Wasiirkii Dhalinyarada ee Maamulka Xuutiyiinta oo lagu diley magaalada Sanca

Maamulka Xuutiyiinta ee ka dhisan magaalada Sanca dalka Yemen ayaa xaqiijiyay in toogasho lagu diley wasiirkii u qaabilsanaa maamulkaas arrimaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Hassan Zaid.

Hassan ayaa la sheegay in uu u dhintey dhaawacyo ka soo gaaray rasaas ay dabley hubeysan ay ku fureen xilli uu saaka ku sii jeeday xafiiskiisa.

Weerarkan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacantay gabar uu dhalay wasiirka la diley oo gaari uu saarnaa kaxeyneysay.

Wasaarada u qaabilsan arrimaha gudaha Maamulka Xuutiyiinta ayaa ku eedeeyay dilka loo geystey siyaaasigan ka tirsanaa xisbiga Al-Haq inay ka dambeeysay boqortooyada sacudi carabiya.

“Dilka Wasiir Hassan Zaid waa fal dambiyeed oo qeyb ka ah qorshayaal lagu ugaarsanayo dadka muhiimka ah.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Maamulka Xuutiyiinta.

Dalka Yemen ayaa waxaa ka dhacayay dagaalo sokeeye tan iyo sanadkii 2014kii xilligaas oo Xuutiyiintu ay qabsadeen magaalada Sanca.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More