Golaha Deegaanka Gaalkacyo oo doortay Duqa Magaalada iyo ku xigeenkiisa

Golaha Deegaanka magaalada Gaalkacyo ayaa maanta doortay Duqa magaalada Gaalkacyo iyo ku xigeenkiisa.

Goobta lagu qabanayay Doorashada Duqa Magaalada Gaalkacyo iyo ku-xigeenkiisa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa dhammaan xubnaha Golaha deegaanka, Wasiirka Arrimaha gudaha Galmudug, Mas’uuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Xildhibaanada cusub ee Golaha deegaanka Gaalkacyo ayaa duqa magaalada u doortay Cabdiraxmaan Sheekh Xasan u doortay oo musharixii la tartamayay uu u tanaasulay.

Sidoo kale Xildhibaanada golaha deegaanka ayaa u doortay ku-xigeenka duqa magaalada Maxamed Cabdi Cilmi isagoo ka guuleystey musharaxiintii uu la tartamayay.
Maxamed Cabdi Cilmi ayaa helay codad gaaraya 17-Cod, halka Cabduqaadir Maxamed uu helay 6 cod iyo Bile Xuseen oo ahaa musharaxii saddexaad oo isna helay 2 cod.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More