Dowlada Federalka oo ka hadashay cillad ka jirta qadka Internetka Koofurta Soomaaliya

Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa ka hadlay cillad ku timid qadka internetka ee Koofurta Soomaaliya.

Wasiir Canshuur oo Qoraal soo saaray ayuu ku sheegay in Xarrigga Cusub ee Internet-ka labaad ah uu xoojin fiican u yeeli doono xariggii hore ee Internet ee ka shaqeynayey Muqdishon, iyadoona cilad bixin lagu wado midkii hore.

Sidoo kale Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in dalka soo gaarey oo Markabkii xalin lahaa cilladdii hore ee ku dhacday xariggii 1-aad ee Internet-ka ee Eastern Africa Submarine Cable System (EASSy) ee Shirkadda DALKOM, taariikhdu markii ay ahayd 26 July 2020.

“Iyada oo laga jawaabayo baaqii dowladda ee ahaa in dalku yeesho xargo badan oo Internetka soo geliya dalka, ayaa waxa aan ugu bishaaraynaynaa dadweynaha Soomaaliyeed in uu shaqo bilaabay Khadka Xarrigga Internetka ee DARE1 (Djibouti Africa Regional Express 1) oo noqonaya xarriggii labaad ee Internet ee magaaladda Muqdisho ka howlgala; Xarriggan cusub ayaa waxa aan rajaynaynaa in uu xoojin fiican u noqon doono xariggii hore ee Internet ee ka shaqeynayey magaalada.”ayuu ku yiri wasiirka boostada qoraal uu soo saaray.

Sii hayaha Wasiirka Boostada Isgaarsiinta & Tiknolojiyadda Xukuumadda si gaar ah uga mahadceliyay Shirkadda SOMTEL oo si deg-deg uga jawaabtey baaq horey uga soo baxay dowladda Federaalka ee ahaa helitaanka xarrigga labbaad Internet-ka Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More