xaafada ayaa u gudbay qolkii filimka oo ay hablaha oo dhan ay ku dhamaayeen waxa uuna si xun u fiirinaayey Falis isaga oo qalbiga isagala hadlayo,

Aadna u dhararayo in uu mar uun qalad ku helo si uu cinqaabtuu mudo la goobayey uu dul dhigo, Falis laf ahaanteeda dhowr jeer ayay aragtay Qadar oo iyada six un u eegayo tanina waxa ay ku dhalisay shaki weyn markii ay ka soo dhamaatay filimkii oo ay qolkeea soo gashay ayay walaasheed yaasmiin ku tiri.

 

Falis:

Yaasmiiney caawa waxaan la yaabay Qadar oo si un ii eegayey

 

Yaasmiin:

Qadar maaba adiga il fiican kugu eega mar walba waa uu kula goobaa inuu dilkaaga baneysto

 

 

Falis:

Waxan is leeyahay armuu arrimahyga wax ka soo ogaday

 

Yaasmiin:

Ma filaayo yaa u sheegayo

 

Falis:

Miyaadan ogeyn in wiilashada xaafada ay rufiyaaan u yihiin walaahi ma aqaan waxa uu iga og yahay kolay la ogaan doono

 

Yaasmiin:

Wax badan is ilaali

 

Falis:

Waa sidaas

Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 9aad Jowhar.com

Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 9aad Jowhar.com

Qadar wixii markaas ka dambeeyey waxa uu dhararayey inu helo wicid kaga timaada Qaasim dhowr habeenna waa uu ku hungoobay balse caawaba nasiib wanaag illinka guriga kaga horyimid Qaasim markii uu arkay ayaa uu yiri.

 

Qadar:

Haye Qaasim maxaad soo ogaaday

 

Qaasim:

Haa waa fadhiyaan waan la yaabanahay malaha caawa xilli horea yay yimaadeen iyaga oo fadhiya ayaan arkay hadda

 

Qadar:

In aad I soo wacdo ayaa la rabay si markiiba kuu soo gaaro

 

Qaasim:

Iminkaba waan ka gaarnaa anigana telka lacag iguma jirin

 

Qadar:

Waxay aheyd in aad ila wadaag igu soo gasho balse dhib malaha aan lugaha kala qaadno si aan u gaarno.

Markiiba hore ayaa loo dhaqaaqay labada guri in cabaar ah ayaa ay isku jireen Qadar marnaba kama labalabeysneyd in uu caawa u gacan qaado Falis markiiba meel sare ayay ka arkeen Falis oo kor taagan Baabuur Yaasiina uu baabuurka raacay Qadar waa uu ku cararay si uu wiilka u arko balse markii uu tiigsaday baabuurkiina waa dhaqaaqay balse kama labolabeynin inuu dhirbaaxsho uu ku dhufto Falis oo markii ay ku dhacday dhirbaaxshadii aan fahmin cida ku dhufatay ayay markiiba abaartay qofkii dhirbaaxday oo inta ay shafka gacanta ka gelisay oo gadaal u tuurtay balse markiiay aragtay in cida dhirbaaxday uu Qadar yahay cabsi la qalqashay oo ay ku tiri.

 

Falis:

Oo kaalay maxaad ii dhirbaaxday miyaad waalatay

 

Qadar:

Haa waan waashay maxaad halkaan ka heysay yuuse kuu ahaa wiilka aad baabuurka saartay

 

Falis:

Wiilka waa kee kuma fahim

 

Qadar:

Waxba ha iska key dhigin qof dembi la’

 

Falis:

Haa waan dembi la’ahay maxaan sameeyey

 

Qadar:

Haye hore noo sii wad xaafada ayaan ku hadleynaa

Falis:

Fartuun ayaan u socdaa iyada ayaana aadayaa

 

Qadar:

Naa fartuun ma aqaan ee inta aan ku jiidin I hor qabo

 

Qaasim oo inta hadalada la is weydaarsanaayey iska eeganayaan ayaa markaan soo dhexgalay oo ku yiri

 

Qaasim:

Haa falis raac oo xaafada ku wada hadla Qadarow adna is deji meesha waa wado gabadha ha bahdilin

 

Qadar:

Waa istaahishaa ee si edeb leh ha ii daba kacdo haddii kale

 

Falis:

Haye haddii kale maxaad sameyneysaa

 

Qadar:

Qaasim la hadal gabadhaan ee ha I hor socoto

 

Qaasim markiiba waxa uu Falis ku qanciyey in ay xaafada aada isaga waa uu raacay si uu kaga reebo Qadar inuu gabadha wadada ku dilo

 

Falis inkastoo caawa la qabtay haddana intii ay wadada socotay ayay durbadiiba diyaarsaday hadalada ay isku badbaadin karto maadaama Qadar uusan Yaasiin arkin xaalkana si kale u rogto.

Libin Jaceyl waxey qaas u tahay jowhar.com kalana soco Jimco walba Insha Alaah. Penned by Hali Hassan (XAALKOOS) Mail: xaalkoos@hotmail.com/   Libin Jaceyl belongs to jowhar.com   copyright Jowharcom@gmail.com
Like it? Share it!