Guddoomiyaasha Maxkamadaha Gobolada Galmudug oo la dhaariyay

Munaasabaddan oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyadda Galmudug ayaa lagu dhaariyay Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Gobalada iyo kuxigeennada Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug oo dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Maxamed Cabdi Kaariye (Qoor qoor).

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay, Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Guddoomiyaha Barlamaanka, Gudoomiyaha Maxakamadda Sare, Xeer-ilaaliyaha Guud, iyo Hanti-dhowrka Guud ee Galmudug, xubno ka tirsan labadda Gole ee dowladda iyo dhammaan howl-wadeennada caddaaladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug Garyaqaan, Cabdullaahi Maxamuud Gacal, oo dhaariyay xubnaha cusub ee guddoonka maxkamadaha iyo xeer ilaalinta ayaa kula dar daarmay in ay si daacad ah ugu adeegaan bulshada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Maxamed Cabdi Kaariye (Qoor qoor).ayaa bogaadiyey xubnaha cusub ee hay’adda garsoorka, Isagoo faray inay xilkooda u gutaan si daacad ah oo ay ku jirto danta, dalka iyo dadka, ayna ka hormariyaan danta guud middooda khaaska ah.

Madaxweynaha Galmudug ayaa amray dhamaan laamaha amniga iyo hay’adaha dowliga ah in ay si dhaw ula shaqeeyaan garsoorka, isagoo qiray in aysan jirin cid sharciga ka sareysa, sharciga hortiisana loo wada siman yahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More