Xildhibaan Carabow oo Qado Sharaf u sameeyay xubno ka tirsan Golaha Cusub ee Wasiirada

Xildhibaan C/qaadir Carabow Ibraahim ayaa maanta hoygiisa qado sharaf ugu sameeyay Wasiirka cusub ee Amniga Xasan Xundubey Jimcaale, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble iyo siyaasiyiin uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

Kulankan qadada ah ayaa isugu jiray is xog wareysi xaalada guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha Hirshabelle,waxayna siyaasiyiinta ka qeybgalay kulankan ay isku weydaarsadeen aragtiyadooda guud ee dalka.

Arrimaha loogaga hadlay kulankan ayaa waxaa ka mid ah xaalada siyaasadeed ee dowlad goboleedka Hirshabelle oo haatan ay ka jirto hanaankii loo soo xuli lahaa xildhibaanada baarlamaanka 2aad ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

Kulankan ayaa imanaya maalin kahor xilli Golaha Cusub ee Wasiirada uu soo magacaabay Ra’iisul wasaare Rooble la horgeynayo Golaha Shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More