Falanqaynta Kulanka Levante Vs Barlcelona Iyo Barcelona Oo Ku Hamiyaysa Inay Hogaanka sii Dheeraysato.

by hanad | Sunday, Sep 21, 2014 | 181 views

Kooxda Barcelona oo horyaalka La Ligaha Spain ku bilaabatay qaab ciyaareed aad u heer sareeya ayaa hamigeedu yahay inay markale hogaanka sii dheeraysato.

Kadib markii ay soo wada guulaysatay kulamadii ay ciyaartay horyaalka.Barcelona ayaa hogaanka ku haysa 9 dhibcood waxayna doonaysaa inay afar dhibcood oo saafi ah ka fogaato kooxda ku soo xigta ee A.Madrid.

Luis Enrique ayaa la rajaynayaa inuu isbadal ku samayn doono lineupkiisa kadib markii uu kulankii APOEL ee Champions Leaquega nasiyay qaar ka mid ah kooxdiisa kowaad. Barcelona ayaan ilaa hadda wax gool ah laga dhalin horyaalka Spain, waxayna dhamaan kulamadii ay ciyaarta la baxday shabaq nadiif ah.

Luis Enrique ayaa kulankii APOEL ee Champions Leaquega kooxdiisa ku sameyay sagaal isbadal kooxdii guusha ka gaadhay Athletic Bilbao.

Kulankan ay Barcelona ku booqan doonto kooxda Levante ayaa xusuus badan u leh jamaahiirta Barcelona, xusuustaas oo ah in Barcelona ay koobka horyaalka Spain ku hanatay garoonkooda labadii xili ciyaareed ee 2004/5 iyo 2010/11. Kulankii iskugu danbeeyay labadan kooxood ayaa ahayd kulankii Copa Del Rey ga kaa soo dhacay 29 bishii January ee sanadkan waxayna Barcelona ku badisay 5:1.

levante-vs-barcelona

 

Maxaa Cusub?

 

Thomas Vermaelen oo ay Barcelona kala soo wareegtay kooxda Arsenal ayaan wali ka qayb qaadan kulamada Barcelona waxaana wali shaki ku jiraa inuu kulankan ciyaari karo iyo inkale.

Luis Suarez ayaa wali ganaaxii FIFA ku maqan laakiin Luis Enrique ayaa hadda haysta koox buuxda oo uu aad ugu kalsoonaan karo.

Ma Ogtahay?

Levante ayaan muddo aad u dheer wax guul ah ka gaadhin kooxda Barcelona, Levante ayaa markii ugu danbaysay Barcelona ka badisay xili ciyaareedkii 1964/65, intaa wixii ka danbaysayna wax guul ah kamay gaadhin.

Levante ayaa hal dhibic oo kaliya ka qaadatay saddexdii kulan ee ugu horeeyay horyaalka,laakiin waxay ku kalsoon yihiin inay ka guulaysan karaan kooxda Luis Enrique.

Line Upka suurto Galka ah ee ay labda kooxood ku kala bilaaban karaan:

Levante (4-3-3): Jesus; Pedro Lopez, Vyntra, Rodas, Tono; Simao, Perez, Victor C.; Xumetra, Barral, Morales

Barcelona (4-3-3): Bravo; Alves, Piqué, Mathieu, Alba; Busquets, Rakitić, Iniesta; Munir, Messi, Pedro

Like it? Share it!