Guddoomiyaha Baarlamaanka oo maanta ku wajahan magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koofur Galbeed, isagoo socdaalkiisa yahay kii u horeeyay, tan iyo markii loo doortay xilkan.

Warar ku dhow dhow Xafiiska Guddoomiye Mursal ayaa sheegaya in magaalada Baydhabo kula kulmi doono Madaxda Koofur Galbeed, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanada uu ka soo jeedo.

Socdaalka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee magaalada Baydhabo ayaa ku soo aadaya, iyadoo magaaladaas uu shir uga socdo Madaxda dowlad Goboleedyada, kuwaasoo xilligan khilaaf kala dhaxeeya dowladda Federaalka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal uu ka qeyb geli doono shirka Golaha Amniga Qaranka, isagoo ah Kusimaha Madaxweynaha, waxaa shirkan uu ahaa mid horay loo sii qorsheeyay oo shirka Maamul goboleedyada dhexdooda laga soo hormariyay.

Lama oga in shirka Golaha Amniga Qaranka ee Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada inuu dhici doono iyo in kale, hase ahaatee waxaa muuqata in Madaxweynaha uu ka baaqsan rabo shirkaas