Guddiga Iskaashatooyinka gaadiidleyda gobolka Banaadir oo la kala direy

Maamulka gobolka Banaadir ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku kala diray guddiga iskaashatooyinka gaadiidlayda gobolka Banaadir iyadoo lagu eedeeyey in ay ku milmeen waxa loogu yeero argagixisada.

Kala dirida guddiga iskaashatooyinka gaadiidleyda ayaa waxaa ku dhowaaqay afhayeenka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan “Saalax dheere” isagoo ku tilmaamay guddiga inay ku milmeen Al Shabaab.

Saalax Dheere ayaa sheegay in la soo dhisi doono guddiga Iskaashatooyinka gaadiidlayda gobolka Banaadir oo uu sheegay in lagu samaynayo baaritaan dheeri ah si loo hubiyo ayuu yiri “in ay xiriir la leeyihiin Argagixisadda”.

“kala dirista guddigaan ay timid ka dib markii ay arkeen warbixinta hay’adaha amaanka Soomaaliya.”ayuu yiri Saalax Dheere.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa ku hanjabay in ay beegsan doonaan cidii Dhaqaale iyo dhiiragalin u samaysa waxa uu ugu yeeray Argagixisada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More