Hay’ad Caalami ah oo cambaareysay dil shalay ka dhacay Muqdisho

Hay’adda UNICEF ee qaramada midoobey ayaa canbaareysay weerar lagu dilay labo ka mid ah shaqaalaha talaalka cudurka dabeysha kaasi oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
War qoraal ah oo uu soo saaray madaxa UNICEF ee soomaaliya Jesper Moller ayaa lagu sheegay in UNICEF ay argaxgaxday falka lagu dilay labo xubnood oo ka mid ah shaqaalaha talaalka kuwaasi oo shaqo ku jiray.

“Shaqaalahan geesiyiinta waxay naftooda halis u galiyeen in adeega caafimaadka oo ay aadka ugu baahanyihiin gaarsiiyaan carruurta nugul” ayaa lagu yiri qoraalka.

UNICEF waxay tacsi u dirtay qoyska iyo ehelka ay ka baxeen shaqaalaha gargaarka ee la dilay.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in UNICEF ay si xoog leh u canbaareyneyso weerarka fuleynimada leh ee lagu dilay shaqaalaha waxayna ka codsatay dowlada soomaaliya baarintaan buuxa.

Weerarada ka dhanka ah shaqaalaha gargaarka waxay xad gudub ku yihiin sharciyada caalamiga.

Dabley hubeysan ayaa ku toogatay deegaan ka tirsan degmada Kaxda labo ruux oo mid ka mid ah ay ahayd dumar kuwaasoo ku jirey howlaha tallaalka cudurka dabaysha oo ka socda gobolo ka mid ah koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More