Ingiriiska oo xayiraad iyo cunaqabateyn kusoo rogtay wasiiradda Maaliyada & Amniga Israel
Jun 10 (Jowhar) Dowladda Ingiriiska ayaa cunaqabatayn kusoo rogtay laba wasiir oo ka tirsan Israel, Itamar Ben-Gvir iyo Bezalel Smotrich, ayaa tilaabooyinkan laga qaaday kaddib hadallo ay ku UK ku tilmaamtay kuwo “arxan darro ah” oo ay ka yiraahdeen xaaladda Qaza, oo ay ku jiraan qorshayaal ay ku doonayaan inay ku burburiyaan dhulkaas iyo isticmaalka awood dheeraad ah si loo helo deegaanno cusub oo Yuhuuddu ka dhisato Daanta Galbeed.
Ben-Gvir, oo ah Wasiirka Ammaanka Gudaha ee xukuumadda uu hoggaamiyo Benjamin Netanyahu, iyo Smotrich, Wasiirka Maaliyadda, waxaa lagu soo rogay mamnuucid safar (travel ban) iyo in la xayiro hantidooda.
Cunaqabatayntan ayaa timid xilli UK iyo dalal kale oo reer Galbeed ah ay doonayaan in ay cadaadis dheeraad ah saaraan Israa’iil oo dagaal culus ka wada marinka Qaza. Dowladda Mareykanka lama filayo inay qayb ka noqoto tallaabadan.
Israel ayaa sheegtay in lagu wargeliyay go’aankan duhurkii Talaadada. Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar, ayaa arrintan ku tilmaamay “mid ceeb ah in xubno dowladeed oo si dimuqraadi ah loo doortay lagu beegsado tallaabooyin noocan ah.”
Cunaqabataynta noocan ah badanaa lama shaaciyo si dadka lala beegsanayo u helin fursad ay ku wareejiyaan ama ka saaraan hantidooda dalka lagu xayirayo.
UK waxay muddo sanad ka badan haysatay fursad ay ku cunaqabateyn karto labada wasiir, balse waxay go’aansatay in ay hakiso dhowr toddobaad kahor si ay ugu hesho taageero caalami ah oo ballaaran go’aanadooda.