Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle oo maanta lagu dhowaaqayo

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in saacadaha soo socda lagu wado in lagu dhawaaqo baarlamaanka 2aad ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

Ilo ku dhow dhow guddiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegaya in illaa 66 xildhibaan loo gudbiyay guddiga farsamada.

Inta badan duubabka dhaqanka eek u sugan magaalada Jowhar ayaa gudbiyay magacyada xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Hirshabelle waxaana wararku sheegayaan in xildhibaano badan oo  hore ugaga mid ahaa baarlamaankii koowaad ay waayeen kuraastooda.

Xubnaha waayay kuraastooda ayaa waxaa ka mid ah guddoonkii baarlamaanka inkastoo aan weli si rasmi ah loo sheegin.

Kuraas badan ayaa weli muran ka taagan yahay iyadoo oday dhaqameedyada ay weli wadaan wadahadalo ku saabsan sidii loo gudbin lahaa xubnaha ka maqan xildhibaanada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More