Iraan oo dil ugu hanjabtay Donald Trump

Hoggaamiyaha sare ee dalka Iraan, Ayatullah Cali Khamenei, ayaa bartiisa Twitter soo dhigay qoraal iyo sawir u muuqda mid ku baaqayo in la weeraro madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, si loogu aargudo dilkii sanadkii hore Mareykanka u geystay taliyihii ugu sarreeyay militariga Iraan, janaraal Qaasim Suleymaani.

Sawir la soo dhigay boggiisa rasmiga ah ayaa muujinayay madaxweynihii hore ee Mareykanka oo golf ciyaaraya, xilli la arkayo hooska wax u eg diyaarad dagaal ama diyaarad weyn oo ah nooca aan lahayn duuliyaha ee Drones-ka loo yaqaan.

Shirkadda Twitter ayaa xirtay cinwaan yar oo dad badani aysan ku taxnayn oo markii ugu horreysay lagu daabacday sawirkaasi.

Haweeney afhayeen ah oo u hadashay Twitter ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, in cinwaankaasi – @khamenei_site – uu yahay mid been abuur ah isla markaana uu ku xad-gudbay nidaamka iyo siyaasadda shirkadda Twitter.

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka ku lifaaqan sawirkaasi oo ku qoran luuqadda Farsiga ayaa waxaa sidoo kale dib loogu faafiyay cinwaanka rasmiga ah ee Ayatullah Cali Khamenei uu ku leeyahay Twitter-ka, oo ay ku taxan yihiin in ka badan 300,000 oo qof. Balse markii dambe ayaa la tirtiray oo laga saaray boggaasi Twitter-ka ee Khamenei.

Qoraalkaasi oo ku qornaa luuqadda Farsiga ayaa ereyga “aargudasho” waxaa lagu qoray far casaan ah, waxaana qoraalka intiisa kale uu leeyahay: “dilka Suleymaani iyo ciddii amarkaasi bixisayba waa in loo ciqaabaa”.

Qoraalkaasi iyo sawirka ku lifaaqan ee la soo dhigay bogga rasmiga ah ee Ayatullah Cali Khomeini, ayaa soo xiganayaa hadal uu jeediyay 16-kii Diseembar, kaa oo mar kale wacad ku marayay in Suleymaani loo aargudayo “wakhti kastaa”.

Shirkadda Twitter-ka ayaa lagu booriyay inay wax ka qabato hanjabaaddaasi kaddib markii dhowr qof oo isticmaalaya Twitter-ka ay shirkadda ku dhaliileen in ay Trump ka xirtay bartiisa Twitter-ka balse aysan xirin kan hoggaamiyaha Iraan.

Shirkadda Twitter ayaa horraantii bishaan xirtay cinwaankii Trump ee dadka badani ku taxnaayeen kaddib markii uu daabacay qoraallo loo arkay inay dhiirigeliyeen rabshadahii hareeyay dhismaha aqalka Koongareeska Mareykanka.

Janaraal Suleymaani ayaa dowladda Iraan u fududeeyay xoojinta kooxaha xagjirka ahi ee Iiraan taageersan, wuxuuna ballaariyay saameynta militari ee Iraan ku leedahay waddamada Ciraaq iyo Suuriya.

Iraan waxay sidoo kale abaabushay kooxo dowladda Suuriya gacan ka siinayay la dagaalanka kooxaha fallaagada ahi ee muddada dheer qeybta ka ahaa colaadda sokeeye ee dalkaasi.

Trump ayaa dilka Suleymaani kaddib waxa uu sheegay in Janaraal Suleymaani uu “si toos ah iyo si dadbanba uu mas’uul uga ahaa dhimashada malaayiin qof”.

Iraan ayaa dilkiisa uga falcelisay gantaallo fara badan oo ay ku duqeysay xarun ay leeyihiin ciidamada cirka ee Ciraaq oo ay degan yihiin ciidamada Mareykanka, waxayna ka digtay weerarro kale, iyadoo Ayatullah Khamenei uu xilligaasi sheegay in”aargudasho ba’an ay sugeyso dambiilayaasha”.

Shirkadda Twitter ayaa horraantii bishan mamnuucday qoraal uu Ayatullah Khamenei soo dhigay boggiisa, kaa oo uu ku sheegay in talaalka cudurka Covid-19 ee ay sameeyeen waddamada UK iyo Mareykanka ay yihiin kuwo “aan la aamini karin”.
Xigasho;BBCSOMALI

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More