Golaha Wasiirada Hirshabelle oo maanta ku kulmay magaalada Jowhar

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shir guddoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Kulankan oo ahaa kii ugu horeeyay ee ay golaha Wasiirada Hirshabelle yeeshaan tan iyo markii la doortay Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen bishii aynu ka soo gudubnay ayaa loogaga hadlay arrimo kala duwan.

Afhayeenka Maamulka Hirshabelle Daauud Xaaji Cirro ayaa saxaafada la hadlay kadib markii uu kulanka soo idlaaday.

“Shirka Golaha Wasiirada ee maanta waxaa warbixino looga dhageystay siihayayaasha Wasiirada Wasaaradaha Arimaha Gudaha,Caafimaadka, Ganacsiga, Amniga Gudaha, Gargaarka, Waxbarashada iyo Gaadiidka.”ayuu yiri Daa’uud Xaaji Cirro afhayeenka Dowlad goboleedka Hirshabelle.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa lagu wadaa in uu soo dhiso gole wasiiro cusub iyadoo tan iyo markii xilka loo dhaariyay ay ku dhowdahay muddo bil ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More