Daawo Sawirada sida loo soo dhoweeyay Abu Qatada kadib markii laga sii daayay xabsi ku yaal Jordan

by A M | Thursday, Sep 25, 2014 | 8053 views

Wadaadka caanka ah ee Abu Qatada ayaa lagu waayay wax dambi ah oo la xiriira argagaxisanimo kadib markii la horgeeyay maxkamad ku taal dalka Jordan iyadoo maxkamadiina ay amartay in la sii daayo.

Maxkamad xaakimiin ay ka ahaayeen garsoorayaal aan ciidan ahayn ayaa magaalada Cammaan ayaa wax cadeyn ah u weyday Abu Qatada waxayna amartay in uu albaabka ka baxo isagoo xor ah waxaana albaabka dhismaha maxkamada ku sugayay qoyskiisa oo uu ugu horeeyo aabihiis.Hase ahaatee dowlada Britain ayaa ku dhowaaqday wax yar kadib markii la sii daayay  in uusan Abu Qatada imana karin dalka Britain oo uu ku noolaa muddo dheer.

Abu Qatada oo magaciisa dhabta ah yahay Cumar Maxamuud Maxamed Osman ayaa loo haystay dambiyo ah in uu ka mid ahaa dad qorsheynayay weeraro lagu qaado gudaha dalka Jordan dad dalxiisayaal ah oo Israeliyiin iyo Maraykan isugu jira iyo weliba diblumaasiyiin reer Galbeed ah sanadkii 2000.

Bishii June ee la soo dhaafay ayaa sidoo kale lagu waayay Abu Qatada oo 53 jir ah eedeyn kale oo ah qorshe dhicisoobay oo lagu doonayay in lagu weeraro iskuulka Americanka ee magaalada Cammaan. Abu Qatada ayaa diiday dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay waxaana uu qabsaday qareeno can ka ah dalka Jordan.

Afhayeenka ra’iisal wasaaraha dalka Britain ayaa bihii June ee sanadkan yiri:’Ma soo laaban karo,mana soo laaban doono. Waa Jordanian mana haysto baasaboor UK ah, waa la masaafuriyay lamana siin doono abid ogolaansho uu dib ugu soo laabto UK, taasi waa sheeko dhamaatay.”

Abu Qatada ayaa laga masaafuriyay wadanka Britain kadib markii muran dheer ka dhashay habka loo qaadayo dacwadiisa waxaana markii hore maxkmadaha ku yaal Britain ay ku eedeeyeen in uu yahay wakiilka ururka Al Qaacida ee qaarada Yurub.

Taariiq nololeedka Abu Qatada

Abu Qatada waxa uu ku dhashay magaalada Bethlehem sanadkii 1960 iyadoo xilligaasna magaaladaas ay dowlada Jordan maamulaysay. Markii uu 29 sano jir noqday Qatada waxa uu u wareegay magaalada Peshawar ee dalka Pakistan halkaa oo uu macalin ka noqday kadibna waxa uu u wareegay dalka Kuwait.

Sanadkii 1991dii markii uu dhamaaday dagaalkii Khaliijka waxaa uu dib ugu soo laabtay dalkiisa Jordan isaga Falastiiniyiin badan oo ku noolaa Kuwait.

Labo sano kadib Abu Qatada iyo qoyskiisa waxa ay magangelyo siyaasadeed weydiisteen UK waxaana ay heleen June 1994. Dhammaadkii sagaashamaadkii Abu Qatada waxaa il gaar ah ku eegayay sirdoonka UK isagoo lagu tuhmay inuu dadka kicinayo.

Sanadkii 1999 iyo 2000 Qatada oo kamaqan dalka Jordan ayaa maxkamad ka dhisan Jordan waxa ay ku xukumay xabsi daa’in kadib markii lagu soo eedeeyay labada dambi ee maanta maxkamadu dhagaysatay kuna weyday cadeymo buuxda.

Lama oga halka uu sal dhigan doono Abu Qatada kadib markii maanta laga sii daayay xabsi ku yaal dalka Jordan oo ah wadanka uu ku dhashay.

abu qatada (6) abu qatada (5) abu qatada (4) abu qatada (3) abu qatada (2) abu qatada (1) abu qatada (10)

 

Like it? Share it!